Faallo ku saabsan heesta Galbis


Faallo ku saabsan heesta Galbis

Gobannimadu waa tilmaan Ilaahay nafaha sarreeya ku uumay oo gayaysiisa inay nolol akhlaaqi ah oo qaaya badan ku noolaadaan. Farqi baa u dhexeeya gobannimada iyo caddaaladda. Gobannimadu waa inuuna seeskaaga dadladhaqanku noqonnin maxaan xaq u leeyahay iyo sideen u aargoosan karaa ee waa inaad tanaasul samayso, cafin yeelato, xiqdi iska dhawrto oo laabtaadu xalnaato, haddii ismaandhaaf idin dhex maro dad aad isku wanaagsanaan jirteenna aadan hilmaamin wanaaggii iyo waayihii samaa ee soo wada marteen. Seeska la rabo in muuminku halbeeggiisa dadladhaqanka ka dhigo waa gobannimadaas. Tacbiirka quraaniga ahi waa 'ixsaan' oo isla gobannimada uun noqonaya. Eebbe wuxuu leeyahay, [Alle wuxuu farayaa caddaaladda iyo gobannimada]_Naxli, 90.


Caddaaladda oo ah in qofku waxa uu xaqa u leeyahay helo waxaa ka heersarraysa gobannimada oo ah in qofku uu xuquuqdiisa qaar ka tanaasuli karayo sida inuu cafis la yimaaddo, wax aan xaq loogu lahayn uu bixin karo, naftiisana u huri karo qadiyad guud. Tusaale, haddii xumaato lagugu falo inaad isla xumaatadii ku jawaabceliso waa caddaalad, laakiin inaad cafis la timaaddaa waa gobannimo. Eebbe S.o.K waxa uu leeyahay, [Abaalka xumaantu waa xumaan, cidda iska cafisa ee roonaatana Alle ayaa ajir siinaya, Alle ma jecla gardarroolayaasha.]


Mar kale Eebbe isaga oo kalatagga lammaanayaasha ka hadlaya waxa uu yidhi, [ha hilmaamina wanaagga dhexdiinna ah] oo la micno ah xataa haddii aad kala dhaqaaqaysaan war gobannimada ha ka tagina.


Eegga iyo haatan aan bal isla eegno heesta Galbis oo aan heesta gobannimada u caleemo saaray. Heesta waxa qaada Maxamed Mooge, waxayna ka warramaysaa laba qof oo kalgacal mideeyay hase ahaatee waa waayaha nolosha iyo caadkoode inta ay kala fogaadeen gabadhii la guursaday. Sidaas aawadeed heestu waxay ku hadlaysaa afka wiilka maanta dhibbanaha u ah dareenkii qurxoonaa ee xilli gooraha ka mid ah mideeyay qalbigiisa iyo gabadha dheeraatay. Sida la wada filayay ma uusan canaananine wuu u cudurdaarayaa isaga oo ku billaabaya:


"Aniguna kumaan gabin

Adna iima goynine 

Waayahaa ina gaabshee"


Marna ma filaysay in dhallinyaro haasaawe ka dhicisoobay uu midkoodna sidan ku jawaabi lahaa? Mise waxaa maskaxdaada ku soo dhacay whatsApp status la soo dhigayo:


"Waxaad taraysaa yaraa" iyo ka raystay bukaanadii"


Halkaa ayuu ka sii wadayaa isagoo leh:


Guri haddii aad leedahay 

Oo lagula aqalgalay

Geel iyo gammaan faras

Ayaan kugu galbinayaa"


Kaliya kuma gaabsannin inuu qaddarka dhacay laabta u sii daayaye wuxuu intaa ugu daray inuu gurigeedii wax ka dhiso hiil iyo hoobana ku taakuleeyo. Jacaylka dhabta ahi waa inaad qofka iskii u jeclaato ayay yidhaahdaan murtiilayaashu oo aad xataa isagoo kaa fog mar walba ku farxayso wanaaggiisa, haddii aadan sida saaxiibkeen yeelay farxaddiisa wax ka dhisayninba. Haddii se aad qofka jeceshahay uun inta uu kula jiro kalgacalkaasu maaha qaangaadh, caashaqa dhabta ah oo ah inaad naftaada wax dhaafsan iskii u jeclaan kartana ma aadan helin runtii ee kaliya qof naftaadu ay ka heshay ayaad isla jeclaatay. Figta jacaylku waa nafhur, daatada oo aad dhaafi karto iyo inaad waxaan dani kuugu jirin si dhab ah muxubbo ugu qaadi karo. Sidaas aawadeed, waxaan odhan karnaa qof gob ah ayuun baa si run ah wax u jeclaan kara, waana hibo ay culus tahay in la wada helo. Waa kan isaga oo sababaynaya in falkiisaas ay gobannimo kali ahi khasbayso ee aysan dano kale ku ladhnayn sida ay caadiyan u lammaanayso hawlaha badan ee aadmigu qabto.


"Waa ii garasho waayeel

Haddaan gacan ku siiyee

Anna gob iyo caadkeed

Ayaan kugu galbinayaa"


Su'aasha maskaxdeenna ku soo dhici karta ee odhanaysa: war maxaa naagta kaa tagtay arooskeeda kaa galay ee aad kharashaadka iyo wakhtigaba u galin adiga oo qurxinaya farxaddan murugadaada hooyada u ah ayaa intuu hawada ka qabsaday iyadoo aan afkeennaba ka soo bixin weyndiintii innoogaga jawaabayaa sabab aynu dhammaanteen madaxa u ruxayno taas oo nuxurkeedu yahay: dunida gobannimada marka la joogo, haddii la iswaayo kama dhigna in la isnacay, doqonina meel maqaadiiri ka adeegatay bay mooddaa meel lagu kala gurtay. Waxa uu yidhi murtiile lama sii xantee:


"Doqon baan gu' iyo deyr

Kala garan midday tahoo

Kolba dhinac u guurtee

Kalgacaylka guunkii

Inuu gaaxdo mooyee

Abidkii ma guuree"


Yaa Ilaahii! Mar haddii waxakan kalgacalka la yidhaahdaa uu xididdaystaba intaa la kala maqan yahay isagu ma maqnaado e wuu sii gaaxdaa sida xooluhu haddii aan habeenkii la lisin intay gaaxdaan aroortii looga wada liso kuwii xalay iyo intii subaxaba. Goorta goortii kalatagga xigta ee aad qofkaad jeclayd kulantaanna sidii wax soo taxnaa oo aan marnaba dhantaalmin ayaad halkaa uga sii ambaqaadaysaan noloshii habboonayd. Waa kii Mooge sida quusta leh hees kale ugu su'aalayay midduu jeclaa ee la yidhi waa la guursaday:

"Haddaan goob ku kulannana

Ma i garan lahayd tolow

Mise waa garaad dumar

Kaa guur jacaylkii"


Haddana su'aal kale ayaa iskeentay oo odhanaysa: gabdhuhu way badan yihiin, qaarkoodna kolleyba hadal wuu idin kala gaadhaye maxaa ku gooni ah yartan? Dabeeto isaga oo sidiisii sababihii qancinta badnaa wata ayuu odhanayaa:

"Aniguna gadaaldhalad

Kuma garabdhigaayoo

Iilama gudboonide"


Waa gabadh shindhalad ah, waayaha iyo xusuusaha aanu soo wada marnayna ma aha mid aan ka heli karo gayaanka kale, sidaas aawadeed booskeedu waa lama buuxiyaan. 


Jacaylka iyo nolosha ka abuurantay iskuxidhanka arwaaxda labada qof haddiu uu midow ku dambeeyi waa badhaadhe iyo liibaan nololeed, haddii maqaadiirtu salfatana dhaawacyo rejooyin burburkoodu uusan waayo dawoobi doonin ayaa laga dhaxlaa.


War gobannimada ha ka tegina, haddii aydaan dabeecadeheeda lahaynna iska dhigdhiga.