Ftx .. madasha lacagaha dhijitaalka, bar bilow ilaa dhamaad

 


Ftx..lacag dhijitaala, bar bilow ilaa dhamaad


Suuqa lacaguhu waa mid gad gadoon badan, maantaad arkaysaa hanti barina way qarsoomaysaa, ninkii shalay maalqabeenka ahaa ayaad arkaysaa maalin maalamaha kamida isagoo ku biiray liiska caydha, taasina waa sunada rabbibee kowniga ah waxaan maqaalkan ku lafa guri doonaa, mashruuc la kowsaday guulo horumar isdabajooga balse ku danbeeyay dhulgariir iyo fashil lama filaana.


Lacagaha dhijitaalku waa maxaxay?


Waa lacag ka duwan kuwaan horay unaqaanay ee waraaqda ahaa, waa koodhadh ama xisaabad murugsan oo lagu shiilay hawlgal adag oo lagu magacaabo maining, koodashan ayaa leh qiimo kala duwan kaasoo leh qiimo lacageed islamarkaana loo badali karo lacagteena caadiga ah. Lacagtan ayaa ku dhisan nidaamka blocchaine kaasoo la isku waydaarsado xawilaadaha lacagahan.



Lacagaha magacan le ayaa waayadan danbe ku soo badanayay suuqa lacagaha dahsoon (digital coin), suuqan o soo dhawayn kala kilmay bulshada kaas oo aad usoo caan baxay. Waxaa ku soo biiray suuqan cusub noocyo kala duwan oo ku abtirsada lagahan dahsoon, waxaa  kamid ah lacaagaahaas bitcoin, dogcoin, pee iyo tan aan maanta kaga hadli rabno maqaalka ee loo yaqaan Ftx.



Aas-aaska lacagta digitalka ah ee Ftx


Markay taariiqdu ahayd 2019 sodon sano jir ree maraykan ee magaciisa la yidhaa Sam Bankman-Fried  ayaa hindisay qorshaha kadanbeeyay aas-aaska lacagtan dahsoon, magaceeda wuuxuu ugu yeedhay soo magaca FTX. fikradan ayaa ladaah furay islamarkaana suuqa la soo galiyay, waxaana maalgashaday shirkado waa wayn ganacsato, shaqsiyaad, iyo maalqabeeno tira badan, wxaana halka kabilaabmay waa cusub oo barwaaqo sooran ah oo uu ku riyoonayay aas-aasaha lacagtani. 

Wuxay ku taala xuruteeda rasmigi jasiirada bahamaas.

Waxay maal gashatay lacagay iyadu samaysay oo ay ku magacawday FTT, hantidii maalgashadaayashana u badashay.


Marxaladaha ay martay


Waxay ku bilaabatay talaabo laxaad leh waxayna mudo yar gudeheed jartay xawaare heersare ah. Mulkiilaha shirkada ayaa la sameeyay xidhiidh dabaqadaha siyaasada maraykanka qaarkood, siiba xisbiga dimuqraadiga, siday sheegeen ilo wareedyo lsgu kalsoonyahay. 


Kadib waxay bilowday hoos u daadag inkastoo ay ka qarsoonayd indhaha caalamka, hadana wuu ogaa maamulka shirkadu. Waxay gaadhay heerkii ugu hooseeyay iyadoo sii daadagaysat saacadba saacada kadanbaysa ilaa ay gaadhay heer uu ka quustay aabihii askumay. Waxay gaadhay heer ay gabtay kharashaadkii shaqada, Waxay khasaartay lacago lagu qiyaasay iilaa 15 bolyan oo isugu jirtay lacagtii shirkada iyo saamilayda, 

Musiibadii ugu wayneed ee ku habsatay


Shirkadan ayaa dhawaan si lama filaan ah u dagtay iyadoo dhamaan dhaqaalihii shirkadu dhulka galay. FTX ayaa lumisay dhamaan qiimeheedii, waxaa jira isku dayo uu sameeyay mulkiilaha FTX si uu uga gaashaanto duufaanta xadhkaha soo goosatay isagoo u soo bandhigay iibka shirkada ninka lagu magacaabo Changpeng Zhao isla markaana ah mulkiilaha shirkada BINANCE oo loolan adag kala dhexeeyay isagoo aqbalay kolkii hore balse dibuu iska maanacay. go'aankaa danbe ayaa gunaanad u noqday burburkii FTX, burburkaas oo galaadtay hanti aduun oo gaadhaya 15 bilyan o doolar, kadib markay si dagdaga ogala bexeen maalgashadayaal badan lacgohoodii oo lagu qiyaasay ilaa 6 bilyan oo doolar sadex cisho gudahood, cabsi soo foodsaartay awgeed kadib markii laga soo saaray warbixin ku saabsan geedi socodka dhaqaale ee shirkada. Waxay isku dayeen shaqalaha shirkada oo kaashanaya maalgashadayaasha fahanka say waz u jiraan, laakiin waxaa lama filaan ku noqday fariin qoraala oo raali galin ah uu soo qpray isagoo leh: 

"Waan ka xumahay ma samayn sidii u wanaagsanay".



Dhicataankan ayaa doodo dhaliyay calaamatu suaal saaraya waxa uu noqon doononmustaqbalka lacagahan digitalka ah, islamarkaana shaki wayn galinaya isku halayntooda.



Saamaynta uu ku yeelan karo suuqa lacaha dhigitaalka


Ilaa iyo hada ma jiraan xaqiiqo ku aadan saamaynta ay ku leedahay kicitaanka shirkada FTX iyo halista ay ku yeelan jarto dhaqdhaqaaqa lacagaha digitalka.

Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inu hoos udhacay qiimaha ay kamidka yihiin BITCOIN %20.




Shirkadan afka dhulka dartay ayaa ku qamaartay lacagaha kumanaan dad oo saamiyo ka iibsaday shirkada FTX iyago wali ku mashquulsan meesha ay qabatay lacagtoodii maadaama ay shirkadu kacday, iyadoo cidla oga tagtay dad badan oo rajadooda ku xidhay shirkada waxay hanti hayeena dhigtay suuqa FTX.




Dad badan oo taageera lacagahan qarsoon ayaa muujinaya ifafale wanaagsan mustaqbalka lacagahan digitalka a, waxayna qabaan rajo ah in lagasoo kaban karo musiibada ku dhacday shirkada FTX, dadkan ayaa qaba inayna mar kale soo laabanayn dhibaatadii dhaqaale ee kubdhacday sayladaha aduunka sanadii 2008 iyadoo waji kale leh.