dareenka dumarka, sida loo soo jiito


dareenka dumarka, sida loo soo jiito

Waxaa lagu tiriyaa soo jeedinta indha ruux kaa sii jeeda mid fudu, laakiin soo jeedin qalbi ruux kaa sii jeeda aay ah mid ubaahan mucjiso io aad u adag, sidaa dartee ayaa waxaa la abuuray habab kala gadisan si loo gaaro ujeedadaas. Halkan waxáan ku lafa guraynaa sidii aad usoo jiidan lahay dareenka qofka aad jeceshahay islamarkaana ugu abuuri lahay dareenkaaga mid lamida.


Is waydii sababta aad uga heshay qotaas

Waxaa lagayaaba inay gabadhaas aad ka heshay ee doonayso inaad hanato dareenkeeda iyadu ay u malaynayso inaad danaynayso oo kaliya xubneheeda iyo muqaalkeeda, islamarkaana aadan jacayl qota dheer u hayn, sidaa darteed waxaad u baahantahay inaad dib isugu noqoto, naftaada waxaad wadiisa, sababta kadanbaysa jacaylka qoftaas. Hadii uu yahay jacayl rasmi ah. Waxaad xaqiijisaa inaad ku xulatay astaamahan hoos ku taxan iyo in kale:


Toosnaanta: hadii aad ku jeclaatay asluubteeda iyo adabta, dhaqan wanaaga kaaga muuqda, isla markaana aad aaminsantahay iyadoo la eegayo qodobadaas, inaad lawadaagi karto nolol aayo leh.

Bislaanshaha: inay ku noqotay dookhaaga bislaansho iyo waaya aragnimo aad ka dareentay sidaa la ajligeedna aad u rabto inaad iyada ku maamuusto gacaltooyadada. Inta badan hablaha aan bislayn ee aan waaya aragnimo dheer lahayn malaha qadarinta arimahaas.

Taageero nololeed: markay kabadhu tahay mid leh aragti fog iyo mawaaqif ku aadan nolosha waa mid u halgamaysa inay wax wayn nolosha kusoo kordhiso kana dhabayso damaan riyooyinka ay leedahay, darbi walbana ka talaabsata, waana mid mudan kalsooni in lagu dhaqo. Sidaa darteed hadii ay kuusoo baxaan qodobadaas oo ay yihii kuwa aad ku xulatay, waxaa hubaal ah marka aad u sheegto inay u bogi doonto kuna siin doonto jawaab aad ku faraxdo. Sababta oo ah maaha jacaylkaagu sida uu yahay abuurkeeda jireed ee waqtigu badalayo marba marka ka danbaysa, cimriguna jafayo, balse waa akhlaaqda ay leedahay, waana ta mudan in loo tix galiyo, mana duugowdo.


Ka dhig muqaalkaaga mid soo jiidasho leh

Muqaalkaaga iyo habdhaqankaaga ayaa lagu tiriyaa inay door laxaad leh ka ciyaaraan calaaqaadka kaala dhexeeya bulshada, siiba gabdhaha, sidaa darteed waa inaad ku dadaashaa daryeelka naftaada. Waa inaad kor u qaadaa kalsoonida aad ku qabto naftaada. Waa inaad lahaataa qaab labis kuu gaar ah oo nidaamsan. Waa inaad hal ku dhag soo jiidasho leh u yeeshaa kaftankkaaga. Waxyaalahan yarya ayaa ah kuwa kaa dhigaya shaqsi ay indhuhu qabtaan.

Ku dadaal nadaafada jidhkaaga iyo labiskaagaba, sababtoo ah waxay kaa dhigayaan mid la ixtiraamo oo mudnaan leh. Ku dadaal qobaysiga, sidoo kale timahaaga mar walba shanlee, oo habee. Kabahaaguna marwalba ha noqdeen kuwa la baalashay.

  • Ku dadaal nadaafada ilkahaaga iyo afkaagaba. Marwalba cadayo oo nadiifi ilkahaaga si ay dhoola cadayn qurxoon ugu qaabilaan cidwalba. Ka dheeraw cunista amaba cabista wax walba oo ur keenaya, sida sigaarka , toonta, basasha iwm.

  • Is daji oo noqo mar walba mid isku kalsoon, hadaladaada talaabadaada, iyo luqada jirkaba ka dhi mid isu dheeli tiran oo miisaan leh.


La hadal gabadha haba ku danayn waydee

Si ay joogitaankaaga u dareen la hadal oo u fur sheeko , haba is diidsiisee  markaad ku celceliso waxaa laga yaaba inay sheekadu maruun gaadho. Ka wayso xaalkeeda, nolosheeda, waxbarashada, shaqada iwm.

  • Ugu baaq isha oo u il jabi, adoo ku guda jira haasaawaha, adoo ku daraya xooga dhoola cadayn. Iska ilaali inaad dudubiso hadalka, ama aad codkaaga kor u qaado, taasi waxay muujinaysaa fudayd iyo kalsooni darro.

  • Talaabada yaree oo si luudmo ah ola soco, marakaad dhinac socoto, waxaad dareemaysaa daganaansho, waana qaab socod ku macaan cida aad jeceshahay.

  • U muuji qadarin. Waxaa lagaa rabaa inaa ku ixtiraabto rabitaankeeda isla markaana aad ikhtiyaar u siiso inay kula joogto haday rabto, haday rabtana tagi karto. Ha ku qasbin goaan adi kugu gaar ah hana ku jujuubin ra'ayigaaga.


Kula macaamil saaxiibtinimo wanaagsan

Ha ku cadaadinin hadii aanay diyaar u ahayn calaaqad dhaw, ama uu jiro shay idin kala hortaagan oo diidaya inaad la samayso xidhiidh jacayl. Waxa ugu wanaagsan waa inaad kula socoto walaaltinimo oo kaliya, kaas oo la isku halayn karo.

  • U fur garoonka oo ku ixtiraab waxyaabaha u goonida ah, hana siini talooyin , oo ha fara galinin hawleheeda, lakiin ku dadaal inaad dareensiiso inaad goobta wali joogto diyaar u tahay inaad dhagaysato.

  • Kala tasho hawlaha guud ee adigu aad ka odayga tahay, ka qayb gali kulamada muhiimka ah ee aad qabanayso mar walba. Kala tasho arimaha aan sirta ahayn. Waxaasoo dhan adoo oga jeeda uun inaad joo jidato dareenkeeda.

  • Noqo dhagayste wacan marka ay hadlayso, hana ka dhax galin hadalkeeda intay ku guda jirto, hana ka hor gayn rayigaaga hadii aad ka rayi duwan tahay balse udaa kaligeed, mashay rabto ha ku gaba gabaysee.