Gaabygii BA’A E YAW SHEEGA ee sayid maxamed cabdulle xasan

 


Gaabygii
BA’A E YAW SHEEGA ee sayid maxamed cabdulle xasan

Ø  Sange buuran oo baddalliyoo, gaadda balaxoobey 

Ø  Oo aan biyiyo raaxo iyo, banaha caws waayin 

Ø  Oo subag baqbeenaa la siin, bilaha jiilaalka 

Ø  Meeshiyo baraarnimo hadduu, baadka miranaayo 

Ø  Barwaaqadiyo geedaha hadduu, badhi ku laaqaayo 

Ø  Baldhoolaha cagaarka leh hadduu, buro ku daaqaayo 

Ø  Bus-ku-erida raacdada hadduu, buufis geli waayo 

Ø  Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigifluu rooro 

Ø  Inaan bahalka laga soo xireyn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo 

Ø  Beded iyo kebtityo raaxo iyo, buubsi iyo weerar 

Ø  Inaan baqal fardaha gaarayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto 

Ø  Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo 

Ø  In billaawe lagu soo xafsiin, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Lo'da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye 

Ø  Barqamaha gugii baa xumbada, laga bursiiyaaye 

Ø  Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye 

Ø  Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye 

Ø  Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye 

Ø  Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba'a ee yow sheega?

Ø  Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyay Bukuuraha xun buu moodayaa, buur inuu silo ee Inaan bacadle awr lala simayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale e Marna haddaanu beydkiis nin yimid, barax u dhiibaynin Buuryaqabka inaan loo tegayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Bahdii nimaan wax siinayn, hadday baahi kula roorto Barakadiyo xoolaha haddii, beri la dhaafsiiyo Inaan baraxna loo taagihayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Naagtii basariyaan Ilaah, barin wax xoogaana In kastoo baftiyo khayli iyo, boqorro loo iibsho Baalidu sidii habas hadday, boor ka kici weydo Marna inaanay bilic yeelaneyn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Culimada sidii baaniyaal, beledka gaalo joogta Baabkii Allaa laga akhriyay, inay baloobeene Inay balalka naartii ku kici, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Ninkii bala'da lagu yeeriyee, bayraq lagu duubay Marna haddaanu bara aamin iyo, baahi geys noqonnin Inaan boqorka loo deynahayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Bushimo aamusaa waxay helaan, inay bedbaadaane Rag balaayo iyo ceeb ninkii, igula baayooda Inaan baxarka moolkaa ku ridi, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Baalxaafka waxaa loo sitaa, beylah kaa maqane Ninkii loo bukaan qabay hadduu, beeg uu dili waayo Birtiisu ha jabtee inaan la rabin, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Runna nimaan ka beyreyn iblays, barale weeyaane Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo Inaan dhagaha loo balalinayn, ba'a ee yow sheega?

Ø  Bogga laga mudyow fuluhu waa, baydada hayaaye Goortuu bidhaan cadow arkuu, balow yiraahdaaye Inaan melegga laga baajinayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Geesiga bacood lagu dhintaa, bili ka raacaaye Abidkiisba baashuu ka galo, looga kala bayrye Usaguna buruu leeyahaye, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Burgahaan wax tarahayn haddii, belelku qiiqaabo Aan bayaadxumo deynahayn, baaqulliyo ceebta Baasaha dagaal inuu ku lumi, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Ragii baadda loo gurahaye, boqolka loo keenay Beejimada naagaha raggii, beydka loo geliyey Baarada adduunkaa raggii, baqaska loo dhaanshay 

Ø  Baashida raggii laga dhigee, beyda taagahayey Big hadday yiraahdaan kuwii, sedada beegaayey Ballankii Ilaah inuu ku dhici, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Ararsame bullada haygu tumo, baanisaha geede Intuu burunjideydii la tago, hayska baar lulo e Buluxiska iyo faanka waa, buli ishaalleeyee 

Ø  Burjin xabaga oo geed ku yaal, baacu waw tegine Biciidkii bulshada ay ka gala, beydaraa heliye Inaan beylah laga waayahayn, ba'a ee yow sheega? 

Ø  Haddeeyaan sidii beela raran, Xarunta soo buuxin Ama aanay xaqay naga buleen, bixinnin oo keenin Ama aanay Bangaal1 iyo Hindiya2, beled kaluu dhoofin 

Ø  Baaruud3 la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo Barakada Ilaahay haddaan, badi u noolaado Inaan baarax nabadeed jireyn, ba'a ee yow sheega?[1]

 



[1]Ciise, S. J. Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan . Iskaa-U-Same.