Ila qosol sheekooyin maada oo gaagaaban


Ila qosol sheekooyin maada oo gaagaaban


Dadka qalaad waxay qabsadaan xafalado ay ku kulmaan ehelku wax shanqadh ahna maqlimaysid. Soomaaldana labaa isu imaán markaasaa sakkada shanaad laga maqli yoonka.


Habar wayn ayaa waydiisay duq jidka iska maraya: dhabankayga kawaran?

Wuxuu ugu jawaabay:

Waad shidantahay, laakiin xoogaa kaawiyad ayuu ubaahanyahay!!!


Nin bakhayl ah ayaa naagtiisii ku yidhi: 

Ma waxaan ku siiyaa lacag mise teleefankayga?


Markaasay fakartay ooy is dhahday kolay shilin ama laba ayuu ku siin e teleefanka dooro. Dabeed waxay tidhi: teleefanka isii. Kulaha qoro 0600.


Xasuusin::

Markaad sawir la galaysid ruux aadan jeclayn xoogaa ka durug si aad hadhow u awoodid inaad kala jarto labada sawir.


Ninkeedii ayey ku tidhi: 

Dhakhtarkii ayaa igu yidhi si aad uga caafimaado warwarka, madax xanuunka, diiqada, iyo wareerka waxaad u baahantahay inaad dalxiis u aado xeebaha badda mudo 7aad dhan, tobaad kalena buuraha , todobaadna diyaarada ku safarto, ee xageed xabiibi ii kaxayn?


Kulahaa: dhakhtar kale !!


Naag fool xun ayaa u keentay teleefankeedii farsamayaqaan. Waxay ku tidhi teleefankan ma shidmaayo ee ciladoisa fiiri.

Intuu iyada fiiriyay ayuu ku yidhi: maad isku sawirtay?


Ruux kasta oo ku bilaaba hadalkiisa soo dhawoow kuma jecla. Hadalka wasaarada arimaha guduhu waxay ku bilaabataa walaal waxayna ku danbaysa 20 sano oo xabsi ah.


Waxaa la waydiiyay maxaad u qaban waydaa lanbarada aadan garanayn?

Kulahaa, waxaan ka baqayaa inuu noqdo midaan garanaayo!!


Dameer ayaa ku bakhtiyay masaajid hortii. Imaamkii ayaa wacay dawlada hoose . Maayrkii ayaa ka qabtay ,markaasuu sheekhii ku yidhi: dameer ayaa ku bakhtiyay misaajidka agtiise shaqaalihii nadaafada noo soo dira ha naqadaan dameerkee. Maayorkii ayaa isagoo la kaftamaya ku yidhi: sheekhoow culimadaa maydka maydhi jiray oo así jiray maaha?


Sheekhii wuxuu ugu jawaabay : waa runtaa , laakiin waxaa waajiba in maydka Tolkeen la ogaysoiyo intaan la aasin si ay ugu samraan!!!


Dignin! 

Waligaa ha lawadaagin sirahaaga wadaadka khubada jimcada ka akhriya masjidka khudbada.  Markuu wuxuu sheego wuxuu ku leeyahay, nin jameecaadka ka mid ah ayaa ii sheegay qiso dhax martay isaga iyo xaaskiisa wayn oo cajiib ah…. 


Sanada 2024 Aabo nacnaca qiiqa isoo gad.


Maxaan itixaanka baasaa cashir kalaa ii socdee!!


Nin boolis ah ayaa masaajid sucuudiga ah galay. Hindi ag fadhiyay ayuu waydiiyay: maxaa ka hadhay aqimidii ? Kulahaa : labo bilood!! 


Xariif ayaa lagu yidhi :waxaan lacag u ururinaynaa dayr lagu dhiso xabaalaha ee ku darso. Kulahaa: naga dhaafa ciyaarta walagayba ma arag mayd xabaal kasoo basadas e!!



Gacan qoosh leh ayay ku dhirbaaxday miskiiiin


Ninkii sameeyay qorigan afatiisa caruurta ahba uu u aroosay hal xabadana kor uma ridin farxadoodii.



I tilmaama waa wareer walaahi


Musuqmaasuqa waa lagu soo dhalanayaa qarnigan.

Tu yar oo 5 jir ah ayuu aabeheed siiyay 10 shilin . Markaasu ku yidhi ,orod oo walaalkaa soo fiiri muxuu qabanayaa. Walaalkeed ayay ugu soo gashay qolkiisi isagoo sigaar buufinaya. Wuxuu ku yidhi kaalay maxaad rabtay? Waxay tidhi 10 shilin ayuu aabo isiiyay oo soo firi walaalkaa ayuu iyidhi.  Wuxuu ku dhahay anaa 10 kale kuugu darayee ha isheegin.

Yartii ayaa ugu jawaabtay: 50 iiga dhig uu tukanaayaa ayaan ku odhane!!!!


Naag ayaa ku tidhi ninkeedii : gabadhan jaarka ayaan arin yar kalsoo hadlayaaye 5 daqiiqo gudahoode, gistigaas dabka saaran yaanuu sii gubane rubu-saaciiba (15 qaqiiqoba) mar biyee. 5 daqiiqo , imisa rubuc saac ayaa ku jira?


. Ninbaa salaad subax tujiyay masaajidka. Faataxada kadib wuxuu akhriyay suurada yuusuf, markaasu toban jeer qalday. Markii lagabaxay salaadii ayuu.nin ka dhax kacay markaasu ku yidhi imaamkii: ilaahay maadan ka baqayn imaam yuusuf waxay walaalihii ku sameeyeen waxaa daran waxaad adu ku samaysaye.


Gabadh wariye ah ayaa waydiisay xariif sadex xaasle ah: maxaa keenay ninka dhowr naagood guursada in loo arko nin rageed, gabadha dhowr mariana loo yasaa?


Wuxuu yidhi: ma ogtahay furaha dhor quful furaa inuu yahay qaali oo la yidhaa (Master key) halka qufulka fura kastaa furo uu yahay baylah oo aysan cidna wax ku falin.


Dabeed gabadhi wariyaha ahay waxay guursatay ninkii waxaana igu maqaala ah inay dhaleen wiil fure 🔑 la yidhaa.


Ninbaa saaxiibkii ku yidhi 50 doolar i daymi. Markaasuu ku yidhi: saaxiib walaah markaan tukanayoi lacagta inta le'eg anaaba ka xishooda inaan ilaahay waydiisto.