Qisso cajiiba!! Marwalba oo aabihiis u guuriyo uu furaa... ina boqorkii adhi-jirka noqday

 

Qisso cajiiba!! Marwalba oo aabihiis u guuriyo uu furaa... ina boqorkan adhi-jirka noqday

Mid ka mid ah boqorrada ayaa wiilkiisa saddex jeer, markasta oo wiilku furo xaaskiisa isagoon aabihiis ogeyn sababta, aabihiis wuxuu ka eryay qasriga boqortooyada isagoo ka xanaaqsan furiinka soo noqnoqda..

Ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu ka baxay magaalada si uu shaqo u helo. Wuxuu helay shaqo islamarkaana wuxuu adhijir u noqday mid ka mid ah tuulooyinkii uu ka raadsanayay shaqada.




Milkiilaha adhiga ina boqor laraacsaday aad buu u jeclaa ninkan dhalinyarada ah, milkiilaha riyuhu wuxuu lahaa hal gabar ah. Wuxuu go'aansaday inuuu guuriyo gabadha wiilkan, wuxuuna ka codsaday gabadhiisii,si uu ola sii joogo wiilka xaafada, maadaama uu aad uga helay wiilka. 




Wuxuu u soo bandhigay inay guursato, gabadhiina waxay tidhi, Ma guursanaayo ilaa aad la tijaabo ka qaadid si aad u ogaato runtiisa.

Ninkii wuxuu ku yidhi wiilka dhalinyarada ahaa berrito, ha dareerinin idaha. Waxaan u safri doonnaa maalmo yar si aan hawl usoo qabano.

Kadibna way wada safreen iyagoo ku guda jira socdaalkoodii waxay soo ag mareen, adhi aad u tiro badan, wiilkii dhallinyarada ahaa ayaa yidhi: 

(Badanaa, oo hadana yaraa ) 

Ninkii wuu yaabay oo kama jawaabin

Waxay u gudbeen adhi kale, hadana ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu yidhi :

( yaraa oo hadana badanaa ).

 

Ninkii wuxuu naftiisa hoos u yidhi malaha ninku waa doqon, wuxuuka umaleeyay taa darteed gabadhu inay u codsatay inuu la safro.


Wuxay sii mareen xabaalo, kadibna wuxuu yidhi wiilkii:

( Adigay ku nool iyo kuwa dhintayba kugu jiraan ).


Waxay usii dhaafeen kayn aad u qurxoon oo qurux badan, ninkii dhallinyarada ahaa ayaa yidhi: 

( yaa og beertan inay cagaar tahay iyo inay qalalan tahay ) 

Wali Ninku aad buu u jeclaa oo ma uusan hadlin ! 

Say u sii socdeen,

Waxay galeen tuulo waxayna weydiisteen biyo ay cabbaan, taa badalkeedna waxy siiyeen  caano, wiilkii ayaa ku hormaray oo cabay kadibna wuxuu u gudbiyay odaygii.


Kadibna waxay galeen tuulo kale, ooy  biyo waydiisteen, waxay siiyeen biyo 


( Wuxuu ku hormariyay ninka ka dibna isagaa cabay )


Ninkii wuxuu naftiisa hoos isu waydiiyay, waa maxay tolow caanaha iga ixtiraamin ee isagaa hor cabay, biyihiina anuu ii hor siiyay?


Ninkii wuxuu hoos u yidhi kani wallee ma guursado gabadhayda, maxaa yeelay safarku wuxuu dadka u soo saaraa waxa yahay.


Waxay ka soo noqdeen safarka oo ninkii wax walba wuu u waramay gabadhiisa.


Gabadhii waxay aabaheed ku tiri ( alaylehe, nin rageed).


Markaa aabihii wuxuu yiri sidee u yahay?


Gabadhii waxay tidhi : 


Idaha ugu horreeyay

 ( wananka ayaa ka badnaa idaha )

 

Adhigii  labaad: ( idaha ayaa kabadnaa wananka )

Qabuurahii aad marteen ( kii ka tagay farcan waa nool yahay qof kasta oo aan ka taginna wuu dhintay )


Beertii cagaarka ahayd ( Haddii milkiilahaa  lacagtiisa ku cagaariyay , way cagaarantahay, haddii uu dayn ku beerayna waa qallalan tahay )


Dhanka caanaha ( Marka weelka la dhigo, caanaha  ayaa  hoos u degta, xoortuna kor bay  usoo kacaan, sidaa darteed, isagu  wuxuu cabbay xoorkii adna wuxuu ku siiyay caanihii )


Dhanka biyaha ( biyaha saafiga ah ayaa korka mara, sidaa darteed ayuu ku hor siiyay ).


Islamarkiib waa uguuriyay,

Markuu la aqal galay habeenkii koowaad, gacanta ayuu ka saaray madaxa, wuxuuna ku yidhi 

Yaa leh madaxaaan?

Waxay ugu jawaabtay oy tidhi: Waxuu ahaan awal madaxayga, hadana waxaa uu noqday madaxaaga. 


Wuxuu ku yidhi, isu diyaari safar, Anigu ma ihi adhijirkaad ogayd. Anigu waxaan ahay wiilka boqorka waxaanan usoo inaan ku helo adiga.


Qofka xun wuxuu u maleynayaa dadka xun, wuxuu raadiyaa khaladaadkooda, wuxuuna u arkaa marka loo eego waxa naftiisa ka soo baxa.


Marka loo eego qofka wanaagsan, wuxuu ku eegaa indho wanaagsan iyo qalbi wanaagsan dadka kale, wuxuuna u raadiyaa cudurdaar, oo wuxuu u arkaa inay u fiican yihiin sidiisa oo kale.


Qofku wuxuu ka helaa dadka kaliya waxa qurxoon ee uu sameeyo.


Ha ka murugoon dhibaatada, maadaama laga yaabo inay noqoto wadadii farajka.