sida ragga loo soo jiito


sida ragga loo soo jiito

Asc waxaa adag inaad sibcaadi ah u dhaqanto markaad ka ag dhawdahay wiil aad jacaylkiisa ka dareemayso laabtaada, waxa lagama maarmaan ah si aad usoobjiidato indhaha wiilkaas inaad badasho tasarufaadkaaga. Hadaba halkan waxaan kaga hadlai doonaa siyaabo lagusoo jiito wiilka aad la dhacdo ee aan war kaa hayn isagu. Qormadan waxaan ugu tala galay gabdhaha, si aan kor ugu qaadno wacyigooda ku saabsan xidhiidhka iyo is dhaxgalka togan ee bulshada.


Waxaa laga yaaba marka aad indhaha saarto qofka aad jeceshahay inaad isku dhax yaacdo , isla markaana iskagaa dhax daato hadalku, adoo awal faseexo iyo cod karnimo lagugu ogaa, ileen waa dareen baase! Waxaad u baahan tahay inaad is adkayso ood soo ceshato kalsoonidaada nafeed si aad oga dabaalan karto mawqifkan culus ee kula soo darsay. Markaad isa soo hesho waxaad ogaataa in uu saada oo kale isna yahay oo uu dareemayo kaaga mid lamid ah hadaanuu kaaba sii darayn, oo dareenku waa mid si aan muuqan isaga talaal qaata labada dhinacna ugu kala gudba si ruuxi ah.



Oga baaq isha

sii daymo isha ah oo caadi ah isla markaana ka madhan wax laga shakiyo, hadii kale waa halis inuu kaa dido hadii ay daymadaadu noqoto mid isbadal laga dareemo. Marka uu isha isagu kula helo waa inaad daymada raacisa xogaa dhoola cayn ah, lagayaabee inaad farax galiso laabtiisa, kana soo jeedso hawl walba ood ku jeedo ilbiriqsiyo. Hadu arko in ay ishaadu mar walba lasocoto dhaqdhaqaaqiisa wuxuu dareemayaa inaad ku maqantahay oo aad jeceshay. Markaad lahad layso waxaad fiirisaa indhihiisa iskana jir inaad dhinac kale fiiriso amaba hoos eegto inta aad wada hadlaysaan.


Suaalo waydiin

 Isku day inaad waydiiso suaalo aan saa usii lahayn ahamiyad, sida saacadu waa imisadii? Maanta maan habsaamy? Labiskayga ka waran? Iyo wixii la mid ah, suaalaha noocaan ah waxay fura unoqon karaan qalbigiisa, waxayna kuu furi karaan marinkii aad u aadi lahay waydiimaha aad rabto inaad la wadaagto ee jacelku dabada ka riixayo.


Hubi inay saaxiibadii ku dareemeen

Ujeedadu maaha inaad xidhiidh dhaw lawadaagto dhamaan saaxiibadiis, laakiin waa inaad ka agdhawaataa qaar kamida si aad u hesho jaanis aad ugu dhawaato gacaliyahaas ay naftaadu ku marantahay, ha u qeexin saaxiibadiis inaad rabto isaga balse ku lifaaqnow oo ahamiyad dheeri ah yaanay kaa dareemin maxaa yeelay, hadii ay ogaadaan ujeedada aad ola socoto inay halkaa qof tahay way kaa lumin karaan.

Hadii ay saaxiibadii kaa helaan waxay u sheegi doonaan wanaagaaga taasina waxay xoojin doontaa fursadaha aad kaga ag dhawaan karto isaga.

Markaad si dhaw ola saaxiibto waxay kugu casuumi doonaan xafladaha iyo munasabaadka ay yeeshaan taasina waxay suura galinaysaa inaad si fudud isu barataan.


Iska ilaali inaad asxaabtiisa waydiiso inuu kaa helay isagu iyo in kale. Taasi waxay u muuqataa inaad ku qasbayso inuu kula sameeyo xoriir aanu rabin, xataa suaasha joogtada ah ee xaalkiisa aad ka waraysanayso waxay daaha ka rogaysaa jecaylkaaga qarsoon ee aad u qabto isaga.


Ha udhaqamin sidii qof kale

Marka aad ka ag dhawdahay ha muujinin wax ka baxsan dabeecadaa oo dheeri ah, adidvu mar walba adiga uun ahaw. Aakhirka waxaad soo bixi uun tii aad ahayd cida aad rabto inuu ka helaana waa adigan uune maaha qof kale, marka ha u dhaqmin marna sidii adoo qof kale ah, si aadan mustaqbalka oga shalaayin marka uu ogaado xaqiiqadaada.


Ka fogoow hinaasaha badan

Wxa ugu xun ee xidhiidhkiina khalkhal galin kara waa isga oo kaa dareema masayr, inaad tahay qof masayr badan waxay dhankiisa ka dhigantahay inaad xuntahay, ha muujininwax masayr ah walow aad dareemayso marka aad aragto isaga oo la taagan gabadh kale, haba kala haasaawin oo hala soo hadal qaadin oo ha waydiin, yay ahayd naagtee? Maxay ku lahayd? Walaahi way fool xumayd! Iyo hadalada la midka ah, dhamaantood hadaladaas iyo kuwa lajaadka ahiba waxay muujinayaan heerka uu taganyahay masayrahaagu.


Kala hadal wacyaabaha uu jecelyahay

Dhalintu wxay ay jecelyihiin inay ka sheekeeyaan naftooda, sidaa darteed marwalba ka warayso waayahiisa , kala haasoow waxyaalaha uu jecelyahay, mustaqbalkiisa waxa uu naawilayo, kooxaha kubada kuwa uu taageero, cunooyinka uu ka helo, maalmaha fasaxa meelaha uu jecelyahay inuu ku soo qaato, safaradiisa, iwm. Suaalaha noocaas ah waxay ka dhigayaan xiriirkiina mid dhow, waxaanu kadib kuu qeexi kara dabeecadaha uu leeyahay.


Kaftanka dabacsan

Kala kaftan waxyaalo qosol ah, adoo lawadaagayo sheekooyin funny ah oo ku saabsan nolosha dhalin yarada, ahow qof furfuran, oo dhoola cadayn badan mar walba.