Waa tee salaada afara ataxiyaad leh

 


Waa tee salaada afara ataxiyaad leh


Salaadda ay afar ataxiyaad leh waa salaadda Maqribka waana jawaabta caadiga ah ee su'aashan. Laakiin sidey ku yeelan kartaa 4 ataxiyaad? 


Salaaddaha ayaa leh hal fadhi oo la ataxiyaad sado, sida salaadda laba ragcadood ah, ama laba fadhi ataxiyaad, sida salaadda inteeda kale، Laakiin waxaa dhacda in salaaddu ka kooban tahay 4 ataxiyaad salaadda maqrib markii imaamka aad kusoo gaadho imaamka salaadda iyadoo lagaa hor tukaday 2dii ragcadood ee hore isla markaana loo fadhiyo ataxiyaadka koobaad, dabadeedna aad la tukato ragcada u danbaysa, hadana aad la fadhiisato ataxiyaadka u danbeeya imaamka, kadib imaamku marka uu salaama naqsado waxaad u kacaysaa labadii ragcadood ee kaa dhinaa, markaad ta 2aad tukato waxaad u fadhiisanaysaa ataxiyaadkii dhexe ee, ka dib waxaad dhamaysanaysaa ragcadii ugu danbaysay ee salaada maqribka, dabadeedna waxaad u fadhiisanaysaa ataxiyaadkii ugu danbeeyay.


Saas ayaad ku tukatay salaad afar ataxiyaad leh. Waa ataxiyaadka 1aad ee aad kusoo gaadhay iimaaka, iyo kii labaad ee aad ee imaamka, ka markaad ragcada labaad ee tukato , iyo ka ugu danbeeya ee salaama naqsiga.