Masjidka ugu wayn africa ahna ka sadexaad ee ugu wayn caalamka "Djamaa el Djazaïr"

 


Masjidka ugu wayn africa ahna ka sadexaad ee ugu wayn caalamka 

"Djamaa el Djazaïr"


Waa masjidka ugu wayn qaarada afrika. Sidoo kale waa masjidka sadexaad ee ugu wayn guud ahaan caalamka, markavlaga reebo masjidul xaraamka iyo masjidu nabawiga. 


Masaajidkan ayaa halkii mar ku wada tukan karaan dad tiradoodu dhantahay 36.000 , marka lagu daro inta barandahiisa ku tukatana wuxuu xarayn karaa 120.000 oo qof.


Minaarada masjidkan ayaa ah mida ugu dheer dunida, iyadoo dhererkeedu gaadhayo 260 mitir. Dalkan Algeria ee dhaca galbeedka qaarada africa ayaa ku 20 kun oo masjid oo waawayn, kuwaas oo lagu guto cibaadaadka, sidoo kalana lagu barto diinta islaamka.


Hoolka salaadda iyo dhismayaasha kala duwan ee masjidka Algeria waxaa lagu xardhay farshaxanka quruxda badan ee qoraalka khadka Carabiga ballac ilaa 6 km ah. Masaajidka Aljeeriya waa masaajidka ugu weyn Afrika iyo kan saddexaad ee adduunka ka dib Masaajidka barakaysan ee Makkah Al-Mukarramah iyo Masaajidka barakaysan ee Nabiga(salla laahu calayhi wasalam) ee ku yaala magaalada Madiina, maadaama ay tahay astaan wajiyo badan oo hannaankeeda qaab dhismeedka ay isu soo guurinayso nolosha casriga ah iyo taariikhda. 


Farsamda loo aqshadeeyay masjidka Aljeeriya, ayaa ku dhissan heerarka ka hortagga dhulgariirka isla markaana awood u leh inuu nuugo 70 boqolkiiba xoogga dhulgariirka, wuxuu ku saleysan yahay qaab dhaqameed lagu garto disme xoog leh oo tiirar ah oo lagu qurxiyay marmar cad, taas oo ah laf-dhabarta Dhismaha. 1 


Masaajidka Aljeeriya wuxuu kaloo leeyahay dugsi quraanka lagu barto, oo qaadaya 1500 oo arday kuwaas Algerian iyo shisheeyahaba leh ka dib markay qalin jabiyaaba sii wata culuumta slaamka iyo cilmiga aadanaha، Dugsigu wuxuu leeyahay, hool cashirrada lagu bixiyo, hool muxaadaro, iyo sidoo kale giryo la dajiyo ardada. 


Masaajidka waxaa sidoo kale ku jira dhismayaal kale oo la mid ah oo ay ku jiraan meel loogu talagalay bandhigga iyo maktabad ay yaalliin 1 milyan oo kitaab. Masaajidka waxaa ku jira meel loogu talagalay soo dejinta helikobtarrada iyo baarkin gawaadhida loogu talagay oo xaraynaya halkii mar, 4000 oo baabuur ah oo ku yaal dabaqa hoose oo ay ku hareereysan yihiin dhowr beerood iyo barkadaha dabaasha.1


Masjidka Weyn ee Aljeeriya, waa masaajidka saddexaad ee ugu weyn adduunka ka dib markii ay laba Masaajid oo barakaysan, mashruuca dhismahana waxaa bilaabay Madaxweynihii hore ee dalkaas Abdelaziz Bouteflika, oo qiimahoodu ahaa 3 bilyan oo doolar، In kasta oo uu furay madaxweynaha hadda jira, Abdul Majeed Taboun, sannad-guuradii dhalashada Nabiga ee Oktoobar 2020.