Sideed unoqon karataa shaqsi adag-xogwaranplus

Sideed unoqon karataa shaqsi adag

 

Talooyin ku sabsan saad unoqon layd awood badan

Waxay dadbadani rucle ugu jiraan siday shaqsiyadooda u kobcin lahaayeen ogana soo saari lahaayeencudud adag oo kalsooni dhaxalsiisa dareenkooda islamarkaana siisa karti buuxda oo ay ku waajahaan cadaadiska nolosha , waxaan halkan kugu soo gudbinaynaa talooyin wax ku ool ah waana kuwan:

 

Ø Dhagaysiga wacan: waa mid ka mid ah farsamooyinka ugu muhiimsan ee kaacaawinaya hormarinta shaqsiyadaada hadii aad hormariso oo aad noqoto dhagayste wacan, inaad dhagaysato si fiicana udhuuxdo afkaarta kale waxay kaa caawinaysaa inaad kafaaidaysato afkaartooda, kana barato waxyaabo badan oo adi kuu muhiim ah, marka aad dhagayste tahay waxaa loo baahanyahay inaad muujiso baraarug waaxanad si toos ah u fiirinaysaa labada indhood ee qofka kuu waramaya, waxaanad muhimad siinaysaa qofka kuu sheekaynaya iyo sheekadiisaba si uu udareemo ahamiyada uu kuu leeyahay iyo sidaad udanaynayso warkiisa taaso tamar dheerad ah usiinaysa inu wax badan kula wadaago dhiirigalina u ah kulankiina.

Ø Barashada dood wadaaga: waxaad ubaahan tahay inaad barato dood wadaaga si xushmadi ku dheehantahay adoo macluumaadka aad gudbinayso ugaadhsiinaya dhagaha hadafka si tafatiran, una sharxaya afkaartaada kuu goonida ah adoon cidna kusoo rugaynin, iskuna dayin inaad awood ku liqsiiso, sidoo kale inaad si balaadhan uga hadasho oo dhinacyo badan taabanaysa.

Ø Barashada shaqsiyaad cusub: kudadaal markasta inaad isbarataan shakhsiyaad cusub oo kazoo kal jeeda jinsiyado kal gadisan, taaso qayb kanoqonaysa xoojinta khibradahaaga nolosha.

Ø Mudnaantata luqada jidhka: wxay luqada jidhku keentaa awood aad ku raadayso dareenka dadka saamayna ku abuurta.

Ø Runta:waxay runtu kamuuqan kartaa qawlka qofka iyo ficilkiisa kuwaas oo marqaati unoqonkara, lagana dheehan karo mucaamalada dadka kala dhaxaysa , waxaana loo baahanyahay inuu shaqsigu geesinimo ulahaado sheegista xaqiiqda.

Ø Lahaanshaha argti gaara:waa inuuna ka xishoonin soo bandhiga rayogiisa u khaaska qoku marka uu yahay ruux isku kalsoon oo .

Ø Aqoon korprsiga:waxay shaqsiyada xoogan ka dhalata caqliga xoogan sidaa darted waxaa loo baahanyahay inuu qofku ku dadaalo sidii uu u kobcin lahaa heerkiisa aqooneed.

Ø Iska ilaalinta isku dhararinta:inaad isku dhereriso qofkale ama isbarbardhigto ruux kale waa calaamadaha ruuxa daciifka ah iska jir inaad awoodaada ,aqoontada, kartidaada , kuu gaarka ah ku qiimayso ta dadka kale waayo adigu qofna lamid matihid qof gooni ah ayaa tahay islmarkaana kagooni ah dadka oodhan.