Gabaygii u sayidku ugu jawaabay cali dhuux

 


Gabaygii u sayidku ugu jawaabay cali dhuux



Sida aan ka soo xiganay buuga lagu ururiyay gabayadii sayidka, waxaa soo gabyay Mar kale Cali-Dhuux isagoo isku diraaya Sayidka iyo Cali-Geri oo ahaa nimanki  dariiqada iyo jahaadka diirka u ahaa, wuxuu yiri: 

Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena 

Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye 

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabyaa maansada aan lagaga  daba dhufan, isagoo hadaladaas Cali-Dhuux ka jawaabayana wuxuu yiri: 

Aw Yuusufoow erey yar baan, ku erganaayaaye 

Hadduu Eebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho 

Ikhwaanoow adkee xaajadaan, kugu ammaanaystey 

Ku ansaxi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso 

Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iiddoora 

Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye 

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e

Abtirsiinydey waxay gashaa, odoyo waaweyne 

Halkaan uga arooraana waa, odaga Daaroode 

Rasuulkii udgoonaa waa, ina-adeerkay e 

Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e 

Ibraahim-Rashiid1 aabbahay, odagi weeyaane 

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel waddagnaaye 

Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye 

Nin Amxaara mooyee intii, edge adduun joogta 

  

Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kheyrkiiye 

Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanayaaye 

Adiguna abbaanow midgaan, uraya saw miihid? 

Saw kii Ilaahay necee, eyga qalay miihid? 


 Xigasho


Diiwaanka gabayada sayidka