Gabaydii ugu macaanaa ee qaryaan dhoodaan

 


Digasho

Wixii daalo dhaaf badan yaqaan, amase doolaalo


Kolkuu dabar go'aa way dhawdahay, ee la dumiyaaye


Isticmaarka geeridii dishaa, waa damaaciga e


Amxaaradii wax badan daanyada iyo, nabadda diidaysay


Darandoorigiyo weerarkaan, dhab u dabaalsiinay


Xabbadihii sidii roob ku da'ay, ugu darooraayey


Duloow hoose middaan ugu ridnay, ee ololka daacaysay


Dab markaan liqsiinay ee cadaab, daamanka u galinay


Uma daxandaxayno ee kolkaan, gowrac kala daallay


Ha la dooxo mooyee kolkay, diir u naxa weyday


Amxaaradii dabuurtiyo ahayd, gaalo dabaqleyda


Dafuufane wataa laga dhigay iyo, meyd dibiro weyne


Allay lehe nabsigay darariyeen, waw danbariyeene


Baggaa dhiig xun laga daadiyey, oo la dafirayaaye


Dab cadaab ah lagu jiifiyoo, shiil la daba qaadye


Dameeraha cidoodoo kale iyo, nolosha daanyeerka


Daqsi iyo haddii xoor duburi, eyna lagu daabo


Dabeecada ibleys waalan iyo, garasho daanyeera


Haddii shayba shay lagu daroo, laysku wada daabo


Intaasoo jid lagu daabacayoo, diin qalbigii taala


Xabashida dubaaqeedu saa, kama dunnaadeene


Waa waxaa Ilaahay dilay een, diintuna anficine


Een xeerka aadmiga dabriyo, qodob dabaalayne


Ummadaha waxay kaga durkeen, sidaa daraadeede


Afrikana duqay waanisa oo, diiran laga waaye


Oday xumaha daanyeyn kariyo, daacad baan jirine


Doqonta aan dulmiga baaji nidhi, wayba noo dudiye


Laba dirirtay waa duuf inay, kala daweeyaane


Daanyadooda waanu iska dayn, doofillada baase


Inaanse dayanno waa dacatiyee, diirmadoobidiye


Afrikadan dayacan kii la daga, ama la daaweysta


Ee daris walaalnimo ka suga, wuu dib-jirayaaye


Jabhadse loo diryaa iyo madfaca, lagu duqeeyaaba


Diintii Rasuulkiyo sharcigu, nala dabaalaaba (scw)


Diirdiiranaan loo dhashiyo, duca ku laynaaba


In kastooy durbaanka u tumaan, daalinkiyo tuuggu


Annagaa kasoo deldelan, waxay ku diiqaane


Allaba waa dawacii Kastaro iyo, Ruushka dawdaraye


Hadday dunida oo dhan u tidhaa, sharacalee daaya


Xaqaygii daboolaa anigoon, diirka ka cadaynin


Dagaal jooja waa nagu danbiye, ciddina yey daalin


 Duraaqsi


Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye

Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye

Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye

Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye

Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn

Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay

Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene

Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh

Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane

Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe

Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye

Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga...................

Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane

Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan

Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta

Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina

Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda

Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e

Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye

Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e

Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye

Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood.   Jawaabtii Dhoodaan waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo

u badiyey gabaygiisii.  Wuxuu yidhi Dhoodaan:

 

1.    Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay

2.    Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh

3.    Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo

4.    Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta

5.    Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye

 

6.    Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga

7.    Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay

8.    Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene

 

9.    Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato

10.  Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene

11.  War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala

12.  Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane

13.  Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye

14.  Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode

15.  Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine

 

16.  Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine

17.  Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta

18.  Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona 

19.  Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya

20.  Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda

21.  Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta

22.  Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo?

 

23.  Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay

24.  Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay

25.  Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane

26.  Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise

 

27.  Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin

28.  Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin

29.  Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin 

30.  War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin

31.  Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin

32.  Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu 

33.  Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?

34.  Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey?

 

35.  Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay 

36.  Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay

37.  Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?

38.  Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu?

 

39.  Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!

40.  Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso

41.  Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso

42.  Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka?

 

43.  Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye

44.  War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin 

45.  Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee

46.  Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?

 

47.  Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco

48.  Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan

49.  Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?

50.  Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?

51.  Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah

52.  Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay!

 

53.  Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe

54.  Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye

55.  Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede 

56.  Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay?

 

57.  Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye

58.  Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye

59.  Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe

60.  Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee

61.  Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday 

62.  Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye

63.  War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?

64.  S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan 

65.  Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda

66.  Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?

 

67.  Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay

68.  Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene

69.  Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo?

 

70.  Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada 

71.  Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye 

72.  Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa

73.  Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay?

 

74.  Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya

75.  Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay? 

76.  Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye

77.  Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e

78.  Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay?

 

79.  Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka

80.  Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso

81.  Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay?

 

82.  Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e

83.  Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye

84.  Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay 

85.  War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 

 

86.  Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo

87.  Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e

88.  Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh

89.  Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh?

 

90.  Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda

91.  Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda

92.  Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?

93.  Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!

 

94.  Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano

95.  Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare

96.  Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan? 

97.  Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto?  

 

98.  Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e

99.  Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha

100.     Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse

101.     Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?

102.     Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha? 

 

103.     Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa

104.     Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday

105.     Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin 

106.     Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?

107.     Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka  

108.     War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca

109.     Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?

 

110.     Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo 

111.     Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye

112.     Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye?

 

113.     Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba

114.     Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye

115.     Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya?

 

116.     Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay

117.     Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne 

118.     Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise

119.     Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh

120.     Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye

121.     Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday

122.    Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato 

123.     Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya

124.     Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya

125.     Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene

126.     Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin?

 

127.     Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye

128.     Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay 

129.     Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh

130.     Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo

131.     Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane

132.     Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye

133.     War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?

 

134.     Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo

135.     Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado 

136.     Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye

137.     Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?

138.     Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?

139.     Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo?

140.     Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e?

 

141.     Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee

142.     Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi

143.     Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye

144.     Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna

145.     Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e

146.     Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye

147.     Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga

 

 

Falaadkii


Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto


Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde


Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay


Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye


Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye


Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee


Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye


Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay


Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele


Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday


Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday?


Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey?


Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay?


Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay?


Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye


Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene


Beertii faraacida haddii, faashka lala seego


Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday


Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye


Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene


Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday


Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay


Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay


Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene


Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee


Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e


Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye


Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye


Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye


Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye


Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye


Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale


Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse


Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee


Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee


Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee


Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene


Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni


Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane


Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye


War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin 


Furdaamis


Fadxi-Laahi kama quusaniyo, farad uu keenaaye


Anoo nabi fadligii Eebaheey, noogu fududaynin


Waxaan kaaga faaloon hayaa, xeel aan fududayne


Intuu finanka ciil iga baxsheen, cadho la faadhyoomay


Fakaloolkii igu gaaxday iyo, murugadii faartay


Afkii nala fureeyiyo xaqii, waayo laga faagtay


Fursad iyo wakhti baa ii dagmiyo, goor fateelin ahe


Firaaqiyo rag saan kula falamo, falagu ii keenye


Waxay foolataba eega, waa haysku foodhido e


Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne


Soomaaliya fakaag waan u rabay, loo furfuro buugge


Waxay fadhato xidid fiilo dheer, nagu fogeeyaanba


Maantaan u fooqfooqyo goyn, oon fujinayaaye


Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiise


Dagaal inaan u faytaa maryaha, saaka waa faral e


Dadkay naga fidmeeyeena, waa inaan furdaanshaaye


Waxaan kaaga faaloonayaa, xeel aan fududayne


Amuur sida faleedh iyo dhega, baan haatan faaqidiye


Waana laba farqiye, tii horaan kuu fasirayaaye


Cadow taladii faahfaahiyoo, fiiro badan yeeshay


Oo falaadha iyo tooridiyo, waranba kuu fiiqday


Feedhaha markuu kugu dhuftee, faysha kugu gooyo


Tumaatida fashliyo widididii, kugu fashaaqaaya


Oo farsamaan aqaan oon hadhow, kugu fayoobayn leh


Sidaa nacabku faro kii fishaa, soo wax falan ma aha?


Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo


Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare


Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage


Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan


Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye


Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga


Soomaaliyaad faa'iido u tabciyoo, way ku faraxdaaye


Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane


Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe


Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay


Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso


War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?


Qofkii beero faagtiyo midkii, xoolo foofsanaya


Faruuryahooda waxa kuu diree, dhawr leh fanaxdooda


Ee yidhi lacag baan kuu fatihi, ee jara inta u fiican


Firxad iyo figtiyo tooxsigiyo, caydh la kala fiijo


Markay fudayd dadkaagu u madhaan, eed firkaba goyso


Alif weeye waxay kuu fidshaan, eed ka filataaye


Fadhato u shaqaysaye, maxaad adigu faa'iiday?


War ma facaayilkaa baan, anfaco kugu fadeexaynin


Falsafadaadiiba way, kaa fasaqayaane


Soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?


Fanacowdu maxaa taa, inaad fahamto kuu diiday?


Faraacida malayn ee, waxbaa Eebe kuu fadaye


Kiina feeyigaadaba markay, godad u faadhfaadho


Foodanna ka toogta idin tidhi, keena tala fiican


War soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?


 Oo soo fidaa'igaad sheegataa, kaa fashilan ma aha?


Fanna cawdu maxaa taa, inaad fahanto kuu diiday?


Faataa dhuglayntaa batiyo, Xamar faduusheeda


Amarkaa xuneey idin fareen, kiinii fulin waaya


Ee foolax-goodiga nacee, diida Reer Filigga


Fikrad waajibuu helay, qofkaa faataxaysanuye


Waxba nimanka fiidhoon, anoon tooda sii fananin


Ragbaa xamar la fuulo u noqdiyo, farasba qeyrkoode


Nacabka soo fangalayeey, dhulkii uga fataalaane


Faliidh naga dhex duuluu iblays, faagtayoo qorane


Filgin buu noqdaa iyo hangool, kuu faraadhyo lehe


Fujaasadu markaasay dhacdoo, fool la daray dhiige


Siddii falanfalxada dhayda iyo, caano furar yeeshay


Wuxuu fiitanayn kaasi waa, fuudkii hooyadiiye


Fujaan ehelkii lagu fiiqsadiyo, waa fundhaal cadowe


War feenfeeno gacalkaagiibaa, fiicni loo baraye


Waxay facalal kheyrka u tusaan, waa fadqalalayne


Maansada farshaxan liiliyoo, faarisaa wada e


Falkin weeye xaajadu ninkii, fahan wareeroowe


Faleedh iyo dheg oo laba farqiya, yaan mid faaqidaye


Ilasoco fannigii soo hadhaan, kuu fasirayaaye


Dameer laba qof wada fuushan tahay, ii fansaar ma lehe


Soomaaliya fakhriga haysta, iyo fadha-madhnaanteeda


Dhulkeedoo fush iyo xaaluf iyo, faaruq iyo xeeba


Falaadkoodii waa waxa ka dhigay, kii falaagada e


Eey dunida sidii ruux fanto leh, uga faquuqmeene


Amay qoloba fay ugu xidhaan, fiidba waa dhinace


Markay dawlad shalay faaniyeen, maalmo furin siisay


Fujuq laga xanaaqiyo intay, cay ku foorariso


Fagaarihii la joogaba af-xummo, tay ku figix siiso


Iskagama filaatee barreey, faragad weydiine!


Wadan talin fadaro maamuloo, dani fadeexaysay


Doqon baw faxaaxsada waxbay, kuu faraqayaane


Waa xukaamad fidhiqowday oo, loo fongoray ceebe


Madaxdaa adduunkii fajacay, faasuqnimadooda


Falxad iyo rasuulnimo kuwaa, sidii Fircoon sheegtay


Fasahaad intay nagu rideen, oon fiinbabaa noqonay


Ooy firinbi noo yeedhisay, bay firiq na siiyeene


Fadhfadhle iyo tuug kama cabsado, duul fakarayaaye


Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne


War foocaaligaa beenta ah, iyo Xamartan fawfaw leh


Faanoole sheegiyo waxbaan, soo fatihidooda


Fujur iyo fashlaha wiiq leh, iyo gabadha fiidmeera


Fatatooshka iyo heesahay, faashle ku amaani


Afar fooq ha joogtee wax kale, uguma feestayne


War fuuf fuuf cidla ah bay waddaa, fookanays badane


Firdhin iyo balaayiyo intay, weerar nagu foogtay


Markay fidhadu duushay ee, shacbigii gees walba u fiigay


Kuwaa fiitamiin naga dhigtiyo, faanto la cabaayo


Ee shacabkanagii faasexdee, nooga dhigi feefar


Fulaan fulaanto waa magacyaday, nagu fideeyaane


Soomaaliya faceedaa yaroo, looma fiirsado e


Fallise oo gumaysiba ka weyn, aafaday faliye


Muqdishuu fadhoociba degiyo, tuug fadlinayaaye


Falkin maayo hadal faasidoo, layska faanbiyo e


Aadna waaban uga fiirsadaa, faaladaan jirine


Intii ila fahmaysiyo ra'yigan, wixii ku faayoowba


Markhaati baad sidaa iigu furi, fulayna yeelkiisa


Sidaa maragga waad iigu furi, fulayna yelkiisa.



Gardaro






Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e


Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye


Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e


Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye


Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye


Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e


Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene


Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay


Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane


Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e


Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye


Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e


Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee


Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye


Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye


Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye


 Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto


Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane


Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane


Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba


Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba


Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba


Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo


Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago


Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e


Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye


Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye


Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya


Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala


Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede


Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e


Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye


Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo


Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye


Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo


Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro


Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho


Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye


Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere


Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!


Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye


Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane


Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye


Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye


Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye


Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e


Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye


Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye


Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye


Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee


Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne


God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba


Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene 


Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane


Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye


Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane


Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye


Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee


Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye


Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba


Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo


Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye


Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey


Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray


Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday


Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay


Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay


Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay


Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee


Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay


Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya


Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe


Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya


Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay


Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya



Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya


Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide


Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba


Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray


Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye


Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye


Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye


Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay


Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e


Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye


Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba


Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay


Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye


 


Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey


Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye


Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane


Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin


Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde


Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne


Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye


In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye


Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey


Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane


Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye


Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe


Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye


Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore


Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye


Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede


Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye


Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay


Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye


Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine


Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye


Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane


Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo


Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye


Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay


Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay


Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho


Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye


Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay


Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane


Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne


Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye


Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee


Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye