𝙎𝙞𝙙𝙚𝙚 𝙜𝙪𝙧𝙞𝙜𝙖 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙪 𝙨𝙖𝙢𝙚𝙚𝙮𝙖𝙖 (𝙋𝙚𝙖𝙣𝙪𝙩 𝘽𝙪𝙩𝙩𝙚𝙧 ( 𝙎𝙪𝙗𝙖𝙜𝙖 𝙡𝙤𝙤𝙨𝙠𝙖

 


𝙎𝙞𝙙𝙚𝙚 𝙜𝙪𝙧𝙞𝙜𝙖 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙪 𝙨𝙖𝙢𝙚𝙚𝙮𝙖𝙖

(𝙋𝙚𝙖𝙣𝙪𝙩 𝘽𝙪𝙩𝙩𝙚𝙧 ( 𝙎𝙪𝙗𝙖𝙜𝙖 𝙡𝙤𝙤𝙨𝙠𝙖) 


💠 Soo qaado 2 koob oo loos qolof la'aan ah.

💠 Wax yar birtaawada dabka la saar oo soo dub.

💠 Khalaadka ama makiinadda cabitaanka ku shub oo shiid.

💠 Ku dar in yar oo saliid macasaro ah.

💠 Iyo 1 qaaddo oo malab ah.

💠 Shiid illaa uu ka noqonayo kareem.

💠 Ku shubo weel dabool leh oo ilmaha subixi ku sii quraacda.


Caanaha iyo mooska iyo shuufaanka aan qeybt hoose uga soo hadlay waad ku dari kartaa. 

 Labo waqti ilmaha ku sii cuntada.

 Hana ka badinin.


Faa'iidooyinkiisa maxaa ka mid ah:


🔹️ Waxaa la siin karaa ilmaha ka weyn 1 sano, waxay ka dhistaa dhan jireed iyo dhan maskaxeed. waa haddii loo siiyo si nidaam ah oonan laga badin.


🔹️ Waxaa laga helaa awood oo waxaa ku jira Carbohydrate iyo Protein Fats.


🔹️ Waxay qani ku tahay Vitamiino iyo macdan fara badan. sida Vitamin E, B3, B6 iyo Magnesium.


🔹️ Waxay hoos u dhigtaa miisaanka, maadama ay ku dareensiineyso dherganaan oo ay baahida yareyneyso.


🔹️ Sokorta jirka ayey xakameysaa.

🔹️ Caafimaadka qalbiga ayey u fiicantahay.

🔹️ Lafaha ayey xoojisaa.

🔹️ Kansarka (allaha naga haayee) ayey dhalashadiisa ka hor tagtaa.

🔹️ Maskaxda iyo caqliga ayey u fiicantahay.


Maxaa dhibaatooyin ah oo ka dhalan karo:


Waxaa khalad ah inaa iska badiso ama ilmahaaga ka badiso waayo haddaanan si nidaam ah loo siin ilmaha koriinkooda ayey yareyneysaa.


Haddaa xasiisiyo ku qabto ama ilmahaagu ku qabo waa inaa ka dhaafto.