Alla bari cajiib ah oo af soomaali ah


Alla bari cajiib ah oo af soomaali ah

Yaa,Qawiyu Yaa,Matiinu Yaa,Khayra Qadiirin Waqbid'Qabdan Shadiidan Man Arada Qabdana. Amin amin Jamican.


Illaahii nabbigiisii Ibraahiim CS Goortii mushrikiintii dabka ku tureen isla dabkii ku badbaadiyay, ee goob aamina uga yeeloow.


Illaahii nabbigiisi muuse CS Hooyadii amray inay badda ku tuurto! Ee isla baddii ku badbaadiyoow.


Illaahii nabbigiisi Yuusuf CS goortii Ceelka ay ku tuureen walaalihiis, ciiddan ooman u keenay ee isla ceelkii ku badbaadiyoow.


Illaahii nabbigiisii yuunis CS Saddexda mugdi dhexdiisa ugu gargaaray ee Nibirigii liqay isla isagii ku badbaadiyoow.


Illaahii Nabbigiisii Muxammed صلى الله عليه وسلم Habeenkii Dhagarta Mushrikiintii Qureysheed Ka seexiyay ee ka indha saabay ee nabbad-galyo korkiisa ka yeellayoow


Rabboow Ergo ayaanu kuu nahay Duco ayaanu awoodnaa Waadna ogtahay Xaalada walaalaheen falastiin iyo axwaashooda Adigaana Nooga Naxariis badan Maatida iyo maxasta Gantaaluhu ku dhacayaan, Oo adigaa Nooga Aqoon badan Sida sharaftooda iyo wanaagoodu ku jiro. 


Rabboow waxaanu kuu taagnay gacmaha Adiga ayaa ah mid ka xishooda addoonkiisa oo gacan madhan inuu ka laabto


Rabboow Waa Habeen barakaysan Oo baryadaadu Nagu waajib tahaye Rabboow kaaga warami-mayno Culayska iyo cadaadiska haysta addoomahaaga Kor u dhawaaqayee Rabboow Gargaarkaaga mooyee ma jiro Garab kale Oo lagu tiirsadaaye Rabboow Naga ajiib baryada oo Guusha ka yeel dhankooda amiin amiin Jamican 


 آمين يا أرحم الراحمين