Marabta RUux walba oo darebkaaga dhaawacAXanuun kaaga lamida Inuu dareemO?

 



Hadii aad dhaqan galiso talaabooyinkan waxaa hubaal ah in qof kasta oo isku daya inuu kubursado amaba dhaawax ugaysto qalbigaaga, inuu kashalaayi doono falkiisaas, wuuxu la kulmi doonaa laba jabaar inta uu kuu gaystay oo xanuun ah, waa hadii aad hal hal u dhaqan galisid 3dexdan talaabo ee aan qormadan ku faahfaahin doono hadii allaha awooda leh inoo suuro galiyo.




Hadii aad kacabanayso shaqsi aad kala kulantay mawqif xun kaasoo kaaga tagay raad xanuun badan , ha ahaado shaqsi balan guur idin dhax taalay mudo dheer aad jacay wada handaafinayseen , islamrkaana qalbigaaga ku yaaalay balse nasiib darro xagiisa daad kaaga soo galay. 

Ama ha ahaado shaqsi xidhiidh wacan aad lahaydeen , oo kaa goostay. Shaqsi aad aamintay oo ku khaaimay , qof aad siisay xogahaaga kuu qaaska ah , oo sirtaadii banaanka keenay, kalsoonidiina khaaimay , aadna doonayso sidii aad ooga aar goosan lahayd islamarkaana uga caafimaadi lahayd wixii kaasoo gaaray, waxaad ubaahantahay inaad dabaqdo dhawrkan talaabo .



Horta waa inaan fahaanaa arin muhiim ah



Inta badan marka uu shakhsi faar ah kuu horseedayo xalad murugo , kaaga tagaysa qalbigaaga dhaawac culus, waxaan odhan karnaa isaga ayaa qaadaya musuuliyada buuxda ee dhaawacaaga maadama uu sababta lahaa.

Waxaase dhici karta mararka qaar inaad adigu sabab isu tahay xaalad nafsi oo xanuun badan , islamarkaana aad eeda cid kale u tiirinayso, halka mararka qaar laga yaabo inaad qayb katahay, 50% hal darafka kale uu qayb uun kayahay dhaawacaaga. Maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay kayimaadaan dhankaaga , sababo laxidhiidha hab dhaqankaaga , kaasoo sii laba jabaaraya dareen kaaga ku aadan dhacdo gaar ah.


Hadaba suaashu waxay tahay: siideen isaga dhicin karaa shaqsiga idhaawacay?

Jawaabtu waatan:

Hadii aad doonayso inaad ka aarsato gaas, waxaad u baahantahay inaad qaadato 3dexdaan talaabo:



 1.  Waa inaad ka tirtaa qaamuuskaaga kalmada ah "ma awoodo" 




Inta aad leedahay ma awoodo , kama saari karo ruuxaan maskaxdayda, ma ilaawi karo, kamasaari karo fikirkayga, dhaqankayga, kasaarikaro qalbigayga, waxaa marag madoon ah inaanad ka gudbi karin maraxlada aad ku jirto , sida darteedna ma awoodid inaad ka caafimaado nabarka kugu yaala.

Sidoo kale ma awoodi doontid inaad horumariso naftaada, kor usooqaado shaqsiyadaada, waxna kabdasho noloshaada, taalabana uqaado dhanka guusha. Sidoo kale waxay tilmaamaysaa inaadan ubislayn caadifiyan mawqifyada noocaan oo kale ah ee lagala kulmo aalaba nolosha caadiga ah. Bisaylka caadifadeed ma aha mid laxidhiidha da'daada iyo inata sano we aad jirtay, balse waa si kaduwan.




2.Laciyaarista waqtoga


Ciyaarta waqtigu waa si kasta uu u waynyahay dhaawacaagu , in kasta ooy tira le'egyihiin leebabka ku muday, si kasta uu kuugu dheeraa qofku , heerkasta oo uu qiimihiisu gaadhsiisnaa agtaada, inaad lakaashato waqtiga, islamrkaana u dayso ayaamaha iyo bilaha isguraya, iyaga ayaa daminaya ololka kabaxaya laabtaada.

Bogsashada dhaawaca kaa gaadhay qalbiga wuxuu lamid yahay ka kaasoo gaadha jidhka, markasto oo waqtigu sii kordhaba uu sii baabaa , hadii aan ladamqin.

Sidoo kale nabarka laabtuna wuu baaba marba marka kadanbaysa hadaan lasoo qodqodin.



 3. Xaqsiinta naftaada


Markaan leenahay xaqsiinta naftaada uma jeedno inaad is mahadiso , amba aad is amaanto , balse ujeedado waa inaad dadka kale xaq siiso maxaa yeelay adigaa qiimahaagu waxa uu ku jiraa qiimaynta cida gacan ku siisa.

Ugu horayn waxaa lagama maarmaan ah inaad u mahad celiso cid walba oo kuu samysa wanaag.

Si kasta oo u yaryahay , inkastaba hadhanaadee waa inaad ka garowdaa.

Markii samaan laguu galo hadii aanad kamahad celin , waxay tilmaan unoqonaysaa inaana wax qiima ah siinayn cida wanaaga loo sameeyay , dabcan cidaasina ku kale maaha e waa adiga.

Qofka ku gacan siinayaana wuxuu dareemayaa inaanuu adeega meel meeshii ku haboonayd dhigin, islamarkaana bos qaldan uu ku tuuray.