Viagra oo daawo unoqday xanuuno aandawo lahayn

 Kiniinka Viagra oo lessheegay inuu daaweeyo xanuuno loo xal waayay.



Daraasad ayaa sheegtay in kiniinka loo adeegsado quwada galmada ee raģa inay leedahay faaidooyin aan la filaynin oo ka fog ujeedada loo isticmaalo waqti xaadirkan ee caanka ah ee xoojinta awooda raganimo ee galmada.


Daraasad ay qaadeen koox katirsan "Cleveland clinic" ayaa tibaaxaysa in markay qaadeen naadhitaano safbalaadhan ah oo kajawaabaya dalabaadka deryeelka cafimaadka ee ay soo gudbiyeen in kabadan 7.5 milyan oo ruux ay cadeeyeen in ay ku arkeen isbadal dad waayeelka ah ee isticmaala Viagra oo aanay ku arkin dsdka kale.


Sida ay tilmaamayso daraasadan lagu baahiyay wargayska lagu magacaabo "nature aging" e kahala science-ka waxay arkeen baadhayaashu in dadka adeegsaday viagra ay oga halis yaryihiin inuu ku dhaco romatizem ka marka loo eego dadkaan isticmaalin.


Waxy cadeeyeen culimadani inay hoos udhaca khatartani xidhiidh laleedahay isticmaalka 70% boqolkiiba waana nisbo wanaagsan marka loo eego daawooyinka kale ee lagu daaweeyo xanuunka dhibaatada ku haya inatabadan dadka waayeelka ah ee ay dadoodu ka korayso 60 jirka.

Waxay culimadu tibaaxayaan in xidhiidhkan kadhexeeya xanuunka romatizem iyo kiniinkan kadhexeeya ay kuurgaleen uu noqon karo daawooyinka usharaxan in lagu daaweeyo romatizem ka mustaqbalka.


Waxaana labaadhidoona inay jirto sabab xaqiiqa ah oo la cuskan karo oo xaqiijin karta in ay daawadan ay xdhiidh laleedahay xanuunkan iyo in kale.