Ha ku xidhan nimaan ku xurmayn Waa tix xanuunka balan furka ruuxa aad jeceshahay


Waa tix xanuunka balan furka ruuxa aad jeceshahay
Ha ku xidhan nimaan ku xurmayn

Waxaa jiraa midaad qadariso

Aad qiimaysoo kaqali ah

Agtaadoo qoorta kuu sudhan

Ku qortay qalbiga iyo xusuusto

Hadana aan uqalmin maqaamka

Ka qaawan qiyamka toosan

Kaqaada qabwayni qoonsi leh

Ku quudhsada markaad qiimayso

U qaatay qiimo dheeriya

Isagu qayrkii kamudanyaha

Intaad kor uqaado darajaba


Waxaad ka siyaadsan quudhsi

Wuxu udaraa qadhaadhkana

Qalfoon Iyo dacar laqooshay

Ruxii qarbad malaba siiya

Amaantuu qalbiga siiyay

Qofkii yidhi haduu yaraystay

Muxuu qawlkiisu sheegi

Nimaanba lahaynba qiime


Bakhtiga hilibki ma quuto

Fuudkisana waan qudhqudhiyaa

Qudh iyo xaro waa tabtaasuun


Tixda 2aad

Ninkaan nabar kuyaal iyo

Nudub aan laqaybsaday

Nnkaan kaligay laasimay

Markay nacamla yaashiyo

Kacaageen nin doorkuba

Ku neceen nugaylkee

Nabadaadin waayeen

Kunagaaday kaligay

Muxuu maanta igu nacay

Oga naxàa inaan koro

Ii nabaa sidii nacab

Waayaabe nooloow

Waxaan nuxurka hadalkay 

naxwihiisa ku af jaray

Kol hadaadan diirnixin

Maalinkaan naf kaadayay

Naaxdaye kusii barar

Nasatay kunagi noqo

Noolow sanado badan

Nuug naaska kaligaaa

Ana kabaha nuurow

Isii aaan kal luude

Naxariis kaa waayaye

An noolyado hungawgo

Nabarkaa aan biirsaday

ku sii dhayo nadaamee

Nabaadiino wadarteen

Halkaasaan nasiibkaay

Aniguna kanaas hayn


Tixdii 3aad


Dhaqaale markuu yimaad

Midkood shaldhalaal aduun

Gacanta dheefyar uu ku dhigo

Udhasho maandeeq dharaar

Dhaydeeda dharaaro dhamo

Xidhiidhkii haduu dhutiyo

Haduu dabco dhaadmihii


Dhaliishu dhankay jirtaa?

Ma kaa dhargay baa dafiray


Ku dhaafay dharaarihii tagay

Haduu nimco helay barwaaqo

Haduu naq u hooray dhibic badan

Haadu niyad sami ku dheefsado

Haduu nolol helay dharaaro ah

Nishaado haduu ku toosoo

Waxay niyadiisu doontiyo

Waxay umohato naftiisaba

Noocuu doonaba haduu helo

Ninikii baahan yeelkadii dhaho

Dharaaruhu way is dhalan rogi

Nimcadu lama dhali way dhigi