erayo jaceyl oo dareen leh

 


erayo jaceyl oo dareen leh


Eraygo waa sahanka dareenka, waa fariin sidaha ukala turjuma dareenka aamusan ee laba qof laabtooda ku kala go'doonsa.

Erayada macaan ee la is dhaafsado waa furaha qalbiyada jacaylku raxanka dhogtay. Arayga macaan waa baanta jacayl lagu dhaqaaleeyo, waana dhaymaha boogaha wakhtiga hagar daamooyinkiisa lagu dhayo.



Erayga wanaagsan ood walaalkaa ku tidhaa waa sadaqo, sida ay diintu ina barayso, waxaana laga maarmaan ah in lagu ilaaliyo calaaqaadka dhimrin iyo weedha wanaagsan ee leh dhadhanka naxariiseed. Hal eray ayaa kuu soo dhawayn kara qof inta qoraxdu kuu jirto in le'g kaa fogaa, isla hal earay ayaa kaa dheerayn kara qof ku milaa noloshaada naftaadana kaaga dhawaa.


Waxaan kuu hayaa erayo aad u macaan oo qaali ah oo an dartaa u soo ururiyay aqriste, waxaanan kaa codsanayaa inaad mareegta Xogwaranplus.com, ku taageerto booqashadaada hadaad awoodana aad la wadaagto asxaabtaada adoo ku mahadasan.


Q.1aad erayada macaan ee loo adeegsado lamaanaha


" sannad galeedka marku dhamaado meel kasta Waxaad ku arkaysa happy new year Caawana lama moodaba sannad cusub, waan fogaanay ee Alle hayno gargaaro.


Iga raali noqo aad baan u mashquulay waa been waayo qofna waqti uma waayo qofka muhiimka u ah.


Marka aad qof si dhab ah u jeclaato waxaad ku wareereysaa sida aad u soo jiidan lahayd qofkaasi, waxaad isku dayeysaaa adeeegsiga erayo naxariis badan gaar ahaan kuwo qalbiga taabanayo. Intaa waxaa kuu sii dheer in qofkaasi aad la jeceshahay erayo macaan kuwii ugu dambeeyay, hadana waxaad dareemeysaa in aadan u awoodin.


"Indhaheenaa nuurka isa siiyoo

Waxaan nahay laba nolosha

Isa siiyay"


"Anigaa bukoo jaceyl

La jiranee maxaan

Idin qoraa ma qalbigaan

Idin soo sawiraan 

Xaalkeyga siduu yahay".


"Waxad arkeysaa nafku  riyaqsan misene aad labta galinkarin waxad arkeysaa indh ku ilmeynaya oo aad ka tirikarin ilinta waxad arkeysaa adigoo Tilaab qaday misane aad goosha Garin cakuyee jclku xanun badana"


"Indhahaada waxana ka dhex arkraa

Dunidii aan jeclaa inaan ku noolaado, qalpigaadane wuxuu noqday halkii aan Ku noola".


"Jacaylku waxa uu Guuleysta marka ninku tanaasulka badiyo,Gabadhuna Dulqaad badnaato.

Khalad, isfahan la'an, cadho intupa way imankaran Lkin waa in Laysku tanaasulka oo la is RaaliGaliya "


" waqtiga iyo dareenkuba waa waxa ugu quruxda iyo qiimaha badan ee aad siin karto qofka aad jeceshahay!"


"Ugu danbeyn waxaa helay qof eysan nakala geyn karin duruufaha nolasha iyo waqtiyada adaa".


"Gabadha uusan waligiis hilmaameynin ninka raga ahi.


1: mida inta uu iyada lajoogo dareensiisa farxad.


2: mida dareensiisa jaceylka ey uqabto.


3: mida uu ka arko Rabitan badan.


4: mida difaacda Marka uu maqan yahay.


5: mida sharaftiisa ilaalisa.


6: mida ka ilaalisa waxyaabaha dhiba/uu naceb yahay".


Jacaylku wuxuu dhadhamaa, oo ay quruxdiisu soo if-baxdaa marka aad hesho ruux kuu jecel sida aad u jeceshahay. Ruux aanad agtiisa wax qalo ah ku dareemayn, si kalsooni iyo kalgacayl leh na aad wakhtigaaga ugu hureyso.


Q.2aad erayada macaan ee loo adeegsado bulshada guud


"Marmarka qaar dhibaatadu waa waxa aad u baahan tahay in aad wajahdo si aad u noqoto qof guulaysta."


Dadka caqliga yar waxa ay unoolyihiin si ay wax ucunaan Balse Dadka caqliga badan waxey wax ucunaan si ay unoolaadan.


:Subax kalo qurux badan Iyo warqad kalo cad oo rabta In lagu bilabo qoral cusub".


"Habeenkii Ii Seexo Miyaa Lagu Dhahaa Mise Markaad Lafahaaga U Daashid ayaad  Iska Seexataa,?"


"Jeclow qof qalbigaga  ilaalinaya oo anan marnaba ku ciyaaren.

Qalbigaga ma ahan garoon kubadeed oo xiliga la doono lagu ciyaari karo". 


"Ku raaxayso noloshaada si kasta oo ay kuugula muuqato,

laakiin markay noloshu ku siiso kun sabab oo aad u ooyso, 

tus aduunka inaad haysato milyan sababood oo aad u dhoola cadayso".


"Marabo inaan qofna wax u caddeeyo, kaliya waxaan doonayaa badqab gudhayga ah".


Caqabaduhu ma ahan iney ku joojiyaan, haduu gidaar ku xanibo dib ha uga noqon oo ha quusan, Hel si aad ku fuusho, hadii aanad fuuli karin hel si aad uga hoos baxdo, hadii aanad ka hoos bixi karina hel si aad ku agmarto.


Murugada murugadeedu waa marka aad weydo cid aad murugadaada u sheegto.!!