Muslimiintu maysan xasuuqin 300 milyan oo ku noolaa ameerika ee waxay ahaayeen...


Muslimiintu maysan xasuuqin 300 milyan oo ku noolaa ameerika ee waxay ahaayeen... 

Ma ahayn muslimiinta cadda laysay 20 milyan oo ka mid ah dadkii daganaa Australia, balse waxay ahaayeen ingriiska.


Ma ahayn muslimiin, ciddii hurisay dagaalkii 2aad ee aduunka, ee galaaftay nafta 60 milyan oo qof, waxay ahaayeen jarmal.


Ma ahayn muslimiinta kuwii ku dhuftay gantaalada nukleerka magaalooyinka heroshima, iyo nakazaki ee dalka jabaan e ku laayay boqolaalka kun daqiiqado kooban, ee waxay ahaayeen maraykan.


Ma ahayn muslimiin kuwii ku layaay 150 milyan oo hindada cas ah konforta iyo waqooyiga ameerika, ee waxay ahaayeen reer Yurub iyo ameerikaan.


Ma ahayn muslimiinta kuwii afduubtay in kabadan 180 milyan oo afrikaan ah ee u qaaday wadamadooda ee adoonsaday ee waxay ahaayeen reer Yurub iyo ameerikaan.


Ma ahayn muslimiin , kuwii dilay 1 milyan oyo badh dad ah intii lagu jiray halgankii xornimo doonka Algeria iyo hal miyan oo ciraaqi inuu socday dagaalkii ciraaq ee waxay ahaayeen ameerikaan.


Ka dibna waxay naleeyihiin waxaan nahay indhaha xadaarada iyo ilbaxnimada. Waxay naga dhaadhicin rabaan inay yihiin nabad doono sama ka talis ah. Qareeno u dooda xuquuqul insaanka . Kaba sii darane, waxay doonayaan ninay oo sawiraan inay argagixiso yihiin dhawr wiil oo ka gadooday, dulmiga 70tan jirsaday ee lagu hayo dadkooda. Ku diriraya hanbadii ka hadhay dholkooda la dhacay. Inuu islaamku ku yahay halis nolosha bini aadamka.