Heestii "waa boqol yahuuduye" ee Xasan aadan samatar oo bqoraal ah


Heestii "waa boqol yahuuduye" ee Xasan aadan samatar oo bqoraal ah

Waa hees muujinaysa wacyiga soomaaliyeed heerka uu gaadhsiisnaa, iyo xiliga ay soomaalidu dareentay halista yahuuda ee ka dhan carabta. Waxaa aad looga hadal hayaa heestan dhamaan dunida kadib markii ay soo gashay khadka, iyada oo loo turjumay afafka qalaad. Heestan oo uu ku luuqeeyay hobalka wayn ee Soomaaliyeed xasan Aadan smatar ayaan iyada oo qoraal ah halkan kuugu soo gud binaynaa.

MIDHAHA HEESTA

Israaiil Ma Boodeen 

Bari Dhexe intuu Dago 

Birta Kuma Afaysteen

Waa Boqol Yahuuduye

Rag Baa Biirinaayoo

Baarka Ufidhaayee 

Barqo Laguma Gaadheen 


Bada Kuma Ciyaareen

Barbaarada Ma Laayeen

Hadaan Muruqa Buuxiyo

Isticmaarku Baal Jirinnon

Bayda Ugaraaceyn 


Waa Bahal Gumaystuhu

Kala Baahsanaantiyo

Baylahdaada Jeceloo

Markuu Baadka Kula helo

Kaa Buga Qaniinyada

Uurka Kuu Dhex Gelayee

Bushumaha Dushoodiyo

Been Weeye Nabaduye

Baaruuda Qiiqdiyo 

Bunduq Weeye Duniduye

Afrikaay Isbuuroo

Isasoo Bahaysoo

Ninka Baal Uleexdana

Basar Wax ugu Sheegoo

Ku Ballama Dagaal 


Israa,iil Ma Boobeen

Carab Uma Badheedheen

Nabad Kuma Bariisteen

Baytkii Ilaahiyoo Swt

Barxadii Rasuulkii Scw

Waxaan Loo Banayniyo

Bakhti Kuma Dhex Kariyen

Kaara Kuma Burburiyeen

Bili Kuma Ciyaareen

Hadaan Muruqa Buuxiyo

Isticmaarku Baar Jirinon

Bayda ugaraaceyn 


Bushumaha Dushoodiyoo

Been Weeye Nabaduye

Baaruuda Qiiqdiyo

Bunduq Weeye Duniduye

Afrikaay is Buuroo

Isasoo Bahaystoo

Ninka Baal Uleexdana

Basar Wax Ugu Sheegoo

Ku Ballama Dagaal