Caalimkii muslimka ahaa ee indhaha u jeexay ilbaxnimada reer yurub

 

Caalimkii muslimka ahaa ee indhaha u jeexay ilbaxnimada reer galbeedka 


Ilbbaxnimada ay hada reer galbeedku ku maamulaan caalamka ee u adeegta maabadidooda iyo diintooda, ma isleedahay waxay sal ku leedahay xadaaradii islaamka?

Hadaad horay u maqashay Amaba u akhriday iyo hadii kalaba, jawaabta suaashaas waxaad iyada oo faah-faahsan ka Bogan doontaa intaan maqaalkan ku guda jirno. Waxaan maqaalkan ku soo qaadan doonaa waxna ka odhan doonaa mid ka mid ah culimadii waawayneed ee nalka u daartay mugdigii ay ku jireen reer galbeedku islamarkaana inadhaha u jeexday aqoonta iyo ilbaxnimada ay maanta ku faanaan. 


Taariikhdiisa oo kooban

Ibnu rushdi magaciisa oo dhamaystiran waxaa la yidhaa: abul waliid maxamad binu axmed binu muxamad binu axmad binu axmad binu rushdi (al hafiid). Wuxuu kudhashay magaalada qurdaba sanadii 1126 miilaadi. Waa mid kamid ah falaasifada ugu waawayn caalamka, waa aqoonyahan muslim ah oo leh taqasusaad kala duwan. Waa nin ku xeel dheer aqoonta qaybeheeda ugu sareeya sida: falsafada, fiqhiga, caafimaadka, falaga, fisigiska, iyo qaar kale.

Wuxuu kusoo koray xaagada qoys aad looga yaqaano deegaanka, qoyskaas oo qaarkood qabteen xilal sare oo maamulka oy kamid tahay maxkamadu iyo fadwada. Awowgiis oo ahaa kii loogu magac oo isna la dhihi jiray ibnu rushdiga awoowga ah ayaa ahaa sheekha ugu wayn ee madhabta maalikiyada, imaamna ka ahaa masjid jaamaca qurduba, sidoo kale qaadina ahaa, dhanka siyaasadana lataliyaha u wayn ee dawlada muraabidiyiinta ahaa. Abihii axmad inu abil waliid ayaa isna ahaa faqiih iyo qaadiba wuxuuna kamid yahay culimada sharaxday kitaabka sunanu nisaai ee xadiiska ah.



Taariikh cilmiyeedkiisii

Ibnu rushdi waxbarashadiisa wuxu ka qaatay caalimkii waynaa ee faqiiha ahaa al xaafid maxamad ibnu risq. Muda'a imaam maalik waxaa xifdi siiyay aabihiis. Sidoo kale wuxuu wax ka bartay qaar badan oo kamid ah culimadii ugu waawaynayd xiligaas funuunta noocyadooda kal duwan. Waxaa ugu cadcadaa: sheekha lagu magacaabo abii Jacfar bin cabdilcasiis, isagoo u ijaaseeyay ibnu rushdi fatwada. Dhanka falsada waxaa saamayn wayn kulahaa ibn rushdi ninka la yidhaahdo ibnu lujja, sidoo kale waxay saaxiib dhaw ahaayeen ibnu dufayl.


Shaqooyikii uu qabtay ibnu rushd

Ibnu rushdi ayaa qabtay xilka qaadinimada magaalada ishbiiliya, kadibna oga gudbay qurduba, markii uu ibnu dufayl iska casilayna wuxuu qabtay waxaa u yeedhay khaliifadii dawladii muwaxidiyiinta ee ladhihi jiray abii yacquub markuu yimidna waxuu u magacaabay dhakhtarkiisa gaarka ah, ahna qaadiga magaalada Marrakesh. Sidoo kale wuxuu ahaa Latalin ka caawiya hawlo badan amiirka.


Fikirka ibnu rushdi


Ibnu rushdi ayaa qaba fikrada ah inayna iska hor imaanaynin falsafada iyo diintu, sidoo kale wuxuu rumaysanyahay koonku inaanu dhamaad lahayn jirataankiiso. Sidoo kale wuxuu u qaybiyay ruuxda laba qaybood.


Kutubta uu qoray ibnu rushdi


Qoraalada ibnu rushdi ayaa u badan afar qaybood oo kala ah: falsafada, caafimaadka, fiqhiga iyo luqada carabiga.

Waxay culimada qaar kamid ahi kutubtiisa gaadhsiiyaan ilaa 108 kitaab waxaana ugu muhiimsan kuwan:



 جوامع سياسة أفلاطون.

 بداية المجتهد ونهاية المقتصد. ال

كشف عن مناهج الأدلّة في عقائد الملّة.

أرسطو

تهافت التهافت

شرح أرجوزة ابن سينا


Geeridii ibnu rushdi


Waxay tii alle swt ku toostay isagoo jooga magaalada Marrakesh ee hada katirsan dalka Morocco maanta markay taariikhdu ahayd 1198-dii sadex bilood ka dibna waxaa maydkiisa loo qaaday andalus magaalada qurduba halkaasaana lagu aasay.