Gabay uu sayidku u diray dariiqada axmadiyada


Gabay uu sayidku u diray dariiqada axmadiyada 


Sada ku xusan diiwaanka lagu ururiyay gabayada sayidka, xiligii Daraawiishtu katalinaysay hayiha islamarkaana awooda lahayd, dadna u kala miirmay nin gaalada dhankeeda ka soo jeeda iyo nin waran iyo gaashaan qaatay oo gaalada hortaagan iyo nin aan labada geesood midna raacin oo gegi dhexe iska jooga oo ishaafalateynaaya, ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la oron jiray "Aaden Axmed Dubbe" oo degganaa buuraha Ceerigaabo iyo afafkooda gabay mariyey, gabaygaa oo uu kaga gilgilanaayey hadallo Sayidku isagoon dad kala soocin gaalo dad badan ku sheegay, gaar ahaan degmada Aaden Axmed Dubbe ka sok jeedo. Isagoo kajawaabaya arintaad Wuxuu yiri Aaden: 



"Dariiqada Axmediyaannu nahay, eheladeediiye 

Afkana kama dhignoo jamacaan, idilkii haynaaye 

Umuuru diinka waxaan raacsannahay, Nebi Ibraahiine 

Gaalada ninkii nagu ismaa, waanu na aqoone 

Ishaa Allaahu aakhiraba ways, ku arki doonnaaye"

 



Sayidkii markuu maqlay gabaygaas wuxuu hubsaday ninkaa iyo lillaahinimadiisa iyo inuu yahay nin diin iyo iimaan leh, waxgaradna ah. Dabadeed wuxuu u diray baqal hadiyad ah iyo rag ergo ah iyo masafadan, wuxuu Sayidku hadal ugu gabagabeeyey waxtar iyo waxsiin haddaad doonayso xarunta kaalay, wuxuuna Sayidku yiri: 




Ragga bixitamaayow, bela laga xijaabyow 

Ayaantaad bad beeddaan, Aadan1 wayga baab mida 

Bishaaradu ha gartee, bayin waxow tiraahdaan 

Sagaal halaan ku bari baan, baqalka kuugu soo diray 

Warsangeliga beyree, ballankii Ilaah furay 

Bidcafalaha nagu yiri, xaajada baddaalka ah 

Ee baara weynow cawar, beydka ugu galay 

Iyagiyo berberigu, baha gaalo weeyoo 

Baayacaadda Cadameed, Ibleys bawgu baaqoo 

Boqorka uu guddoonshaa, Bastaloosi2 weeyoo

Badaawida xujoowdaa, adiguba u baantaye Waadiga biddoodkiyo, boonlaha ku sheegaye Baraara Alla-yeelyow, adigaa I beejaye 

Beddel inaad ka dhigataan, baqalka kuugu soo diray! 

Marna baad aan leeyahay, bilna kuuma imannine Biya aan ku siiyana, bushimaa ma saarine In kaley buleysaye, adigu beer ma dubannine Bismillee bilowgaan, baqalka kuugu soo dirayee! 

Baashiga abaareed hadday, beeshu geeddido Boqoolaa harsimadii, haddii budulka lagu dhaco Buska inaad ka fuushaan, baqalka kuugu soo diraye! 

Haddii aad bannaankiyo, bocoodaha ka guurtaan Ee baallaheediyo, barqa-maalle lagu furo Buurta inuu ku koriyaan, baqalka kuugu soo diray! 

Cidahoo barwaaqaa, berisamaha dooggii Barqagaarka reeraha, baashaarka gobannimo Dantaa inaad ku bogotaan, baqalka kuugu soo diray 

Haddaad baadi doon tahay, beydaalis xoolaad Aadan bananka dheeriyo, beri kale u saafurin Barax inaad ku rarataan, baqalka kuugu soo diray 

Haddii bogox col loo waco, waa beled amxaaree In kastoo buufis lagu wado, bigifsiga ma daayee Kufri inaad ku boobtaan, baqalka kuugu soo diray 

Nin wadaad basariyana, barakaa ka raacda e Anna waan u baahnahay, ducaad igu bantookhdoo Inaan kheyr baalleeyaan, baqalka kuugu soo diray 

Bacdigeedna aakhiro, bacaskiyoo kulaylkii Bancaddaha qiyaamaha, sida bilig billaac yiri Baalal inaan ka yeeshaan, baqalka kuugu soo diray

Bojayoo sagaalkii, biidna kama aan dhaafinee 

Bigi iguma laabnoo, waa iga bashuuqdee 

Big yaroo kaleetaan, badin maayo ku sii dari 

Dad nin bela sameeyiyo, burge lagama waayee 

Buuryaqabyo xaasidi, bakhayl hadday I moodaan 

Oo baaniyaal dhaho, bal dayooy wuxuu wado 

Hadalkaa bishaacaa, iyagaa ku ba'ayoo 

Adduun baafis inaan ahay, burhaan looma helayee 

Buubsi waxaan ku taabiyo, boolina ma haystoo 

Kolay neef barkina tahay, baas lagaga qaadoo 

Muslin waxaan ka buurtana, baqti buuba iga yahay 

Been inaanan sheegayna, waa igu billaahoo 

Boqol halaadoo aan bixiyaa, beesad ilama dhaantoo 

Wixii laysku bededana, barashaa ka fiicane 

Haddaad baaha doon tahay, berri adigu ii imow 

Haddii kalase booskaa, yaan bahalku kaa dilin. 



Xigasho

diiwaanka-gabayadii-sayid-maxamed-cabdulle-xasan