Talooyin dhaxal gal ah oo koo-kooban


 




Dhammaan xikmadaha aadanaha waxaa lagu soo koobay laba eray oo kala ah sugitaan iyo rajo



Ma jirto shay ka xanuun badan in qofku mabda' uu ku taagnaa dib inuu ka tanaasulo oo gacma hoorsado cadowgiisii uu la colaytami jiray saaxiibna uu ka dhigto, halka dadkii isaga jeclaayeenna oo saaxiibadiisana ahaayeen inuu kasoo horjeesado.


Wax akhrisku waa furaha nolosha gabigeeda. Ummad aan wax akhrin waa Ummad aan la socon waqtiga iyo waaqaca la joogo. Ka dhigo noloshaada inteeda badan wax akhriska.


Si kasta oo uu cimrigaaga u dheeraado oo aad u noolaato nolol dheer iyo si kasta oo cimrigaaga u yaraado waxaa laga maar-maan ah in aad dhiman doonto. Sababta loo wada dhinta ayaa badan mooyee dhimashadu waa mid qudha.


Iska ilaali oo iska ilaali hadalka Tirada badan sababtoo ha markasta oo aad iska yaraysid hadalka waxaa aad u yaraanaya khaladadkaga


Quruxda ma aha inaad jirkaaga dhisto si ay dadka kuusoo jiitaan, laakiin quruxdu waa Qalbiga. Ka noqo qof qalbiga ka gani ah iyo mid mar walba dhoola cadayn badan.



Noqo qof mas'uul ah oo wax taliye ee hanoqon qof loo taliya, noqo qof dadkii anfaca ee ha noqon qof dadkiisa dhiba, noqo qof dadka wanaajiya oo heshiisiya ee ha noqon qof ka shaqeeya colaadda iyo isku dirka dadka.



Waxaa jira saddex nooc oo dad ah ka mid ah kuwaas oo kala ah:


kuwa wax arka,

kuwa wax arka marka la tuso,

iyo

Kuwa aan waxba arkayn.


Maalin si fiican loo qaatay waxa ay keentaa hurdo farxad leh, sidaasoo kalena nolol si fiican loogu shaqeeyay waxay keentaa dhimasho farxad leh.




Noqo qof Xoog leh xaalad kasta ha noqotee, noqo qof fir-Fircoon, noqo qof la qabsan karo marxalad kasta oo soo food saarta la jaan qaadi kara la a qabsan kara.




"Ha idaba socon laga yaabo inaanan ku hogaamin, ha i hor socon laga yaabee inaanan ku raacin. Keliya dhinaceyga soco oo noqo saaxiibkay".


Albert Camus




Haddii ay jirto maalin aynaan wada joogin waxaa jira shay ay tahay inaad marwalba xusuusnaato. Waad ka geesisan tahay sidaad aminsan tahay, kana xoog badan tahay sidaad u muuqato, kana caqli badan tahay sidaad umaleyso. Laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah xitaa haddii aan kala maqannahay..marwalba wan kula joogi doonaa.



Qaybta naxariista


Haku xad gudbin oo ha u awood sheegan qof aad ka xoog badan tahay, balse taas caksigeed u samee oo ah u naxriiso, wanaaji oo xushmee oo qaddari. Sababtoo ah hadii aad u awood sheegato ogow in adigana sidaas oo kale laguugu awood sheegaan doono.


Naxriistu ma aha inaad qof caawisid ama aad u dhimriso kuwa yar yar, balse xaqiiqdu waa mid taa ka duwan, waayo naxriisto dhimrin aad u dhimriso dadka iyo dadka inay ka nabad galaan Afkaaga iyo Addinkaaga. Qofka naxriista badan waa kan dadka loogu jecelaanka badan yahay



Naxriistu waa shay qaali ah mana aha shay qof kasta leh ama yeelanaysa balse waa deeq ama hibo ilaahay uu u hibeeyo qof uu jecel yahay.



Hal mar aad guul dareysatay micnaheedu maaha in aad wax walba ku guuldareysan doontid


Ma baratid sida loo socdo adigoo xeerar raacaya waxaad wax ku barataa adigoo sameynaya ama kufaya in badan.



Talooyin ku saabsan saaxiibtinimada


Haddii aad heysato saaxiib kugu caawiya adeecidda Alle hasii dayn. Saaxiibka dhabta ah wuxuu daneeyaa aakhiradaada wanaageedda


Saaxiibka wanaagsan waa kii qaladkaaga arka, oo talo ku siiya ku difaacana markaad maqan tahay".


Xaqiiq waxaa ah in kala tagga ay kala tagayan labada qof Alle dartii isu jeclaaday inuu yahay Cadaab ku habsaday labadooda waana niyad jab aad u xun.


"Wax faa’iido ah malaha saaxiibtinimada qofka nacaska ah. Cadowga caaqilka ah ayaa mararka qaar ka fiican saaxiibka nacaska ah".


Imaam Gazaali



Saaxiibtinimada waa shayga ugu adag in lagu sharxo adduunkan. Mana aha wax aad ku baraneyso iskuulka ama goobaha waxbarashada.



Saaxiibka dhabta ah waa kan kuu yimaada marka adduunka intiisa kale kaa tagaan.



Ha samaysan saaxiibo wadajirkooda aad deganaansho ku dareemayso ee sameyso saaxiibo kugu qasbi doonna inaad naftaada kor u qaado


Saaxiibtinimada maaha cidda aad taqaanay muddadii ugu dheerayd ee waa qofka noloshaada soo gala kuna dhaha, “adigaan kuu joogaa” oona caddeeyay inuu kuu joogo adiga.