Xigmado kahadlaya jacaylka





Jacaylku waa nolol qurux badan waa nolol xasilooni badan, inta badan qofka haysta ama uu ilaahay ugu hibeeyey jaceyl dhab ah waa qof nasiib leh oo farxad badan. Hadii uu ilaahay maanta ku siiyay qof ku jecel ugu mahadceli marwalba ilaahay si uu idin wada ilaaliyo labadiinaba.


Ugu deeq qalbigaaga oo sii kuna soo dhawee si wacanna umaamuus qofka garanaya qiimahaaga kuna ixtiraamaya, isla markaana kaa jecel adiga dadka asaagaada ah, mar walubana garab kuu ah oo kuu naxriista


Jacaylku kuma xidhna Faqiirnimo, Hodontinimo Aftahannimo ama Da'da intoodaba kuma xidhna jaceylku balse wuxuu ku xidhan yahay xushmeyn, qaddarin, dulqaad, iyo kala dambayn.




Nolasha sidedaba waxay u baahan tahay daryeel waxaana daryeli Kara qof jecel, Jacaylka sidisaba waa naxariis qof helay oo garan waayey qiimihisa baa qasaaray, ma aminsani qofka inuu noolaan karo naxariis la'aan, Jacayl la'aan, daryeel la'aan iyo farxad la'aan.