Axmad guray qabiilkee ayuu ahaa?

Axmad guray qabiilkee ayuu ahaa?
waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaana ah in axmad guray uu ahaa shaqsiyad wayn taariikhda islaamkana ku lahaa kaalin aad u wayn oon ladafiri kari taariikhdana kagalay baal dahaba. Qayb laxaad lahna kaqaatay difaaca iyo ilaalinta diinta islaamka , . Inkastoo ay aad uyartahay masaadirta kawaramaysa taariikhda shaqsiga halyayga oo mugdibadani ku jiro qaybo kamida taariikhdiisa ood moodo inaan sidii loo baahnaa loo diiwaangalinin, taaso ay sababeen arimo badan oo ay kamid tahay dadkii xiligaas oo aan jaanis uhelin inay wax qoraan maadaama ooy ay ku jireen guluf iyo colaad joogta oo lagula jiray cadawgii masiixiga ahaa ee xabashida ahaa . Sababta labaad uguna wayn ayaa laqabaa inay ahayd qoraaladii saldanada oo gacanta ugalay cadawga kadib markii ladilay imaamka islamarkaana ay qariyiin qoraalo badan oo laga yaabo in laga qoray taariikhdii imaamka si ayna ugaadhin jiilka soo aocda waxa inasoo gaadhayna yahay waxyar oo kabaxsaday gacanta xabashida, madaaama ay ahayd harar caasimada aqooneed ee geeska africa dhan diinta islaamka , taasina ay keenayso inay culimo badan kunaalyihiin hooska saldsnadan . Si kastaba ha ahaaatee inta inagasoo gaadhay taariikhda halgaamaagan hilibka caydhiin baray wuxuushra maxaarada ayaa inagaga filan drajada maqaamka uu lahaa imaam maxamed binu ibraahim al qaazii ama siday soomaalidu utaqaano axmad guray allaha karaali noqdee. Muhiim ma aha in aan ogaano axmad guray qabiilkee soomaali ka ahaa, waxaana ayaan daro ah maanta oon ognahay umadu heerka ay marayso iyo halka aynu naalo inaan shaqsi wayn oo axmad guray oo kale ah kula dulmeeraysano wixii qadhmoonaa ee halkaa ina dhigay ee la odhan jiray qabyaalad. Axmad guray wuxuu ahaa shaqsi tagan heer islaanimo wuxuu imaam u ahaa malaayiin mualimiin ah oo dagan inta ka dhex leh bariga itoobiya ilaa bada cas, shaqsiga noocaas ahna wax micno ah masamaynayso in qabiil lagu cidhiidhyo, qabiil walba oo soomaaliyeed muhiim ayuu uyahay , waana mid ay kufaani karaan , mana jiro qof odhan kara anaa kaa xiga ,. Waxaa lagu qiimeeyaa mawaaqiftiisa iyo meesha uu taaganyahay umada , waxaa hubaal ah in axmad guray lahaa mawqif maanta hadii si fiican loo adeegsado midaynlahaa dhamaan qowmiyadaha muslimka ah ee daga bariga itoobiya , herar iyo ilaa hawaas inta kashishaysaana ay gacanteena kusoo noqon lahaayeen , iyadoo la ogyahay dadka addis ababa ku xeerxeeran inay ka hadheen ciidamdii imaamka islamarkaana si qasab ah lagaga badalay diinta. Wuxuu iisheegay mid kamid ah asaxaaabtayda inu lakumay shaqsi kamida dadka kudhaqan nawaaxiga adis ababa wuuna isheegay inay isu abtirsadeen iyagoo kuwada hadlaya afka xabashiga isuna tagay abtirkoodu, waxaasoo dad ah iyo waxaas oo dal ah aduu kaamqan yahay , waxaan lahadlayaa adigan kufooga shaxda qabyaalada iyo qaybinta halbeer oo isku yaala adoo adeegsanaya bilaawe ergise ah oo aad soo bariday cadowga jiritaankaaga. Wxaan jiclaan lahaa inay taariikhda shaqsigan oo kale inaga saarto iilka madow ee qabyaalada inoona saarto iftiinka si aynu usoo celino magacii aynu lahayn iyo xadaaradii aan hogaanka u haan jiray waayo wayo. Lakiin nasiib daro waxaan u adeegsanay taariikhdaan wada lahay si qaldan oo aan udeegayn hadafkii iyo himiladii ulahaa. Dhamaanteen axmad guray ayaan nahay axmed gurana waa dhamaanteen. tani waa fariin aan u dirayo walaalhayga qaaliga ee qalbigayga kuwayn ee ay nasiib darro iga xadayaan afkaaraha sumaysan ee dadka indhaha iyo dhahaba kudhudta ee qabyaalada iyo wixii lahalmaala . si wada jir aha aan ujoojino qabyaalada