Netherlands…Mid kamida wadamada ugu quruxda badan qarada yurub - xogwaran plus

 


Holland…Mid kamida wadamada ugu quruxda badan qarada yurub


Wuxuu kujiraa kaalinta 2aad wadamada soosaara dhoofiyana badeecadaha raashinka. Wuxxu sidoo kale kaalinta 6aad kaga jiraa, dhaqaalaha dalalka qaarada yurub, taaso ka dhigaysa dalka lixaad ee ugu saamaynta fiican , uguna nolosha wacan. Waxay leedahay, %25 kaydka gaaska dabeeciga ah e guud ahaan qaarada yurub. Dalka ubaxa ugu badan soo saara caalamaka. 

Boqortooyada holland..

Dalkan yare e ku yaala qaarada yurub waa Holalnd ama Netherland say da badan uyaqaanaan. Waa xubin katirsan midowga yurub.


Masaaxada dhulka Holland 

Waxaa lagu tilaamaama inay masaaxada dalka hilland gaadhayso ilaa 41,850km oo isku wareeg ah.


Caasimada

Casimada dalka holand waa magaalada Amsterdam 




Lacagta holland

Lacagta rasmiga ah dalka holand waa lacagta yuurada (euro) ee ay sida rasmiga ah u ictimaadaan dawladaha qaarada yurub ka midow ahaan.


Tirada shacabka Holland

Tirade dadwaynaha kunool dalka Holland ayaa dhan 17.5milyan oo ruux.

Luqada rasmiga ah

Luuqada rasmiga ah ee dalkan ayaa ah luqada hollandiiska, waxaana ku hadla ku dhawaad 23 milyan oo dad ah oo ku kala nool dunida dacaladeeda. Ma aha wadankan oo qudha wadamada looga isticmaalo luqada holandiiska si rasmi ah, balse waxaaa kaloo laga isticmaala, oo ay u tahay luqada rasmiga ah dal Belgium-ka. Waxaa kaloo jira dhawr luqo oo laga aqoonsanyahay dalka Holland, kuwaas oo ay ku hadlaan dadyow tira yar oo ku nool dalkaas. Waxaa kaloo si balaaran looga isticmaaala luqada ingiriisiga, %93 shacabka kunool dalka hollan way ku hadlaan luqada ingriisiga oo way yaqaanaan. Taaso kadhigaysa Holland kaalinta koobaad ee dalalka ugu badan eek u hadla ingriisa ka luqadoodi 2aad ahaan, marka laga yimaado laqadooda hooyo.



Diinta rasmiga ah ee dalka Holland

Si guud diinta masiixiga ayaa ah diinta ugu balaaran ee dadka dalkaasi aaminsanyihiin, ee ay haystaan, koox diimeedda ugu fiditaanka badan dalka Holland waa kaniisadda roomaaniga ah ee madhabta kaatooliga (Roman catholic ) waxa aaminsan ku dhawad %24 shacabka dalka Holland. Waxaa ku xigta kaniisada borotastaantiga (protestant) oo ay haystaan %15.5 dadka kunool dalka Holland. Marka laga yimaado diinta kiristanka waxaa kaloo jira diimo kalo oo laga haysto dalka Holland. Waxaa kamida diimahaa: diinta Hindus, bahaiyada, halka diinta islaamku tahay diinta labaad ee ugu wayn dalka Holland. Tirakoobka muslimiinta ku nool dalka Holland ayaa dhan hal milyan oo qof, taasoo kadhigan %5 inay ka yihiin guud ahaan shacabka kunool dalka Holland, iyadoo looga saba dhigayo jiritaanka jaaliyadaha ka kala yimid dalal badan oo muslim ah, sida jaaliyada turkida, iyo carabta. Masaajidda ku taal dalka Holland ayaa lagu qiyaasaa guud ahaan inay dhanyihiin ilaa 500 (shan boqol) oo masjid.

Goobaha dalxiis ee dalka Holland

Holland waa dalka daxuuniyadaha hawada ku shaqeeya, waana mid kamida dalalka ugu qurxoon qarada yurub, waxayna leedahay meelo badan oo ku habbon dalxiiska islamarkaana loo dalxiis tago iyo muuqaalo qurxoon oo dabiici ah oo ay ku ildoogsaan dalxiisa yaashu daawashadooda. Waxay soo jiidataa daxiisayaal tiro badan oo kakala socda dhamaan daafaha caalam, kuwaas oo sanad walba soo booqda dalkan. Gaar ahaan caasimada Amsterdam , taasoo can ku ah kannalada biyuhu maraan ee magaalada dhaxdeeda, iyo guryaheeda qurxoon, madxafyada, suuqyada iyo baararkeeda, hadaan soo qaadano goobaha ugu wacan ee dalxiisayaashu aadan. 



Matxafka (rijks museum)

matxafka lagu magacaabo rijks museum wuxuu ku yaalaa magaala madaxda Amsterdam waxaana markiisii u horaysay lafuray sanadii 1855 miiladi waxaa laga heli karaa matxaf kudhawaad 1milyan oo loox-farashaxan. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay madxafka koobad ee ugu balaaran dalka Holland, ujeedadii loo aasaasay waxay ahayd sidii loo ururin lahaa hal abuurka farashan, loona ilaalin lahaa dhaxalkaas faneed ee naadirka ah. Waxaa lagu kaydiyay matxafkan waxyaabihii dawladihii hore, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay hadhaagii iyo lafihii xayawaano hore oo qaar kamid ahi dunida kadabar go,een. Madxafkan ayaa leh maktabad ad u wayn, waana tii igu wayneed ee taariikhda fanka dalka Holland. Madaxafku wuxuu qaabilaa 1milyan oo booqasho sanad walba, booqdayaashaas oo kakala yimaada dunida dacaladeeda.


Xaafadda juurdan (jordaan district)



Waxay kutaalaa xaafadani bartamaha magaalada Amsterdam, waxaana agu yaqaan inuu leeyahay goobo ganacsi iyo suuqyo laga adeegto, waxaana ugu fiican isgoyska wester wanaa mid ka mid ah suuqyada ugu fiican magaalamadaxda Amsterdam, sidoo kale waxaad ka helaysa fursad aad kuraaxaysato wabbiga adoo raacaya laash yar oo dalxiis.

Beerta kuweenhof  (keukenhof garden)



Waa beerta labaad ee ugu wayn caalamka ee ubax ah meraakan garden ee dubai. Waa goob xayaysiinta ubaxa dalku beero ee uu dhoofiyo muhiim u ah, waxay kutaalaa magaalada liisa ee dhacda koonfurta dalka Holland. Beeta ayaa lagu beeray kudhawaad 7milya oo nooc o kala duwan oo kamid ah noocyada ubaxa. Beeratan ayaa loo furaa booqda yaasha laga bilaabo  dhamaadka bisha March ila bartama May inta udhaxaysa. Beertu waxay leedahay sidoo kale maqaayado, meelo lagu nasto, iyo sidoo kale dukaano lagu iibiyo agabka hadyadaha loogu tala galay, cadarada iyo waxyaabo kale.

Qalcada deehaar (de haar)





Waxay masaafo dhan 18km ujirtaa magaalada wotret, waa qalcadii u qadiimsanayd una wayn dalka hollan. Waxay qalcadani sawir qurxoon kabixinaysaa noolashii qarniyadii dhexe ay soo martay qarada yurub. Qalacadan ayaa ka kooban qaybo kaladuwan ooy kamid yihiin dabaqyo, xayndaabyo, biriijyo, albaabo, iyo godad dhaadheer. Sanadii 1892 ayaa dayactir laagu sameeyay taasoy shaqadeedu qaadatay muddo 20 sano dhan. Markii dayactirka lagu sameeyay waxaa loo dhamaystiray dhamaan qalabkii raaxada, sida korontada , mukifyada, wiishashka. Waxaa markale dib habayn lagu sameeyay qalcadan 2000 iyadoo laga dhiga mid aad u qurxoon, islamarkaana noqotay mid soojiidatay indhaha caalamka. Qalcada ayaa la gooni ah qaabka layaabka leh ee loo farsameeyay, iyo beeraha ku xeersan hareerta qalcada ee bilicda gaarka ah leh, iyo harada biyaha ee hor ceegaagan.

Daxuuniyada hawada (kinderdijk windmills)



Waa dooxo ay ku yaalaan 19 riiqe yaashii hore ah ama daaxuuniyadihii lagu shiidi jiray raashinka, kuwaas oo kushaqayn jiray quwada hawada. Daaxuuniyadahan ayay taariikhdoodu ahay sanaddii 1740, waana kuwa ugu muhiimsan dhanka dalxiiska. Waxay gashay mawsuucada UNESCO ee goobaha taariikhiga e caalamiga 1997 .

Matxafka madame tusaud



Waa laan kamida madxafka shamacda ee ugu caansan dunida. Waxaa matxafkani uu soo bandhigaa, sawiro gacmeedyo, hadhaayo xayaawaano hore, iyo taalooyinka shaqsiyaadkii ugu caansanaa ee soo maray dunida, sida ciyaaryahanno , hal abuurro, fanaaniin, siyaasiyiin.

Dhismaha Cube Houses



Waa Astaamha dalxiis ee ugu caansan magaalada Rotterdam. Waxaa loo ladhisay lama filaan ah, taasoo kadhigtay mucjisada farsamooyinka dhismaha. Waxaa la taagay sanadii 1984-tii ulajeedkuna wuxuu in laga dhigo guryo ladago, six al loogu helo cidhiidhiga ka jira guryaha daganaanshaha shacabka.

Beerta vondel park



Waa mid kamid beeraha u caansan uguna horeeyay eek u yaal magaala madaxxda Amsterdam. Waxaa la furay sanaddii 1865-tii, baladhkeeduna wuxuu gaadhayaa 47 hictar. Dadka soo booqda sanad ayaa lagu qiyaasa 10milyan sanad walba. Waxaa ka heli kartaa beertan jawi aad kula fan gasho nolosha dabeeciga ah, waxaa kaloo samay kartaa intaad ku jirto booqashadaada ispoorti kala duwan, hadaad rabto waad dhax lugayn kartaa, ama waxaad kiraysan kartaa baaskiil. Waxaa kaloo uu leeyahay tiyaatar lagu qabto riwaayadaha iyo xafladaha qaybahooda kala duwan.


Fooqa Euromast



Waa dhisme aad u dheer waxaana loogu tala galay in wax laga bildhaamiyo. Dabaqani wuxuu kamid yahay goobaha dalxiiska ee ugu caansan magaalada Rotterdam.wuxuu noqonayaa dabaqa ugu dheer ee ku yaal dalka Holland. Dhererkiisu wuxuu gaadhayaa 185mitir.

Buundada Erasmusbrug



Buundadan waxay saarantahay wabiga rain , waxay isku xidha labada dagood ee wabiga, waa marinka ukala dab qada daanta woqooyi iyo ta koonfureed ee magaalada Rotterdam.


Uruguay.. xogwaran plus

Koonfur Afrika…..guud mar kooban


Massage Shower…. Duugista maydhiga