cali dhuux iyo gabaygii huroyay guba

 

cali dhuux iyo gabaygii huroyay guba


Waa abwaan caan baxay oo magaciisu suugaanta soomaaliyeed kaga yaalo meel sare. Waa hal abuur gabayadiisu saamayn wayn ku lahaayeen bulshawaynta ku nool gatiga siomaaliyeed daraf ilaa daraf.


Waxay ahaayeen fabayadiisu kuwa mar walba dhaliya xiisad, iyo dareen guud. Waxay ahaayeen maansooyin isugu jira, tirtirsi, guluf iyo colaad xanbaarsan, qaylo dhaan, dhaqan, calaacal iwm.


Maanta waxaan idinla wadaagaynaa gabay ka mid ah maansooyinkii uu ka tagay abwaanku  isla markaana raadka kaga tagay taariikhda soomaaliyee. Waa maansadii hurisay colaadii dabada dheeraatay, furahana u ahayd sisiladii dheerayd ee la magac baxday guba.



(Qaaf ku dhigo looxa)


Qudhmis iyo Qaroorweyne iyo, ilaha Qaansoole

Qawdhaha kabaxay Tuur-Wareen, Qararo baasheeda

Qaadhaha Madheedhkii lahaa, quruxda Reenweyne


Qoda Dhagaxley qooriga Haye iyo, tuban Qalaalkeeda

Qotankii Yamayskiyo kobtaan, qadow ku beeraynay

Nimankii qusuusiga ahaa, Qoran madaajaane


Qaandhaawadii kuma lisaan, qamaca jiilaale

Qorog buuxa agaan qafilan, qabaxsan maayaane

Qiyaas caanaheeda oo dhanaan, kuma quraacdaane


Qol dugsoon intay jiifsadaan, qabay ma fuulaane

Qadhyad gabadh ah qaalida waheen, lama qadeeyaan e


Intay qalab magaalo u xidhaan, kula ma qooqaane

Qarashyaalihii lama dhacaan, qirada fiiqnaaye

Qosolkii iyo haasaawihii, ku qarxinmaayaane


Qarafa awra ah kama sooraraan, qaran Ogaadeene

Qawad laabta joogiyo xarago, lama qammaadaane

Intay qam isku siiyaan hagoog, qabay masheegtaane

Dhalinyaro qabiibi ahi fardaha, kuma qadhaabtaane


Sange qaarar weyn iyo darmaan, qooqin ma hayaane,

Ashkir qaayib iyo xamar qoodh qabiyo, qalas ma fuulaane

Baroor qadan leh oo aad midabka, qad iyo laasmoodo


Qolqol uma dhisaan geed intay, qun ugu waabaane

Qol kujire qasaaraha rogaal, uma qalqaalaane

Intay qoorta kaga weeciyaan, kuma qateeyaane

Hadba qolo intay weeraraan, kagama qayshaane


Waalagu quwayn jiray bahday, qaabka boolida e

Qaankiisa oo tuban hadii, la qoodeeyo waa geele

Qaynuun amaan duule iyo, qarad masoocdaane



Naag yahay aduun iga qariban, quusna waan ahaye

Qab baa madaxa kaa buuxa oo, waad qadhaadhahaye

Waxaan la qar wayaa laylka dhexe, qoomamo iyo ciile


Ragii aniga ila qayr ahaa, qoladii Reer Jaamac

Qormadaad ogeyd baan lashiray, amase qoorwaaye

Qabiilkii ku guursaday lamadhi, Qoonkii Reer Gorode

Maantana qudhayda iyo Cabdoo, Qaawan baa hadhaye


Qarigii Ogaadeenka yaal, qaraxii Doofaare

Iidoor qareen kama dhigteen, qaatay halihiiye

Hadba qolo waxaan ula degaa, waa qariibnimo e


Qalbi hadii aad leedahay asaad, qaadan taladayda

Qaydada Ilaahay kutimid, Qaadir taladiisa

Qawlkii Rasuulkiyo sharciga, hays qilaafina e

Qaatumadu yay kaa xumaan, qirada diineede

Qaybtaadii soo laasataye, qaafku dhigo looxa