Cidii naas nuujisay suubanaha NNKH, geeridii Hooyadii iyo cidii kafaala qaaday
Markuu dhashay Nabiga صل الله عليه وسلم
Waxaa Naaska udhigtay oo nuujisay Hooyadii aamina.
Kadibana waxaa Nuujisay Gabadh la oran Jiray suwaybiyah Gabadhaas waxay kale oo uniijisay Xamsa iyo Saxaabigii la oran jiray Abuu salama.
Intaas kadib Nabiga (صل الله عليه وسلم) sidii dhaqanka carabayd uu ahaa waxaa looqaday Badiyaha oo waxaa lawareegtay oo nuujin jirtay Gabdhii loran jiray xaliima sacadiyah waa gabar Reer sacad ah oo Reer Bakar ah ninkeeda waxaa la oran jiray xaaris Binu cabadul cusaa.
Badiyah wuxuu joogay Afar sano
Kadib waxaa loo sooceliyay Hooyadii aamina asagoo afarsano jirah.
Labo Sano markuu la joogay Hoyadii waxy siyaaro ugubaxday qabariga abihii cabdulaahi oo ku aasnaa magalada madina .
Waxaa lasocday Wiilkeeda Muxamed( صل الله (عليه وسلم Iyo awoowgii cabdi mudhalib iyo umu Ayman gabdhii la oran jiray
Waxay madina joogeen Mudo bil ah
Markay soo laabteena waxaa Geeriyootay Hooyadii aamina oo lagu aasay meesha looyaqaano abwa oo udhaxaysa maka iyo madina .
Nabiga (صل الله عليه وسلم)
Oo lix sano jira ah ayey dhimatay hooyadii wuxuuna saa ku noqday Rajay iyo agoon.
Kafaala qaadkii awoowgii kadib geerida hooyadiis NNKH
Waxaa la wareegay awoowgii cabdi madhalib wuxuuna kula dhaqamay sida ugwanaagsan wuuna jeclaa markuu labasano lajoogayna waxaa geeriyooday awoogii cabdi mudhalib Nabigana (صل الله عليه وسلم) sideed sano jir ayuu ahaa markaas.
Kusaliya Nabiga صل الله عليه وسلم