Gabayadii abwaan cabdulaahi maclin dhodaan

 


Gabaygii aweeti

Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane


Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne


Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline


Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne


Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine


Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne


Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e


Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere


Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah


Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e


Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida


Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda


Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh


Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga


Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran


Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin


Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya


Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha


Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba


Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha


Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan


Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin


Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda


Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane


Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye


Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe


Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican


Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e


Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye


Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule


Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye


Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye


Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e


Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye


Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye


Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye


Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane


Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


 

Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo


Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e


Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw)


Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e


Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo


Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e


Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e


Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane


Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye




Gabaygii calaamo

Waa taan Cadaadley ka guday xalay cawayskiiye


Caado iyo intaan Sirow tegaan caano geel dhamaye


Cosob iyo markaasay Maryama ila ciyaareene


Citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe


Waana lay casuumaday sidii caalim soo dagaye


Ragna inuu catrado ii dhisuu iila ciil qabaye


Cisigaa anoo heli karoo cudur la'aan seexday


Turumbadu markii ay cidee waaguna caasaaday


Cirkii iyo camuudii markaan cayn kastaba dhawray


Rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuug ah


Carmis inaan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye


Caku anigee goormaa wajaaf laygu soo celiyey


Carradii biyaa iga xidhoo waxaan cabaan waayey!


Cadar bay ahaydoo intaa caga-gubyey haysay!


Cagaag baa i mudayoo kabaan cidhibta saaraa dheh!


Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii ma cashayn dheh!


Batar Ceerigaabaan ku jabay mana ciyaarayn dheh!


Cirka iyo baqoolaan ku tegay Cadale meeshiisa


Cusbalayna waan soo mariyo Ceelis gudaheeda


Cimrigayna meeshaan fadhiyo kama carraabayn dheh!


Cawdaan ku jiifiyo hurdada caawa kama toosin


Sidaan u caweysimaayuu waagu ku caddaan dheh!


Niman bay canaantoo haddana ii calaalcala dheh!


Ceeb baa la ii faafinoo la ima caayayn dheh!


Hadalkaa calaamada leh waad la cajabaysaane


Caynkaana waxa iigu wacan ciilka aan qabo dheh

GABAYGII DABA LA'A

Asalkiina hadal aan dadnoo daahle, inaan sheegno


Iyo ku aan daboolayn inaan, dibadaha u saarro


Labadaa dariiq baa miduun, dawga ku haboone


Markii docadocays loo waday, daala dhaaf imane


 

Sidaa iyo darted maansadii, layska daba keenay


Ma diidaniye qaar waan hubaa, daw inuu yahaye


Hayeeshee badhkeed waa daleen, amase deel-qaafe


 

Kama dhigin macnaha doodif iyo, deero ka hal wade


Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is dabayaacay


Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane


Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duq baan ahaye


 

Deleb iyo shax labadaa mid baan, dheel u degayaaye


Dixiyo dareemiyo ridhmiyo, duurba kala jaade


Cagaar roobkii dayr hore baxshiyo, dogobna waa geede


Haddaan damal ku weydiinayood, dhir isku duudqaado


Dur iyo daabacay kala noqdaan, haysku daar toline


Ninkii awr dibjiray goobayoow, duunyo hay odhane!


 

Inaad doomanaysaan kolkii, gabay la doonaayo


Hal duwaaya dulucdaad rabteen, looma daawado e


Adoo xubinta sii daawadayoo, tii macna leh doortay


Waa in midhihii lagu daabacaa, ha is dabooleene


 

War maansooyinkuu diray Siyaad, amuu dabayl raacshay


Ragga dookha Ina Ciise lee, dumarada u heesa


Halkay daaranayd waa sidaa, dulucdu Caynleeye


Mar labaad kolkaan dayo tixdii, deel ku soconaysay


Kollay damacu waa fiican yahay, oo ku diirsadaye


La durduri fariintaad lahayd, xuurtii dalandooshay


Walow ujeedada duleed kaa, dadaal noqotay


Waxaa jiray odhaah kaa dustoon, laga digtoonaane


 

Doqonimiyo badow laysku sheeg, oo dacaayad ahe


Kaftankii duleedada markaan, taa isaga deyno


Daliil run ah markii lagu socdeen, daacadda u baydhno


Diirdiiranaanshaba haddii loo, dacwiyo maanta


Amaan lagu danbaabayninoo, beenta laga daayo


Taariikh aan dumayn baa, u taal degalladeenaase


 

Siyaadoow dadkeeniyo cabsidu, waaba kala duufe


Hundo Dixa dul iyo dooxo iyo, duudo iyo laago


Docda Nogob ah togag soo durdura, daacadii webiga


Hadday tahay dhul reeruhu degaan, amase daaqeen leh


Ama dooggii haro buuxsantiyo, ceel diraac-shubad leh


Maansada dhulkii daraf ka daraf, Yuusuf kaga daalay


Dabdhac geesinimo loo qiraa, waa intuu dego e


Geerina dadkeenaa ma jiro, ruux ka didayaaye


Cabdi Walina aan kuugu daree, tuu dareerinayey


Kelmad dalab lahayd buu yidhi oo, waan dareensadaye


Dogob iyo gidaar kugu dumiyo, daad ku jiidanaya


Naftu wixii dardarayoo kalay, dhaax ka durugtaaye


Marse hadduu dad kula qayr ahaa, sharaftii kaa diirto


Siday kuu dulleeyaan haddaad, cadho la diihaasho


Adoo dibinta ruugiyo isagoo, kibir la diidaaya


Darbad kugu gubyaa iyo dibtaa, dacar ka leeftaaba


Waa inaad dubaha qaadatood, kaga dig siisaaye


 

War duudkaaga ceeb saran iyo, diilintiyo jaaha


Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufa ahe


In kastood difaacdo oo warmaha, lagugu daaduunsho


Siday kuu danqaan nabaradaa, diifta kugu reebay


Isagaba dilkaagaa u dhibiyo, dakharadaadiiye


Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e


 

Daafidaanse kaa qubi kaa tidhee, digirta siinaysay


Kamaad daadinayn dheef duxliyo, doobi caano ahe


Waaba digo ka saydh taasi oo, darib u geedeeye


Wararkiinii daanyoon markii aan, isla doondoontay


Rag dayuurad iyo taangi loo, Saam ku diriraaya


Oo ciidan soo dumi karoo, dawladnimo haysta


Iyo qalab rag daydayan hayoo, dalal xoraynaaya


Oon dunida loo sheeginoo, doocba laga haynin


Oo hoosta laga duugayoon, dibadda gaadhaynin


Oon deeq rasaaseed helayn, daynna cidi siinin


Oo wali dakanadii maqnayd, diilalyo u hayso


Oo dabar xanuujiyiyo hoggaan, lagu dadaabeeyay


Labadaa dariiq baad miduun, degashanaysaane


Dubaaqiinu suugaanta maag, walise diimoone


 

Ina Biixi hooskii dayacay amuu, kasoo dayrshay


Malaha wiil kun-doofaarre oo, maal dudada buuxshay


Oon weligii doog iyo abaar, darar ka waayaynin


Inuu buur dilaacshana karoo, xoog dardar ah haysta


Oo guurkii dacar loo marshayoon, dumarba eegaynin


Doob-guun sidaasuu rabaa, inuu duraantaaye


Yuusufna waaba dow inuu yidhaa, da’ Allay badaye


Nin da’ yari hadduu soo tirshooy, maanso xagal-daacdo


Daldaloolkii ay yeelataa, laga dulqaataaye


Kuwa lala degdegiyee dhawaan, dilaya taariikhda


Haddaan madaxu idin daalanayn, amaan la doorsoomin


Hal delagan maxaad ugu darteen, waa duntii gabaye


 

Wararkiinii dayraa markii aan, isku duudqaado


Haddaad dayr rimaysiyo haddaad, been durdurinayso


Dabalaay inaad gugan dhashaa, taladii loo daystay