1. XUSEENOW CAQLIGU KAAMA BAXO (Afbakayle)
Xusenow1 caqligu kaama baxo,
idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san
baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog,
nimaan aaminaad tahaye
Haddaad umaaddo waan kuu
hubaa, ina uduu kheyre
Asaxaabihii baad u tegi,
udugga weynaayee
Irdihii jannada inaad ka geli,
waa ogsoonahaye
Hawl kalana waa erey yaraan,
kuu erganayaaye
Alla igama qaadoew adaan,
kala illaawayne
Eedaanka maqal waa salaad,
loo addimayaaye
Ilaahi abuurba kuwii diiday,
amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii,
awliyada caayay
Asxaabti dariiqada kuwii,
awlaxa u qaaday
Ikhyaarkooda nimankii
kufriga, uga adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal,
ugu abraaraayey
Kuwii ubad nasaaraad noqdee,
ferenji aanaysatay
Nimankii amxaara u kacee,
Adarinuu guurey Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin Oo uunka kala
fiijiyee, kala irdheysiiyey
Nimankii amxaara u kacee,
Adarinuu guurey Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo Oo xabashi eegi u
noqdee, u ololaynaayey
Ingiriiska nimankii wadee,
nagu aseebaayey Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey Ee Oodagooyiyo5 na
dhigay, aydii Daratoole6
Nimankii ikhwaankii jaree,
aabiga u laayey Ragga ehelukheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey Oo umal
daraaddiis girliga, ugu afuufaayey
Idilkoodba nimankii dagaal,
iigu imaanaayey Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey Ee ubaxcaddaydii
hartiga, oofta kaga joojay
Nimankii iniinaha ka dhigay,
Ilig7 wixii joogay Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey Ee omoska Beerdhiga10
tukaha, igu ormaysiiyey
Nimankii ayaantii Gumburo11,
oboda ii dhiibay Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay Nimankii
uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey
Nimankii adduunkeygii
dhacay, ariyo geeliiba Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay Nimankaan
Ilaahoow lahaa, eyda iga doono
Abaalkayga nimankii ba’shee,
ii istixayn waayey Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey Nimankii
ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka
Nimankii iblays nagu diray,
naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay,
naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh,
nagu eryoonaayay
Ninkii abaartii caleed, Bari
na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii,
nagu igbaaraayay
Ee urugadaan qabiyo ciil,
igu abaadsiiyey
Nimankii ilmada iga qubee,
oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay
markii, uunku wada jiifay
Nimankii ujuurada cunee,
iibkii ii bixiyey
Nimankii intaas nagu falaan,
na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah,
nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga
siin, ilintidaydiiyee
Utuntayda waa heli haddaan,
iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey,
igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar
libaax, oodda soo jebinne
Ashtakooda’aa iyo warqado,
ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu
aqoon, nimanka liddoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo,
ina wallayntooda
Mar haddaan wadaad aayad
diin, ila ekeyneynin
Amaan aniga la i oran
karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee,
iga asluubaysta.
2.
DHURWAA ARIGA EEBBAA LEH
Dhurwaa ariga Eebbaa leh
Eebbiyo
Astaakaa leh1
Oo
niman dableeyaa leh
Oo
niman ku dili baa leh
Waa
niman Daraawiisha
Gaaciyemataan2 baa leh
Geeraarshihii3 baa leh
Laba
ilmo-Garaadbaa4 leh
Cabduloo
Suldaanaa5 leh
Carab6 galacyo dheer baa leh
Cumar
dabagabooyaa7 leh
Joofeey
Jiriidh8 baa leh
Inantii
caddeyd ba leh
Cawraladabey
baa leh
Suubbanaan9 samreyn baa leh
Samawadoo
ka daran baa leh
Yaan
gamas laguu qarine
Gablamoow
iskaga leexo!
3. XUSEENOW AQOON XUME -
JAWAABTII
Sayidku gabayga hore markuu
maqlay usagoo dhurwaagu u doodaya wuxuu yiri:
Xuseennow aqoon xume, erey
baan leeyahaye
Awal hore haddaad tiri,
Eebbaa adduunka leh
Eeggana maxaw tiri, annagaa
aryowga leh
Inaad laba aflaysaa, ma
ansixi karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay, mise
waa ka adagtahay
War maadaa ardaalyahow,
arsuqeyga celin kara
Adba waa uu ku uumaye,
maanaan abuurrayn
Mase aniyo adigaa, Eebbe
weyne kala xiga
Ayaantaan afura helo, maxaad
uga umleysaa
Illey waa Ibraahim, aaqiba
ku diinkiis
Mase waa Ogaadeen,
aflagaaddadiisii
Mase waa Iljeex1 iyo,
umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan
ka leeyahay
Haddii uu islaam yahay,
Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon, uguma
taliyeen
Cumar waa abootee, miyuu ii
olmomayaa
Joofeyga odaygaan, miyuu
orod holaayaa
Cabdul eeba koley tahay,
miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheegtana,
waa ooryo naaga ah
Adigana urruufyahow,
anigaaba kaa adag
Aawiyo Majeerteen, waa ina
adeerkay
Tan iyo aamanuudii, Ilig2
baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna, waa reer
Ugaadh Cumar
Adiguna adoogaa, Uubataaluu3
lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay,
orod aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine,
adkaysaan ku leeyahay.
4. RAGGA AYL U KACAHAYOW
Ragga Ayl u kacaayow farriin aada iga geeya
Aw-Jaamac
dhaha aakhiriyo Eebbe ha ilaawin
Nabsigaan
ayaan soo dhaxayn adigu ha u yeeran
Uquubiyo
inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan
Nin
ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Halkii
kuu ekaad adigu tahay anafo ha u yeelin
Arrinkaad
waddaa waa hunguri ababadiisiiyee
Uurkaaga
uun dhereg la doon waa Allow sahale
U
adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye
Arigaaga
dhaqo cayri waa taad abuur garane
Adarka
ha ku ridin xoolahaad ku amranaydeenee
Adduunyada
ku tacab maanta waa aakhiruu sebene
Astaadkiyo
Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Arsuqaaga Eebbaa hayee axanka ha isdhaafin.
5. NIN AQDAAMO FERENJI AH
Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin
Ama
aaladduu sida ama awrtabuu rara
Ama
ariga buu qala ama laba ugaarsada
Ama uba
ilaalaa ama uurka kala jira
Ashahaado
beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!
Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado
loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan
inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin
salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo
dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan
afurin soonku, waa bilaha iideedee
Adduunyadiyo
xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu
ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan
bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin
Nimaan
diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan
amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo
gaalka ooradu ku taal, u askareynin
Nimaan
abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan
ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan
ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin
Nin
jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska
eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
Oo
libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh
Nimanyahow
aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar
ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
Ninkii
aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?
Shir
aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
Irda
jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay Xaajadaas afraha duubatee, loo
olmami waayay
Nin
aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu
oloollaado Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?
Wiiwiida
qaylada haddii, uubatadu yeedho Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo
qaato Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo
Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo Maantuu aboodigu
ku lalo, ubaxa loo daadshay Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda
Maantii
fuluu naga ordo, alaba soo rooro Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?
Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee Aflagaadda aan
jirin, nimaan kuula imaanaynin Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
Ab uu
yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u
dheereynin Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin
Ninkii
aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto Aan kula ekeekamin intuu, urur ku
soo joojo Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga
adduunyada nimaan, ku anfariiraynin Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka
yeelaynin Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
Intuu
aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin Aagaanta ciirta nimaan, aaska
dhigaynin
Oo aan
qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan
Aaqibadii
loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu
ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
Oo aan
abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?
Ari
badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub
dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
Eeraan
fardood iyo gammaan, aradka duulaaya
Aqal
weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan
quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
Oo qool
asliya loo gashoo, jalamtu eedaami
Nasteexiyo
wanaag nikii, ilindi kuu keenay
Umuurtii
aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka
iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya
Ninkii
maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
Oo aan
abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?