raga guska yar, dumarku siday u arkaan

 

raga guska yar, dumarku siday u arkaan



In badan oo ragga ka mid ah ayaa walaac kasoo food saaraa, cabirka xubintooda taranka taas oo ay u arkaan in ay ka yartahay dhererkii dabiiciga ahaa. Waxaa hubaal ah in ay arinta ku saabsan dherarka iyo balaca xubinta taranka raggu tahay mid hadal hayn badan ka dhax dhalisa ragg badan. Laakiin waxa ay is waydiintu tahay, muxuu yahay muqaalka iyo xajmiga ugu haboon ee qoodhuhu? 

Waa kee geedka ugu wacan aragtida dumarka?


Aan ku hormarree, koox cilmi baadhayaal ah oo ka soo jeeda dalka switzerland, ayaa daraasad waxa ay ku sameeyeen aragtida dumarka ee ku aadan xubinta taranka ee ragga iyo nooca ay dooran lahaayeen. Arrintaan ayaa sababtay in ay culimadaasi waydiiyaan dumarka nooca xubinta ragga ee ay jecelyihii, dhererka ay doorbidayaan inuu yeeshu, iyo dhumacda ay ka helaan inuu yeesho.



Xajmiga geedka ay dumarku jecelyihiin


Waxay baadha ayaashu usoo bandhigeen, 100 dumar ah oo da'doodu u dhaxay 16 jir ilaa 45 sano jir, sawiro kala duwan, oo cabirro kala duwan leh, waxaanay ka cod sadeen inay calaamadiyaan nooca ay ka helaan, sidoo kalena calaamad saaraan kuwa aanay jeclayn. Hadaba maxay noqotay natiijadii?

Ma noqday kan u wayn ka xulkoodii?



Waxaa cadaatay dumarkani dhamaantood inaanay wax ahamiyad ah oo gaara siinayn. Waxayna cadeeyeen in uu yahay dhererka iyo balaca gusku, astaamaha ugu danaynta yar dhanka dumarka. Waxaa layaab leh in aanay dumarkani marna xisaabta kusoo darin cabirka guska yari iyo wayni toona, isla markaana aanay wax dana ka lahay inta uu le'egyahay.


Hadaba maxay tahay astaanta koobaad ee ay ku xulanayaan ragga?

Waxaa liiska astaamaha ragga ay ku xushaan kow ka noqday, muuqaal sare, iyo xarragada, quruxda jidheed, iyo qaabdhismeedka ninka, iyaga oo aan faah faahin nooca ay u jeedaan quruxdaas. Waxaase ay ku dareen intaas in timaha hoose, "bisqinta" ay yihiin laftoodu qodob ahamiyad balaaran u leh dhankooda, waxay intaa sii raaciyeen midabka maqaarka.



Marka laga soo tago guska, sidoo kale madaxa qoodhaha, xiniinyaha, ibta iyo wixii lamid ah ayaan wax ahamiyad ah lasiinin, taasoo muujinaysa inaanuu wax farqi ah u dhaxay qiyaasaha kala duwan ee xubinta taranka raggu dumarka agtooda, waxa kaliya ee ay daneeyaana yahay, habka loo adeegsado.



Sidaa darteed hadaad tahay dadka ka walaaca cabirka guskooda, xasuusnow inaad tahay libaax, waxaa la gaadhay xiligii aad ka gudbi lahayd xayndaabkaas aad isku ooday. Sidoo kale lasoco in dhanka haweenayda laga danaynayo uun kaliya hawl gal dhamays tiran ee aanay wax macna ah u samayn nayn waynida iyo yarida gusku.