Taariikhda Naqshadeynta Sawirka graphic design

 Taariikhda Naqshadeynta Sawirka graphic design

xogwaran plus


Ereybixinta dhabta ah ee ku aadan naqshadeeyayaasha garaafka ayaa soo baxay qarnigii labaatanaad.  Si kastaba ha noqotee, waxaa jira dhacdooyin badan oo horseeday naqshadaynta garaafka ah oo loo aqoonsan karo inay qayb ka yihiin taariikhda naqshadaynta graphic-ga lafteeda.


Taariikhda Naqshadeynta sawirku waxay asal-ahaan xodhiidh la leedahay isla taariikhda dhaqanka hal abuurka hodanka ah ee farshaxanka oo dhan.  Farshaxanku wuxuu qayb ka ahaa dhaqamada ilaa oyo ka hor inataan aadanuhu baranin qoraalka.  Taariikhda naqshada garaafka waxay  bilaabatay qarniyo hore.  Taariikhda naqshada garaafka waa, hal abuur amaba hadii si kale loo dhigo waa hibo ahaan, taariikhda farshaxanka ayaa sidoo kale waji cusub yeelatay waqti xaadorka taariikh farsamooyinka naqshadeynta garaafka kaalintooda ka ciyaaray dunida  tikniyoolajiyadda.


Dhamaan qaybaha kala duwan ee  farshaxanka la adeegsaday ayaa jaley bilowgooda dhabta ah, soo saarista saxaafadda la daabaco.  Markii hore taariikhda naqshada garaafka, farshaxanka iyo shaqooyinka kale ee hal abuurka leh ayaa qasab ahayd in gacanta lagu soo guuriyo.  Awoodda daabacaadda nuqulada farshaxanka iyo shaqooyinka kale ee hal abuurka ah waxay ahayd tallaabo weyn oo loo qaaday qaabeynta nashaqadaynta ee maanta jirta.


Tallaabo kale oo weyn oo ku saabsan taariikhda naqshada garaafka ayaa ahayd horumarinta sawir qaadista, iyo sameynta filimada.  Tallaabooyinkan muhiimka ah dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad waxay ahaayeen tallaabo loo qaadayo abuurista naqshadaha garaafka ee aan maanta haysanno.  Xilligan ayaa sidoo kale calaamad u ah bilowga kala goynta farshaxanka hal abuurka, ama farshaxanka madadaalada,  loo adeegsaday, ama farshaxanka loo adeegsaday ujeedo sida gudbinta farriimaha, xayeysiinta, iyo ujeedooyin kale.


Tallaabada xigta ee ugu weyn  taariikhda naqshadeynta garaafka waxay ahayd horumarinta kombiyuutarka, oo ahay hir aad u wayn oo ka mid ah mowjadda tikniyoolajiyada ee horseeday kombiyuutar shaqsiyeed guri kasta aan maanta ku haysanno.  Naqshadeynta garaafka ma ahayn awal mid caan ah, islamarkaana wax ku ool ah, hal abuur leh, oo la soo saari karo intii aan la abuurin kombiyuutarada.  Sidaa darteed, taariikhda naqshada garaafka waxay si dhaw xidhiidh ula leedahay taariikhda kumbuyuutarrada, softiweerka kumbuyuutarka, softiweerka sawirka kombiyuutarka, iskaanka kombiyuutarka, daabacayaasha kumbuyuutarka, iyo sawir qaadaha dijital-ka ah.  Internetka iyo softiweerka naqshadeynta garaafka ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan horumarkan tikniyoolajiyada ah oo door weyn ka leh taariikhda naqshada garaafka.  La'aanteed dhammaan horumarkan tikniyoolajiyada muhiimka ah, qaabeynta garaafka ma noqoteen waxa ay maanta tahay.


Waxaa jira astaamo kale oo muhiim ah oo ku saabsan taariikhda naqshada garaafka.  Sanadkii 1919kii ururkii ugu horreeyay ee farshaxanka iyo warshadaha ayaa la meel dhigay.  Sannadkii 1929 farshaxan-yahannada ganacsiga, naqshadeeyayaasha xayeysiinta, iyo sawir-bixiyeyaasha ayaa noqday meel caadi ah.  Sanadkii 1970 kombiyuutarada mega ayaa lagubsoo kordhiyay  horumar dheeri ah oo ku saabsan qaabeynta garaafka shirkadaha sida IBM.  Horumarinta processor-ka micro, oo u oggolaanaya deaktop-yada iyo kumbuyuutarrada guriga, ayaa yimid 1980 waxaana lagu suuq geeyay kombiyuutarada Apple 1984.  Ugu dambeyntiina, tikniyoolajiyadda meesha ugu caansan ee helitaanka internetka ee 1993-kii ayay gaadhay heerkii ugu sarreyay taariikhda naqshadeynta garaafka ee horseeday soo saarista  garaafka ee aan naqaanno maanta.


Si aad wax badan uga ogaato taariikhda naqshada garaafka, waxaad raadin kartaa internetka ama maktabadda kuugu dhaw ee ku taala meesha aad kunooshahay.  Kuleejyo badan iyo jaamacado ayaa bixiya casharo farshaxan iyo koorsooyin kala duwan garaaf ah.  Sidoo kale koorsooyin lagu barto naqshadaynta garaafka ayaad ka heli kartaa shabakada internet-ka, websaydhyada bixiya koorsooyinkan way farabadan yihiin hadaan se mid iyo labo kaaga tilmaamo, bogga coursera, ayaad kaheli kartaa waa bog bixiya koorsooyin kala duwan , kuwaas oo leh taqasus walba. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa isna koorsooyin garaaf ah oo aad u wanaagsan websaydhka caanka ah ee layidhaa udemy , sidoo kali waxaa jira kuwo kale oo lamida. Waxaanse filayaa inay labadan waybsaydh kaaga filan yihiin amaba midkood kaaga filanyahay barashada maadadan. 

Labada websayd halkan dhag kasii


Udemy


Coursera