WAA MAXAY JACEYL AMA KALSOONI


WAA MAXAY JACEYL AMA KALSOONI


Waxaa muhiim ah inaad ka jawaabto suaalahan soo socda :


hadii lagu weydiiyo oo lagu su,aalo oo lagu dhaho waa maxay jaceyl maxa ku jawaabi lahayd iisheeg.

S.waa maxay jaceyl?

J: jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raaxmo leh oo  marna lays saluugayn

waa maxay kalsooni

S.waa maxay kalsooni?

j: sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa tan isku keenta laba qof waana tan kugu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid

waa maxay xishood,

S:waa maxay xishood?

j: xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacayl dhab ah iyo nolol wanaagsan

S:Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la’aantaa ma noolaan karo?

j:waxay u yidhaahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go’in

S: ma marka ka heli taanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?

j:su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan

S: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?

j:dhibaatooyink lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha

S:dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?

j:waxaan jeclaan lahaa in aad su’aashan ka soo jawaabtaan idinka oo mahadsan

S:maxaa sababa in qof qof kale u ilmeeyo ha dii uu ka diido jacaylkiisa?


j:waxaa sababa dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta aha ee uu soo bandhigay

S:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhig lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?

j:fadlan su’aashan waxaa mudan in aad akhristaw ka soo jawaabto si aan u ogaano fikradaada

S:adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah u hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?

j:runtii tix gelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday

S.hadii aad jeclaatid inan misana si lama filaan ah walaasheed ama inan ka mida ah qoyskeedu kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay

j:akhristaw waxaa haboon in aad nooga soo jawaabto waxaad sameyn lahayd hadii taasi kula gudboonaato

S:hadii aad jeceshahay qof misna aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd?

s:rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga

S: weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ?

j:sidoo kale su’aashan adigaa xaq u leh in aad ka soo jawaabto