Daaweynta timaha daadanaya Isku dar dabiici ah oo timaha

 Daaweynta timaha daadanaya

 Isku dar dabiici ah oo timaha 

 



Wacaa waayadan danbe soo badanaysa bidaarta imaanaysa xili hore, taas oo dhalinyaradu khaatiyaan kataagan yihiin. Bidaarta ayaa barigii hore ahaan jirtay astaan lagu garto waynida da'da, laakiin maanta waa mid aan loo cuskan karin da'da heerarkeeda kala diwan. Hadaba maanta waxaan doonayaa inaan ka hadlo , arimo si fudud loo samayn kark waliba adoo guriga jooga, islamarkaana si djakhso leh u joojinaya caalufka tomaha.


Inta koobayaha iskudarkan


1.qaado saliida saytuunka ah


2.qaadada saliida qumbaha


3.malab 2


diyaarinta & isticmaalka


Isku qas sadexdan nooc e ay ka koobantahay si fiican, isugu qas, ka dibna timaha ku duug dhammaan dhamaadka isku darkaan oo timahaaga uga tag nus saac

Kadibna Waxaa lagu maydhayaa biyo diiran.

Ku celi qaabkan 2 jeer usbuucii.





Qaab kale oo lagu daweeyo


Dhawr jeex oo toon ah


Qaado ah Saliidda saytuunka 


waxaa la keenayaa toonta iyadoo dhammaystita kadibna waxaa la saarayaa dabka qadar yar kadibna waxaa lagu shiilayaa qadar saliid saytuun ah, ka dib ayaa laga dajinayaa dabka markay si fiican isu dhax galaan, ka dib saliidda saytuunka ayaa  lagu xafidayaaa dhalo xidhan . 


Mudo 10 maalmood ah ayaad osticmaali kartaa wixii kadanbeeya way dhacaysaa.


Isku darkaan waxaa loo isticmaalaa in lasaaro timaja kadibna lagu dul daayo timaha hal saacmaalin kasta ood isticmaasho.


waxaa lagu celceliyaa 3 jeer usbuucii.


Farsamooyinka kale ee waxtar u leh timaha



1. Hilibka digaagga waa il hodan ku ah borotiinka iyo birta lagama maarmaanka u ah caafimaadka timaha, borotiin la'aanta ayaa sababta timo qallalan oo daata. 


2.Hadhuudhka: 

Hadhuudhka  sida qamadiga oo dhan, iyo rooti bunni ah oo ay ku jiraan waxyaabaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah timaha waa in la cunaa.



3.Kaaroodka: kaaroodku waa khudaar muhiim u ah caafimaadka timaha 



4.caanaha dufanka leh: caano dufan yar ayaa loo badinayaa inay tahay cunno caafimaad leh; Sababtoo ah waxay ka kooban tahay kaalshiyam iyo borotiinno muhiim ah sida khamaarka lagama maarmaanka u ah ilaalinta caafimaadka timaha.


5. cunista miraha hodanka ku ah fitamiin C waa lagama maarmaan si loo nuugo sheyga birta ee xajiya xoogga dhiigga sidaas darteedna ay u ilaashadaan timo caafimaad qaba oo leh xoog.



6. Lawska: Mid ka mid ah miraha ugu wanaagsan ee lagula taliyo cunista dadka, sababta oo ah waxay ka kooban tahay fatil iyo omega-3 dufan marka lagu daro ka hortagga timo luminta



7.Digirta: digiraha waa il hodan ku ah  borotiinka  oo muhiim u ah koritaanka timaha, borotiin la'aanta jirka ayaa horseedaysa timo daadasho iyo daciifnimo.

 

Waa daawoyin dhireed ay kuusoo xushay , mareegta xogwaran plus oo la tijaabiyay isla markaana natiijadeeda lahubo %100 hadii loo maro qabka saxda ah ee aan soo tilmaanay.