Markaad qof niyada ka jabiso maxaa dhacaya| Waligaa qofna qalbigiisa ha dhaawici


 Markaad qof niyada ka jabiso maxaa dhacaya| Waligaa qofna qalbigiisa ha dhaawici




Boqor ayaa ku soo laabtay qasrigiisii habeen roob da’ayay oo qaboow darani uu jiray. Waxa uu albaabka qasriga ku soo maray mid ka mid ah ilaalada : waxa uu ahaa oday, dharkiisuna waa ay jilicsanaayeen oo dhaxanta iyo qabowga ayuu la gariirayay. 


Boqorka ayaa ka soo ag dhawaaday, isaga oo weydiiyay : miyaadan dareemayn qaboowga adeer ? Aad ayuu u farxay duqii, waxa uuna niyaddiisa u sheegay in ducadii xaaskiisa la aqblay, dhibkii uu u adkeysanayana uu ka baxayo. Waxa uu ku jawaabay, ha aboqorkeeygoow. 


Boqorkii waxa uu yiri : waxa aan kuu soo 

dhiibi doonaa marka aan gudaha galo wax ku farxad geliyo. Aad ayuu u sii farxay waardiyihii, waxa uuna sugayay jawaabta boqorka.


Laakiin boqorkii marki uu galay qasrigiisi, waxa uu ku mashquulay carruurtiisii, waxa uuna hilmaamay ballankii. 


Subaxdii waxaa la helay odaygii ilaalada ahaa oo dhintay, agtiisana waxaa laga soo qaaday warqad uu qoray isaga oo gariirayo qaboow dartii, oo leh ;


“Mudanahaygiyoow, boqoroow, waxa aan u dulqaadan lahaa qabowga, sidii habeen walba ba, laakiin ballankaagi oo iiga tagay diirranaan iyo farxad ayaa iga qaatay adeegaygi ina dilay, waxa uuna I illoowsiiyay ballankaagi ducadaydii marwalbo oo ahayd Ilaahoow kuma kalsooni ilaa naxariistaada ”!.


Waa ay u fududeyd boqorka in uu ballan qaado, in waardiyaha uu u soo dhiibi doona wax uu kaga gaashaanto qabowga roobka, laakiin waardiyaha ballankaas waxa uu u ahaa rajo uu ku sii noolaado, wax weyn ayuuna uga dhignaa ballanku. 


Marar badan waa ay fududahay ballan qaadista arrin aynu u ballan qaadno qof, balse ma is weeydiinay heerka ay ka joogto qofka aan wax u ballan qaadnay, ama waxa ay uga dhigan tahay ballan qaadkeennu.


Canugga aad u ballan qaadday in aad u soo iibin doontid shukulaatada, waxa uu ballankaas uga yaallaa meel weyn, ee intaad dhayalsatid ha niyad jabin.


Ardayga aad u ballan qaaday in aad siin doontid abaalmarinta, ka dib markii uu sheegay jawaabta, inta hilmaamtid, ha niyad jabin.


Maskiinka inta kuugu yimid goobtaada ganacsi, aad u sheegtay in aadan wax hayn balse aad berri siin doontid, haka dhigin ballan qaadkaas in aad iskaga dirto uun oo haniyad jabin !.


Haddii aadan awoodin oofinta ballanka, marka hore ba ha qaadin ballan, si aadan u dhaawicin qalbi—ogsoonoow in qalbiyada dhaawacu gaaraa mararka qaar ka daranyahay kuwa gaaro jirka, loona dhinto xataa.


Ha noqon mid niyad jabiya dadka, iskana ilaali in aad adigu noqotid kan farriintan laga qoray: “Waxa aan kuu sheegay in aan xanuunsanahay waxa aadna ii ballan qaaday in aad ii imaan doontid .. laakiin …!”. 


Farriintaas ayuu faray in lagu dul dhejiyo qabrigiisa, waxa uu sugayay imaanshaha iyo soo booqashada saaxiib ay aad isugu dhawaayeen, una ballan qaaday in uu u imaan doono, farriintuna isagaas ayay ku socotay. 


Adiguna iska ilaali in qalbi bani aadam dhibaato u maro ama xanuun la dareemo dartaa. Ha hilmaamin in ay tahay cibaado weyn kabista qalbiyadu.


References 

Abdullahi, A. (). iftiinka qalinka. p.56 - 57.