Amaan faaduma rasuul calayha salaam

 Amaan faaduma rasuul calayha salaam


Madad iyo anwaar gabadhuu Mukhtaar dhalayee malabeey macaaneey midigta noo fidiyee


Ashrafeey adoon ku raboo ilmeenaayoo kuu oo manoo aragaaga goobaayee indha deereleeyey udugii Nabigeenaay noo soo istaagoo aabe noo geeyee


Bacdigaagii baan nahay ruux lasoo bixiyoo kuu baahanoo ebedkood begsooneenee Bilaneey Bashiir gabadhuu barbaariyayee noo keen bureeqoo samaada noo balaqee


Timirtii Fardowsaay toosantii Nabiyeey taar baan diroo mana helin inuu tagayee na tartiibiyoo garabkeena taagnaaw oo taysiir ka yeel wixii aan kasoo tagayee


Jirka way xanuunaa jawhartii Nabiyeey dhinacaan u jeestaba waan jaleecaayee jahadeydu waa janadii anoo tagayee jiiraan na yeeloo  jeebka ina galiyee


Xubbi baan qabaa oo waan xanuunsadayee xaalkeygu waa xajka inaan dawaafaayee xajaradaa baqiicna  na kusii xariirtaadoo xalasoo xarmoo xirsigaaga noo galiyee


kheyrkeed ka weyneey qurux dhammaytiranee qorax soo baxeysiyo qamar ka nuur badaneey qoyskaad ka dhalataan qaali kaa doortee qowlkaan niraahnaba qalinka noo saaree


Daafahaa madiinaad yaa kusuu daga oo kuna sii durkoo Nabigeena daawadayee  daganeey allow diracaaga yaa gala oo ku dabaasha oo diibkaaga soo hela ee


Dahaboow waxaad tahay dowladaan dhicinoo loo daarayoo dunidoo dhan kala gaartee anaguna waxaan nahay doqon ku doondoontee hadda soo dagoo danaheena feermeeyee


Rasmi maleh adduunyada waa mid raad go'anoo rahan baa nahoo nafta waalan soo rarinee Ruuneey nagee  roogii cagaarnaayoo Rabbi iyo Rasuul rilahooda noo keenee


Sifihii Rasuulkaay suuradii Nabiyeey silac iyo rafaad gabadhaan ku soo korinee sayidoow sufuuf taan sacabka wada mariyoo ka sifee dunuubteey soo sameeyeenee


Sharaftii Rasuulkaay shaatigii Nabiyeey Shan kunoo malyuun gabadhii ka sharaf weyneed showqaaga hooyoy inaa sharaab siiyoo shiikhaan jecleen shaarkiisa noo gogolee


Dhulka loo socdaa waa meel dhibaataahoo ruuxaan dhigaal wadin wuu dhawaaqaayee Dhooleey axbaabtii dhabarka wada saaroo aan soo dhunkoonee Nabiiga noo geeyee


Dhaar wuxuu  ku maray Rabbi inaan dhammaaneynoo dhimashadaa xaqaa ruux aan ladhaafeynee dhalinyariyo waayeel waa lasoo dhuriyee ka dhaqaaq wixii xasanaad ku dhaafinayee


Cajil noogu deeq  curadii Rasuulkeenaay  ciilaa jiroo madxigaagii caashaqayee ciidaan ku nool nahay  cagaaha soo saaroo noo soo cadee inaan caashiqiin nahayee 


Gaardiyey habeenkii goorta aan kaco oo geylahaa wareegaa waan ku goobaayee gabagabaadu sheykada waa galin kaagee gabadhaa inaan nahay galabta soo sheegeeyay 


Faadumaa Rasuuleey foolashii Nabiyeey fiid iyo dharaar gabadhaan ku faantamayee Fooseey Burhaan farxadeedu waa adigee fasaladaa naciimaa noo firaaqeeyee 


Quruxeey  Illaah baa qaniiga kaa beeroo quruxdii khadiijaad qiimaheed tahayee nuuraan qarsooneen baa laguu qubayee qamareey wax naga sii aan qabow sanayee 


Koron koro sideedii keenta aan galayoo kici waayayee cishqi baan laku lulaadee Kariimoow illaahoow hooyo noo keenoo nagu sii karaamaan koonka lagu aragee


Liibaan waxaa hela ruux lillaahiya oo leylkii markey tahay qoorta laa laadshoo leyliyo naftii soo aan balaameereen laladaan adduunyada laabta raac siinee


Maashaa Allaahiyo waa macquul Nabiyoow marag waxaan ka ahay madax sare inee tahayee  maskaxdiyo qalbiga Muxubooy adaa dagayee mirihii Fardowsaad maanta noo keenee 


Nabad iyo wanaag gabadhii ku noolaatoo nasrigeedu uu yahay nuurka Nabigeenaay noocaaga oo kale noola kuma aragee nafta raaxadeedaay Nabiiga noo geeyee


Wacdi baan dhageystoo culuumo weydiiyoo waligeey ma maqal gabar kaa wanaag badanee weedhaad tiraahdaa nagu waraab siinee weynoow nagee wajigeeda nuurka lahee 


Howl Kale ka haajirey hooyo mooyaanee hala dhalad sideedaa hoon  kuwada yeeree hablihii dhammaantood way  habsoomeenee habar wacaashadeenaay hiilka nagu siiyee