Sheeko.. Subqglaydii



Nin kibirsan oo dhax tamash laynaya suuqa, oo muujinaya jir aad u wanaagsan sankana taagaya. Haweeney iibineysa ayuu ayaa ag martay


Markaa wuxuu weydiiyay iyada: Maxaad iibinaysaa, naagayahayn?


Waxay tidhi: Waxaan iibiyaa subag , mudane.


Wuxuu ku yidhi: I tus.


Markay rabtay inay madaxa ka soo dajiso baaldiga madaxa, xoogaa subag ah ayaa ka soo booday oo ku duulay dharkiisa .

Ninkii aad buu u xanaaqay 

Oo wuxuu ku yidhi :

Meesha kama tagi doono ilaa aad i siiso qiimaha dharka

Naagtu way naxday oo waxay kabariday iyadoo leh: I cafi, Sayidow, waxaan ahay naag sabool ah

Wuxuu ku yidhi: Ii dhiib qiimaha dharka

Marka waxay weydiisay: waa Immisa dharku?

 

Wuxuu yidhi: kun Dirham !

Waxay ku tidhi: Waxaan ahay naag sabool ah, markaa xaggee baan ka helaa kun dirhams?

Wuxuu ugu jawaabay: Ma aqaan.


Ayadoo baryaysa oo ku leh: Naxariis ii samee oo ha i ceebaynin, isna uu diidanyahay ayaa waxaa soo maray nin xakiim ah wuxuu ku yidhi:

Maxaad kuhelay naageey?

Waxay u sheegtay warkii.


Ninkii xakiimka ahaa wuxuu yidhi: anaq kaa bixinaaya dharka oo wuxuu siiyay  1000 dirhams

Ninkii kibirka badnaa ayaa, ka hor intuusan meesha ka bixin

Xakiimkii wuxuu ku yidhi: dharka noo saar

Wuxuu ku jawaabay isla weyni

Wuxuu yiri: Maxaad rabtaa?

Wuxuu ku yidhi xakiimkii: Ma qaadatay qiimaha dharka?

Wuxuu yiri: Haa

Xakiimkii wuxuu ku yidhi: hadaba Aaway dharkii?

Wuxuu yiri: Maxaa?

Wuxuu yidhi xakiimkii: Waxaan ku siinnay qiimahiisa oo waxaan kusiinay qiimihii dharka marka noo siib.

Ninkii kibirka badnaa wuxuu yidhi: oo maan is qaawiyaa !

Xakiimkii wuxuu yiri: Wax shaqo ah kuma lihi

Ninkii kibirka badnaa wuxuu yidhi: Haddaanan ku siin dharka se?

Wuxuu yiri: Qiimaha na sii

Ninkii kibirka badnaa wuxuu yidhi: ma 1000 dirhams?


Xakiimkii wuxuu yiri: Maya.

Hase yeeshe, qiimaha aan weydiisanno ayaad nasiin. 

Ninkii kibirka badnaa wuxuu ku yidhi: Waxaad i siisay 1000 dirhams.

Xakiimkii waxuu yidhi: Wax shaqo ah kuma lihid wixii aan bixiyay

Wuxuu ku yidhi: Immisaad rabtaa ؟

Xakiimkii wuxuu yiri: 2000 dirhams

Oo ninkii kibirka badnaa ayaa ku yidhi, Kanu waa wax aad u badan

Alxakiimii wuxuu yiri: Marka na sii dharkayaga

Ninkii kibirka badnaa wuxuu yiri: Ma waxaad rabtaa inaad i qaawiso?

Xakiimkii wuxuu yiri: haa adba waa Sidaad u dooneysay inaad kashifto haweeneyda saboolka ah !

Oo ninkii kibirka badnaa wuxuu yidhi: Tani waa cadaalad darro

Xakiimkii wuxuu yiri:  ma Hadda ayaad ka hadlaysaa cadaalad darada ?

Ninkii kibirka badnaa wu qajilay, kadibna lacagtii ayuu u celiyay ninkii xakiimka ahaa, wuuna cafiyey naagtii 

Kadib sanqadhii ayaa dadkii maqleen oo ku soo urureen iyagoo daawanaya dhacdada xakiimkiina wuxuu usheegay in lacagtu hadiyad u tahay haweeneyda saboolka ah ..