jacaylka macluumaad qeexaya-xogwaranplus

 

Jacayl

 

Waa maxay jacayl?

Qaar kamida falaasifada ayaa sheegaya in kalmada jacayl ama xubi aanay wax xidhiiidh ah la lahayn waaqica amba shay xaqiiqi ah oo la taaban karo,  in kasstoo oo uuu ahaa jacaylku tiir kamida tiirashii ay falsafadu kutaagnayd xiligii iqriiqiyiinta, xiligaas oo ay soo bexeen aragtiyo tilmaamaya in uu yahay jacaylku shay maadi ah oo laxadhiidha rabitaanka jinsi ee basharka, sidoo kale aragtiyo kaloo waxaa iyana jira qaba in jacaylku yahaymaado ruuxi ah oo dadka kadalacaysa mustawaha basharnimada una dalacaysa mustawaha uluuhiyada, sida uu tilmaamay faylasoofkii orosdoo “jacaylku waa mid kadhigan labo jasad iyo hal ruux”.

 

Jacaylka eray bixin ahaan waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay dareen cajabeed oo uu qofku dareemo lana wadaago mid kamida asxaabtiisa ama qaraabadiisa, ama shay kalaba , balse qeexitaanka ugu caansan ayaa ah dareen ku cajab galiya ood uqaado ruux qaangaara , si roomaatik ahna kuusoo jiita.

Noocyada jacaylka

Wxaa jira qaabab badan oo loo tilmaamay jacaylka iyadoo fahano kaladuwan oo lugu salayn karo noocyadiisa ,waxay ku kala duwan yihiin qaabab badan kuwaas la kala sooci karo rabitaanada iyo cawaadifta laxidhiidha nooc kasta oo kamid ah noocyadiisa, maadaama ooy jiraan noocyo kala gadisan oo jacaylo ah waxaa iska caadi ah in uu jiro noocyo faaido uleh caafimaadka shaqsiga, halka uu qaar kamid ahi uu dhibaato u keeno caafimaadka qofka, waxaana xusid mudan in dhaqanka reer galbeedku uu afar nooc oo muhiim ah ku qotomo iyagoo ka raad raacaya dhaqamadii iqriiqa ee hore waxayna kumagacaabeen mid kasta magac giriig ah, waana sidan:

·        Eros (eros) wuxuu la xidhiidha jacaylka noocani ahi dareenka galmada ama caadifiga ah, wuxuuna ku tacaluqaa rabitaanka qofka osagoo qofku qof kale asagoo u eegaya hadba inta uu kiciyo shahwadiisa, wuxuuna suura galinayaa noocani inuu ruuxu helo farxad hadii ay usuura gasho , halka uu niyad jab lakulmayo qofku hadii uu ku guul daraysto.

·        Fiiliya(philia)  jacaylka fiiliya waa jacaylka isku xidha asxaabta  iyo dariska, waxaana dhalin kara noocan wada jirka laba dhinac gaar ahaan markii mudo dheer lawadaago, waxa kaloo lagu qeexi karaa noocan jacaylka ah gacaltooyo , walaal jacayl waxaana lagu tilmaama inuu faaido wayn u leeyahay caafimaadka maskaxeed

·       Istorje (storge) jacayka istorje waa jacaylka labada waalida iyo caruurtooda kadhexeeya, waxaana lagu tiriyaa inu yahay jacaylka dabiiciga ah uguna badan, sidoo kale waa jacayl caadifi ah oon wax shuruud ah ku xidhnayn, sababtoo ah waalidku kama fikiraan inay caruurtoodu mudan tahay jacaylka ay u hayaan iyo in kale, tusaale ahaan hooyooyinku way jecelyihiin caruurtooda sikasta oo ay u dhaqan xunyihiin, halka aanay asxaabtu ugu dulqaadan Karin dhaqamada qaloocan kuna jelaanayn.

·       Agaabi (Agape) jacaylka agaabi waa jacaylka ay isu qabaan dunjiga biniaadamku guud ahaan, maadaama uu bini aadamku u janjeedho is taageersiga is cafiska isu dulqqdashada, waana jacayl ufaaido leh caafimaadka qofka isaga oo yaraynaya cadhada qofka kora uqaday farxada iyo raynraynta .