Daawada sinjibiilka .... faaidoyin aadan horay umaqal ..


Daawada sinjibiilka .... faaidoyin aadan horay umaqal ..


Sinjibiilka waxaan filiyaa inuu macruuf yahay geed ahaan , islamarkaana aynaan ku kala duwanayn magac bixintiisa oo inta aan ogahay soomaalidu waxay ugu yeedhaa uun magacan oo asal ahaan kasoo jeeda liqada carbeed. Marka layidhaahdo waxa uu kuyahay luqada kale ee ay wax ku akhrido Amaba ku barato soomaalidu oo ah, afka qalaad ee Ingiriiska waxaa lagu magacaaba (ginger). 


Taariiqda sinjibiilka

Sijibiilku waa nooc kamid ah noocyada geed gaabka. Wuxuu inta badan kabaxaa dhulka kulaylaha ah. Waa geed leh ur xoog badan, dhadhan ahaan kulayl ah, mibkiisuna yahay cawlaan iyo casaan mararka qaarkood.


Adeegsiyada sinjibiilka

Qaybta laga isticmaalo geedkan waa xididkiisa.

Waxaa sinjibiilka loo adeegsada waxyaabo kala duwan oo tirabadan, kuwaas oo ubadan Karinta cunooyinka kala duwan, madbakha ayaa ah meel aan laga waayi karin geedka. Sidaa si lamid ah waxaa kaloo loo adeegsada daawo dhaqameed sida wayn loo adeegsado, waxaana la xaqiijiyay inuu leeyahay waxtar wayn oo dhanka caafimaadka ah. Waxaan maqaalka kaaga haqabtiri doonaa faaidooyinka geedkan barakaysan. Waxaad ka heli doontaa maqaalkan macluumaad aan hubo inaad markii ugu horaysay ogàan doonto oo la xiriirta faaidooyinka geedkan.

Deegaanada u ka boxo sinjibiilku Iyo noocyadiisa


Wuxuu aad oga baxaa dalalka ay kamidka yihiin:

Dalka shiinaha, sirilanka,  bakistaan, maksiko, Jamaica, filibiin.

Inkastoo ay kala Taya badanyihiin waad raadinkartaa noocyada ugu tayada badan.


Faaidooyinka sinjibiisha


Sinjibiisha ayaa ah geed leh faaidooyin caafimaad oo aad u balaaran oon lasoo koobi karin, islamarkaana muhiim u ah qof walba. Geedkan mucjisada ah ayaa alle quraanka ku sheegay isagoo lagu xusayo janada iyo inuu kamid yahay waxyaabaha alle uu ku maamuusayo adoomihiisa wanaagsan, taasina waa mid kor uqaadaysa ahamiyada geedkan, xaqiijinaysana faaidooyinka uu leeyahay, iyada oo waxaa daamuhu ka ogaan karaaba iska yaryahay.


Faaidooyinka guud ee sinjibiisha


Sinjibiishu waxa ay waxtar wayn uleedahay dhamaan qaybha kala duwan ee jirka aadanaha faaiddoyikaasna waxaa kamida ku soo socda:


• kor uqaadista fiirada iyo furistaanka fahamada, soo celinta firfircoonida maskaxda.

• daganaanshaha dareenka guud ee qofka .

• ka takhaluska walwalka, murugada, walaaca, diiqada, ciriiriga.

• daganaanshaha xaalada nafsiyadeed.

• sifaynta codka iyo ladagaalanka xabeebta.

• saaritaanka sanboorka iyo cabudhaada.

• saaritaanka qabowga jirka.

• dardar galinta dheefshiidka , iyo furitaanka oomateedka.

• daawayntab ciladaha calool istaaga.

• habaynta wareega dhiiga.

• baabi'nta balqamka iyo xabka.

• qurxinta iyo dhalaalinta maqaarka.

• xoojinta dareenka raganimada ragga.

• daawaynta mashaakisha kaadi haysta, dararinta kaadida.

•ladagaalanka cardhadhka iyo ekfashinka.

• daJinta xumada

• daawaynta qabsinka

• araga gaabta ee indha marka lagu indha kuusho ama lacabo



Faaidooyinka sinjibiishu u leedahay maskaxda


Sinjibiilka ayaa faaido wayn u leh dhaqdhaqaaqa iyo habsami u shaqaynta maskaxda. Waxay kutubaha laga qoray cilmiga daawo dhaqameedku sheegaan in uu maskaxda sinjibiilku ka caawiyo hawlo badan. Waxaa faaidooyinkaas ka mid ah kuwan soo socda:

•tarkiiska iyo inay maskaxdu si dagan oo xoogan ufikirto ayuu gacan ka gaystaa.

•wuxuu caawiyaa xifdiga iyo weelaynta.

• wuxuu yareeyaa ilowshaha.

• wuxuu xoojiyaa xasuusta

•daaynta wareerka iyo dawakhaada.


Qaabka isticmaalka:


Markaad rabto inaad uga faaidaysato arimaha aan kor kusoo xunay, way fududahay. Waxaa jira dhawr qaab oo aad u qaadan karto waana kuwan:

• inaad 1 qaado oo sajabiil ah ku darsato koobkaaga shaaha ah maalin walba.

• inaad ku tarsato koob biya ah kadina dabka saarto marka ay isrogaana ka qaado shaandhayn kadibnaa aad cabto.

Labadaa qaaba waad u isticmaali kartaa.



Faaidooyinka ay sinjibiishu u leedahay maqaarka


Hadii aad ka cabanaysay dhibaatooyinka maqaarka, sida laablaabka/coodhcoodhka, finanka, haaraha iyo wixii lamida, waxaad joogtaa xiligaad ka taqalusi lahay dhamaantood.


 Faaidooyinka sinjibiishu uleedhay daryeelka maqaarka waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

• waxay nadiifisaa maqaarka hoostiisa.

• waxay suulisaa bardhimaha mugdiga ah ee maqaarka.

• wxay bi'isaa haaraha.


Faaidooyinka sinjibiisha ee galmada


• daawaynta kacsi la'aanta iyo adkaynta geedka ragga ee jilcay.

• daawaynta biya baxa dagdaga ah ee ragga.

• soocelinta rabitaanka iyo dareenka galmada.

• xoojinta biyaha ragga ee daciifay.


Qaabka loo diyaariyo marka galmada loo adeegsanayo


Waxaad u diyaarinaysaa markaad rabto inaad sinjibiisha ku daawayso dhibaatooyinka aan kor kusoo sheegnay waxaa udiyaarinaysaa sida soo socota:

• 1 koob caano ah oo saafi ah.

• 2 qaado oo sinjibiil la tumay ah

Kadib waxaad ku daraysaa sanjabiisaha caanaha , waxaad saaraysaa dabka xooga yar ayaad ku daynaysa markay caanuhu is rogaan waad ka dajinaysa kadibna waad shaandhaynaysaa , markay qabooban ayaad cabaysaaa.

Xiliguna waa habeenkii waxyar ka hor seexadka,  iyo aroorti intaanad shaqada ubixin.


Qaabka labaad:


Waxaad soo diyaarinaysaa:

• 3 qaado oo Malabar ah.

• 1qaado oo sanjabiil ah.


Waad isku dhafaysaa kadibna waad isticmaalaysaa jiifka ka hor  , waaxand saa kuwadaysaa mudo bil ah.


Xanuunada ay daawayso


• madax xanuunka iyo wareentada/dhanjafka

• indha habeenaadka, iyo caadka indhaha saaran.

• diidida, dawakha, wareerka.

• yalaalugada

• xoojinta jirka iyo kicinta tamarta, ladagaalanka culayska iyo caajiska.

• caado wareerka

• gabowga 

• sunta 

• qabsinka

• shuban caloolaadka

• xanuunada beerka

• qaniinyada xayaawanada

• roomaatiisamka iyo dhareerayda

• qabashada xidada 


Wabillahi tawfiiq!!