Kii Ugu Cajiibka badnaa Ee Laga qoray Qof marxuum ah intuusan dhiman


Dardaaran Kii Ugu Cajiibka badnaa Ee Laga qoray Qof marxuum ah intuusan dhiman
                    

" Waxeey tiri Si fiican U dhuux Waxa Aan qorayo

Geerideeyda Kama Wal Wal qabo 

Muhiimad Weeyn  iima laha , Sida jirkeyga U baaliyoobi doono.


Muslimiinta Sida Caadiga ah Marka Qof dhinto Loo Sameeyn jiray Ayeey igu sameeyn doonaan dharka ayeey iga bixin doonaan , Weey idhaqi doonaan  Markay i Karfaniyan Ka dib gurigeyga iga soo Saari doonaan Waxeey Ii Kaxeeyn doonaan Gurigeyga Cusub Ee Qabriga 


Dad badan ayaa tacsiyadeyda imaan doona Bal qaarkood Balamihii iyo Shaqooyiinka ay lahaayeen ayeey aniga darteey U soo deyn doonaan Si ay Meydkeyga U soo raacaan Ka dib Duugteyda uga qeeyb qaataan. 


Dadkaas Sidaa U tirada badan Maalin intaan Noolaa Hal mar Ma aysan isiin Nasteexo Wax Ka tari doonto Geerideyda bacdigeed Kheyr ima aysan fari jirin Alla ima aysan Xasuusin.


Wax yaabaha intaan Sariirta Meydka Saaranahay Laga Takhalusi doona Waxa Ka mid ah......

1.  Furihii Qolkeyga

2.  Buugaagteydii

3.  Boorsadeeydii 

4. Kabaheeygii 

5. Mobilkeeygii Qaaliga ahaa 

6. Dharkeygii 

Dhamaan intaan Qabriga tagin ayaa lakala qeybsaday.

 

Xitaa Haddii ay ii Sadaqeyn lahaayeen Wax beey ii tari lahaayeen Oo #Camalka ayaan Ku kaban lahaa 

Xoolaheygii Aan intaas Soo tacbaayay Waxaa lagu Kala dhaxlay maalmo gudahood Ha badnaadan ama ha yaraadan Xisaabtoodana Aniga ayeey I sugeysaa.


Markan dhintay Waxaa Ugu horeeyo Ee iga dhacaaya Dadkuna Dhaqso U badali doonaan Waa #Magaceyga.

Qolka Anigo Ku jiro Ayeey dadka Oran doonaan Away #Meydkii ? Waan Maqlayaa Laakiin Ma Oran Karo Waa ikan  Bal Magaceygii Saacad Ka hor leygu Wici jiray meey igu Wacaan.


Markeey Rabaan in ay Salaad Igu dukadaan Waxeey i Oranayaan Aaway Janaazadii.?Bal Meey magaceyga iigu yeeraan.

Markey Luxdiga Qabriga i dhigayaan Waxeey igu Oranayaan Meydka Wajiga Ka feyda.

 Meydka Bal Meey Magaceyga iigu yeeraan .


Sidaa darteed Ma aheeyn ineey isiraan Ama Aan ku sirmo Nasabkeeygii iyo Qabiilkeygii Aan Ku faani jiray Maanta Magaceyga Kaliya in ay Ku dhawaaqaan Xitaa iima quuraan.


《Intaasi Waa Tusaalo Balse Xaqiiq ayaad U Arki doontaa Maalin Maalmaha Ka mid ah;》


Qofka maanta Noolow ,,,,,, Ogow Murugta Ku sugeyso Waxeey U qeybsami doontaa ilaa Sadax qeeyb Oo Kala ah:


 1: Dadkii Kuu aqoonsanaa inaad tahay Nin Karmeet ah Xoog iyo Karti badan Waxeey Ku Oran doonaan Yaa Miskiin .


 2: Saaxiibada Waxeey Kuu murugoon doonaan Saacado Maalmo Xitaa Isbuuc iska dheh Ka dib Sheekada Weey Ka bixi doonaan Qosolkooda ayaa dhici doona.


 3: Murug Aad U daran Oo laga dareemi doona Guriga Aad Ka baxday iyo Ehelkaagii Maalmo Isbuuc bilooyiin Xitaa sanado Ka dib Waa lagu Hilmaamay Waxaad galeeysaa dadka Mar Mar La Xasuusto .


 Xisaabtaadii Aduunka Halkaa Ku dhamaatay Waxaa bilaaban Xisaabtii Aad Aakhiro ku laheed.

Xoolo Ma lihid Quruxdii Waa Kaa dhamaatay Owlaad iyo Caruur ma lihid Caafimaad Haba Sheegin Waxad Ka tagatay Daarihii dhaadheeraa Aad dhistay Xaaskaagii Ninkale ayaa qabo Ama Ninkaagii Naag kale ayuu qaatay.


 Kaliya Waxaad Maanta haysataa Camalkaagii Wanaagsanaa Su,aasha Hadda taagan Waxeey tahay Ma heysataa Maanta la jooga Camalkaas Beri Ku anfici lahaa.? 

Maku dadaashay Salaadaha faralka.

Sunooyiinka Sadaqada Sirta ah Salaadda Habeenkii Loo istaago mise maya.?


Qofka Marka Uu dhinto Muxuu Ugu Calaacalaa Rabiyow Haddaad dib Aduunka iigu celiso Waan Soo Sadaqeynsan lahaa.

قال تعالي: [ رب لولا ءخرتني الي اجل قريب فأصدق ].

Maxeey tartaa Sadaqada Uu Qofka Dhintay Ku arkay geeridiisa ka dib.?


Muxuu U dhihi Waayay Waan soo Xaji lahaa Waan Soo Salaadi lahaa Waan soo soomi lahaa.


Culimada Waxeey yiraahdeen Waxaa U sidaa U yiri Ka dib Markii Uu arkay Weeyninka ay leedahay Sadaqada iyo ajarka laga helayo Oo tiro badan " War Ka faa"ideyso Wax bixi Hadda.


Qoraalkan Oo Allah dartiis U faafiso ayaa Ka mid ah Sadaqada Waxaa dhici Karto Qof Aad U Share gareeysay Qoraalkan in Uu wax bixiyo...


 Adigaana Sabab U noqday Halkii Xasano Waxaa Laguu laba jibaaraa 10jeer .


Waa Amaano dushaada Saaran Qiyaamane Waa lagu Weeydiin"  Fadlan Qoraalkan U dir ilaa 5group Aad Ka mid tahay  Kalmada Wanaagsan Waa Sadaqo Haddaad dhameysay Aqriska  plz  Alla Xuskiisa badi.