Diiqada iyo ciriiriga laabta

 Diiqada iyo ciriiriga laabta





Waa maxay sabta criiriga laabta

Dareenka ah cidhiidhiga laabta waa mid ka mid ah xanuunada caanka ah ee qofwalbaa uu dareemi karo saacado ka mid ah noloshooda, waana is galitaan , iyo diiqad ku timaada dareenka qofka , oo ay weheliso iyo khalkhal ku yimaada dabeecada qodka, islamarkaana uu naco inuu si caadi ah u guto shaqooyinkiisi, sidoo kale rabitaan la'aanta nolosha , iyadoo aad moodo inay nolosha kuusoo duubamtay islamarkaanaa albaabwalbaa kaasoobxirmay, doonitaanka saaidka ah inaad ooydo macna la'aan.




Maxaa sababa inaad cidhiidhi dareento

 1. waxaa jira sababo badan oo keeni kara shucuurtan, ooy ugu muhiimsanyihii kuwan soo socda:  istarka xaaladaha nafsiga ah ee xanuunka kaga taga dareenka aadanaha, kuwaas oo lala aamuso xiligii laga neefin lahaa amaba aad ku hadli lahay oo kugu cabudhsanaada.



 2. cadaadiska nolosha maalin laha ah ee dheeraadka ah , kaaso sababa walwal iyo walaac jpogta ah.


 3. adoo daal badan iyo xiiq maskaxeed iyo mid jireedba la kulma, islamarkaana nasasho la'aan ah.


 4. saacadaha huradada oo aad u yaraada , islamarkaana qaadiro aad ahaato dhawr habeen.




 5. Hab nololeedka ku dhisan caajiska iyo wahsiga ayaa isna qayb wayn ka qaata dareenka xun ee ciriiriga ah, kaasoo keena inay isbiirbiiradaan tabarta xun ee jirka.


  

6.Khal-khalka ku yimaada hormuunada jirka gaar ahaan dumarka oo ay arintani ku badantahay, taasoo inata badan ku timaada xiliga caadada waxyar ka hor.


 7. badsashada waxyaabaha la isku diiriyo, sida shaahaa, bunka, cabitaanda aashitada leh, maxaa yeelay dhaaantood waxay hodan ku yihiin maadada loo yaqaano kafaayiinta, tasoo warwar iyo daal.


Sida looga taqaluso cidhiidhiga


● xuska alle ood badsato swt istiqfaarta iyo xamdida, tasbiixda iyo salaadaha.



● inaad iska ilaaliso inaad dib u jaleecdo islamarkaana aad kafikirto maalmihii murugada lahaa eed soo dhaaftay, iyo waxay xanbaarsanaayeen mashaakil, xunuun , warar.



● in aad ka taqalusto culayska maskaxeed ee is biirbiirsaday marka hore, adoo kadheeraanaya inaad gudahaaga ku hayso wax walba oo ku dhibaya, waana inaad barataa laab furnaanta.



● inaad samayso laylisyada nafisotaanka sida laylisyada yoga iyo kuwa lamidka ah.



● inaad qaadato neef si tartiib ah oo xeel dheer.




● inaad lafadhiisato mar walba shaqsiyaadka kugu abuuraya rajada iyo raynraynta, ee kuu ifinaya nolosha.



● waa inaad si joogto ah u samaysaa isboortiga sida socod , dabaal, iyo noocyada kale ee isboortiga.



● waa inaad xoojisaa xiriirkaaaga kaala dhexeeya bulshada islamarkaana aad si joogta ah u samaysaa booqashooyin si aad oga fogaato kafikirka waxyaalaha murugta wata.



● inaad barato habka loo cabiro dareenkaaga, iyo afkaartaada adiga kaa turjumaysa.


● waa inaad iska ilaalisaa inaad is dhigato xiliyada aad firaaqada tahay si sax ahna oga faaidaysataa waqtigaaga.



● waxaad isticmaashaa noocyada cuntada ee siyaadiya dareenka wanaagsan sida shokolaataha , kaaroodka, oyo shaaha cagaaran iyo wixii lamida ah...