badhida dumarka sida loo wayneeyo


 badhida dumarka sida loo wayneeyo



Quruxda jidheed, jooga iyo jamaalka iyo hanaan iyo hubqaad soo jiidasho leh, waa hadaf in badan oo dumarka kamid ah, hadh iyo habeen ugu jiraan dadaal oo ay baadi goobayaan. Si ay u hesho muuqaal qurux san oo raali galiya, waxayna galiyaan qarash badan oo aanay galinin quruxda gudaha ee ruuxiga ah.



Dumarka ayaa hadba isha raggu sidii ay u qaban lajayd ku dadaala, kuna beegsada muuqaalka ay ku soo dabi lahaayeen.  ragga ayaa isha laraaca hadba tii hanaan leh , markay soo jeedo waxay ka fiiriyaan wajiga , sii jeedka miskaha ayaa ah balo lagu indha daraadlndaro oo ragga lagu baabay markii ay tahay gabadhu mid kararan qaarka danbe. 


Xasuusin


War hooy hadda ma dhiiri galinayo inaad ka gudubtaan xadkii rabbi inoo dhigay, waxaan oga jeedaa uun sidii ay saygooda isugu qurxin lahaayeen, islamarkaana usoo jiidan lahaayeen, taasina waa muhiim, si aanu ugu hanqal taagin kuwa suuqa mulacyaynaya ee xubnahoodii kala dhig dhigay sidii waslad hiliba oo sariibad taala.


Waxaa jira dumar badan oo jecel inay noq-daan ill doogsiga saygooda, islamarkaana u mara wadda walba oo ay is leeyihiin waad ku gaadhi kartaan quruxdaas. Hubqaadka toolmoon, iyo hanaanka qurxoon, waa astaanta lagu amaano xaawalayda dumar. 



Anoon ku fugaanayn gogol-dhiga qoramada, halka waxaan kusoo gudbin doonaa, dhawr talaabo oo aan kasoo xulay wixii aan kasoo baadhay mawduucaas ee aan is idhi waa muhiim.


Halkan waxaan kugu siinayaa dhawr tilmaamood oo aad si dabiici ah ugu dhisi kartid misko dabiici ah, adoon aadin suuqyada lagu gado agabka la isku qorxiyo, adoon galin qaliin, ama isticmaalin irbado, oo gurigaaga dhana oga bixin.

 

Malabka dabiiciga ah iyo xulbada


Malabka waad wada garanaysaan, dabiiciguna waa ka shinidu samaysay ee aan gacan ku rimiska ahayn. Sidoo kale xulbada oo aad taqaanaan in ay jilxiso jidhka qofka.


Waxaad soo qaadaysa hal qaado oo xulbad ah, oo buda ah, la ridqay hadba saad u taqaano, kadibna waxaad ku daraysaa qaado yar oo malab ah, oo ay weheliso xoogaa sabiib ah, kadibna waad isku laaqaysaa, dabeedna  wax yar oo biyo la filter gareeyay ah baad u daraysaa. Markaad saa u diyaariso waxaa lagaa rabaa inaad 

Isticmaasho oo aad 

Qaadato hal mar malin walba, waxaanad joogtaynasaa muddo bil ah. Si aad natiijo dheeri ah u heshana waxaa haboon inaad ku dhax waddo jimicsiga lagu dhoso jidhka, siiba laylisyada loogu tala galay giijinta miskaha.



 Macsarada iyo malabka



 Isku dar labo qaado oo waawayn oo saliid macsaro ah, iyo qaado wayn oo malab ah, waxaad u gaysaa laba midh oo timis ah,

Kadibna si joogta ah u cun mar subixii ah, iyo mar galabtii ah muddo bil ah.

Mudadaa kabacdi waxaad yeelanaysaa gadaal buuran oo qurxoon.


Timirta iyo caanaha


Soo qaado malqaacad caana ah oo ku dar laba xabbo oo timir ah,

Kadibna ku dar koob biya ah oo la diiriyay,

Kadina isku mil, intaa kadib isticmaal. Isku darkana waxaad qaadanaysaa muddo toban maalmood ah, subixii iyo galabkii.


Saliid saytuunta iyo saliida xulbada


Isku dhafka maaha sidii kuwii hore mid afka laga qaadanayo, balse kaliya waxaad u baahantahay laba qaado oo saliid saytuun ah, laba qaado oo saliida xulbada ah, kadibna aad isku darto, kadibna waa inaad ku duugto adoo isticmaalaya faraha caaradooda, waxaanad si fiican ugu duugaysaa labada miskood, muddo sodon daqiiqo ah. Waxaanad qaabkaas u samaynaysaa asbuuciiba labo goor.