Tix maanso oo jacaylka ka hadlaysa


 

Tix maanso oo  jacaylka ka hadlaysa

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa tix kooban oo ka hadlaysa jacaylka taas oo ka turjumaysa micnaha uu ka dhasho, iyo miraha laga goosto, marxalada la maro. Waxay maansadani sawir ka bixinaysaa kalmadan sida wayn loo adeegsado ee jacaylka, waxayna taabanaysaa dhinacyo badan oo ka turjumaya waxa laga yidhi iyo wacdraha uu lamaray dadyow fara badan. Maansadan magaceedu  yahay “waa micno jacaylku”

 

 

waa micno mugwayno

magac loo gu yeedhiyo

midablagu minsoociyo

bildhaan lagu mataaliyo

muqaal la dheehdiyo

meel laga dayaa jirin

minan gooniyo u dago

nin dareemay mooye

aan lahayn macalin kale

dhanka kale mataalkii

siday noogu macneeyeen

aan yara maleeyee

 

 

 

kamacaan dux iyo malab

mana aha midhiyo sonkor

waa muquur rabaaniya

halmara ruuxa muudsada

miyirkiisu raacoo

maankiisu qaayibo

waa maax daliil oo

lagamiiray canabkii

maxabadu waraabisay

 

hadal kuma macnayn karo

maan kuma sawiri karo

ruuxa mawjadiisiyo

maabkiisa gala uu

samadaa lamro sare

waxa isaga umuuqdaa

waa wax aan makhluuq arag

mushkilada u gaaruu

maaraynteeda goobaa

duurafaha kumaranbuu

maalinki iyo haabiinkii

la mooraal xunyahayoo

saqda dhexe lameeraa

ileen ruux jacayl maray

ubuxiyo mankiisiyo

looga muuqdo meelkale

oo ubax magooliyo

daawanaaya midabada

ka muuqata barwaaqada

mawluhu gayiga dhigay

maqlimaayo ruux kale

nimu malag usheekayn

anuun baaba moodaye

ruux firdawsa daawaday

ifka miyuuba joogaa?

waa maya jawaabtuye

maxabbaa min raaxo leh

iyadaa mug waynoo

meel nawada qaadiyo

sooryiyo leh maamuus

minan lagu gamaa iyo

 

 

iyadaana murugtiyo

maalmihii kusoo maray

waxay mahadho reebeen

kaamaydha mashaqada

 meeshay kamaqantahay

 oma mohato laabtuye

naftu way ka maagtaaa

waxa ay kumilantahay

ama ay kumarantahay

ama ay ka muuqato

macaan kama dhamaado

dhamaan waalamahadshaa

muxubaa mataanayn

midnimiyo isku duubni le

muxubadu kanuur badan

qoraxda iyo maanshoo

duniday kamaqantahay

kamadow god hoosiyo

gudcur daaha soorogay

waa astaan maguurta ah

aadmigu kamaarmayn

mahuraanka noloshiyo

ta umudan aduunyada

maamuus dhamaantii

imisaa mu alifiin

iyo abwaano magac wayn

intuu mirtii kusoo dhacay

miyir uu salaaxee

murti uu ka tuujiyay

markuu waagu daalacay

ee ay madaxa qaadeen

ma dabaylo jaanbaa?

mooyaan wax qaadaye

la soo kacay makhluuqoo

mar qudha uun insiyo jaan

 

lagu wada madiixoo

music iyo daf loo tumay

 

by: maxamed nuur