Labiska Macawusta asalkeeda | dalalka laga xidho,
Macawusaha waa labis sharafeed ay guntadaan bulshadeenu, gaar ahaan haldoorka iyo culimada diinta, odayada dhaqanka, oo si wayn loogu bartay. Maanta qormadeenan waxay daarantahay, macawuusta, oon ku faahfaahin doono dhinacyo badana aan iska taagi doono, inagoo kasoo bilaabayna asal ahaan halka ay ku abtirsato ee ugu horaysay xidhashadeeda, dalalka laga isticmaalo, iyo sida ay ku gaadhay. Waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn iyana siyaabaha loo guntado oo kala duwan marka loo eego deegaanada laga xidho. Sidoo kale ujeedooyinka loo xidho iyo aragtiyaha laga haysto ee ka jirta dalalka kala duwan ee laga xidho, iyo booska ay kaga jirto liiska dharka noocyadiisa kala duwan.
Macawuseey maxaa tahay?
Macawustu waa maaro hoos-gunti oo la isku laabay oo la dhax galo isla markaana leh qaab loo laabo oo loo yaqaano guntasho, waxaana loo adeegsadaa in lagu asduro qaarka hoose ee jirka ragga. Waxay ka koobantahay noocyo kala duwan kuwaas oo ku salaysan hadba dalka soo saaray. Macawuata ayaa leh adeegaiyo kale oo kala gadisan oo ay ka mid tahay huwashada, nasashada, hurdada iwm.
Asal ahaan meeshay kasoo jeedo
Macawsta waa maro leh taariikh iyo bilaw sida dharka noocyadiisa kale. Sida ay sheegaan aqoonyahanada ka hadlaa waxyaalahan oo kale, waxay leedahay macawistu taariikh dheer oo lasoo fac tirsatay aadanaha muddo dheer, sidookalena waxay leedahay bilaw ka farsamo ahaan, iyo deegaan ay ku abtirsato.
Hadaan ku horayno taariikhda ay ay soo bilaabatay xidhashada macawustu waa
Deegaanada laga adeegsado caalamka
Waa waa qayb kamid ah hidaha iyo dhaqanka dhaxalka galay ee ay caanka ku yihiin shacabka Yemen, oo ah dharka ugu caansan, ee ay kasoo gaadheen awoowayaashood, iyo inta badan kooxaha bulshada waxay ku xaragoodaan munaasabadaha iyo dabaaldegyada, iyo aroosyada ee ku faafay inta badan gobollada Yemen، Waxaa xirta in ka badan 75% sida laga soo xigtay Xarunta dhaqanka ee Yemen, halkaas oo ay ku taal Tihama, Taiz, Lahj, Hadramout, Aden, Abyan, Shabwa, Al Bayda iyo dhammaan qaababkeeda; Si kastaba ha noqotee, waa qayb dhaxal gal ah oo isu keenta dhammaan Yemen min hoos ilaa kor, waxaana loo arkaa inay tahay xiriir ka dhexeeya dhaqamada kala duwan ee hal waddan isla markaana dhiirrigelinaya is-ixtiraamka habka nolosha kale duwan.