Xaguu yaalaa maydka fircoon??

 



Goobta uu yaalo maydka fircoon 


Xadaaradii faraacinadu waxay ahayd mid kamida xadaaradihii ku waawaynaa uguna caansanaa ee dunidan soo maray, waxay ahayd mid ay layaabeen quwadeeda iyo raadka ay kaga tagtay dunadaba xadaaradihii kadanbeeyay .


Waxay ahayd mid jirtay mudo aad udheer iyadoo wakhtihaas katalinaysay qaybo badan oo dinadan karirsa .


Wuxuu ahaa boqorwalba oo katilaya mid lagu naaneeso "fircoon" islamarkaana waxay ka aamisanaayeen inuu yahay ilaah .


Wuxuu alle usoo diray mid kamida rusushiisii , rasuulkaas ayaa ahaa nabiyulaahi muuse isagoo fariin samada uga waday qoladii uu ka dhashay ee reer banii israail , waxayna ahaayeen ree banii israaiiil ku kunool dalka masar oo uu katalin jiray fircoon , waxuuna uguumaysan jiray si arxan daro ah.



Wuxuu ahaa fircoon mid ragooda laaya halka uu dumarkooda adoonsan jiray.


Fircoon wuu ku gacansaydhay nibiyulaahi muuse fariintii uu kasiday xaga alle .

Nabi muuse calayhi salaam wuxuu ka codsaday fircoon inuu kudaro reer banii israail si ay isaga baxaan dalka masar islamarkaana oga guraan ogana hoos baxaan gacanta fircoon iyo gumasigiisa.


Fircoon oo ahaa nin kibir iyo islawayni badan wuu diiday dabkaas,waxayna duruuftu kuqasabtay nabiyulaahi muuse inuu reerbani israaiil habeenimo guuriyo iyaga oo dhuumanaya kana baxaan dalka masar, waxaase kawar helay ciidankii fircoon waxuu diyaariyay ciidan aad u wayn waxayna kadaba tageen reer banii israaiil waxayna ku gaadheen bada .

Cabsi wayn ayaa soo food saartay reer ba

nii israail , balse waxaa haleelay kaalmihii alee badiina waxaa kajeexmay dariiqyo waawayn kasoo ay qaadeen ree bani israaiil.


Fircoon iyo qowmkiisiina way kadaba galeen waxaana halmar ayay badii sideedu dib ugunoqotay halkaana waxaa kusoo afkarantay awoodii faraacinada.


Kadib markay badu soo tuurtay maydadka ku halaagsamay ayaa laqaaday maydkii ficoonkii waynaa waxayna keeneen qasrigiisii waynaa kadib markii ay taxniid kusameeyeen waxaa loo qaaday qubuuraha waadi muluuk . 

Maydka waxaa raaca wadadada ,wasooro,iyo dadka bulshada magaca ku leh, kuwaas oo kaqayb gala maraasimta aaska siday caadadooduba ahay, waxaa lasheegaa inay aaminsanayeen faraacinadu nolol danbe sidaa la ajligeedna waxaa mayd lala aasi jiray dhamaan hantidiisa ,dahabkiisa , iyo agabkiisa kalaba.



Waxay ahaayeen reer masar kuwo kawarhaya in lala aaso maydka dhamaan dahabkiisa , sidaa darteedna uu bartilmaameed uyahay tuugta.


Inbadan ayaa shaqo kadhigtay inay qotaan qubuurahaas si ay ugala baxaan macdanta.


Sidaa darteed ayay wadaadii macbadka aamuun goaansadeen inay xafidaan maydadka boqoradooda gaar ahaan ramsiis, way karareen waxayna geeyeen qabrigii awoowgiis, markale ayay hadana karareen goobtii oo u rareen meel deyri baxr udhaw halkaas oo ay dayaceen si ayna u bartilmaameedsanin tuugadu.



Waxaa loo diray maydka fircoon dalka faransiiska xiligaas oo u dalbaday madaxwaynihii dlakaasii si ay baaritaano ugu sameeyaan culamo faransiis ahi waxayna daraasaad dheer oo ay kusameeyeen maydkiisa xaqiiqsadeen inuu ku geeriyooday bada islamarkaana ku qarqoomay biyaha bada.


Meesha uu yaalo maydkiisu hada


Inkastoo la aaminsanyahay in laga soo celiyay baariis dibna loo keenay masar


Waxaa jira warar sheegaya in uu wali yaala matxaf ku yaala paris caasimada dalka faransiiska.