kutub laga helay
Kutubta ayaa ahayd weelka uu baniaadamku ku kaydiyo aqoonta malaayiin sano waana wadada kaliya ee lasu marin jiray aqoonta . Xasuusdhawr ay kuduuganyihiin dhaxalkii aqooned , taariikheed ee inooga tageen awawyadii horee laguna diiwaangaliyo tani iyo maanta, sidaa darteed ayay unoqdeen astà anta ilbaxnimada .waa shinbir baalasha b uu kuduulo ku gaadhsiiya daafa caalamka.
Xiliyadii calanka islaamku taagnaa dunidana u talinayay ayay dadkii muslimiinta ahaa dhiseen bulsho hodan ku ah aqoonta oo ku hogaamisa dunida inteeda kale waxaan ilaa maanta kadhaansaanaa dararkii ay inoo buuxiyeen. Dhaxalkaa maguuraanka ah ee ku tabceen aduunkana wax kagabadaleen ayaa nasiib daro helin daryeelkii uu mudnaa kadib burburkii awoodi muslimiintana baylahay. Waxaa lumay malaayiin kutub ah ooy ku saama layleen aqoonyahano waawayn ooy ku miireen miidii aqoonta , waana waax halbawla ah oo ka maqan taariikhda islaamka iyo sooyaalka umada muslimka ah . Dhaxalkan maguuraan ka ah ayaan waxaan kahayna waqtigaa dheer kasakow hanbadii kahadhay baylahda iyo micidii dugaaga. Baadidaa ayaan cidna wax iska waydiinin . Bal in la goobo iska dhaafe had.Waxaa waydhayd laga helay masjid jaamaca watn ee kuyaala magaalada sanca ee dalka yaman xili dib u idhis lagu samaynayay tariikhduna ku beegnayd 1972 kayd lagu qariyay kumanaan kutub ah kuwaaso qarniyo hore kasoo jeeda kutubtan ayaa ka koobnaa kuwa inasoo gaadhay iyo kuwa aan ina soo gaadhi n oo la kala qoray waqtiyo kala duwan lagasoo bilaabo qarnigi 1 2 gacatana lagu qoray , lama yaqaan sabab tii halkan loogu xareeyay kutubta miisaankaaa leh iyadoon ruuxna ogaanin intaasoo qarni , balse waxay ahay talaabo wanaagsan oo taariikhi ah waayo waa hanti inaga luntay oo alle inoosoo celiyay kadib markaan dayacnay dadaalkii dadkeenii waawaynaa .
Kumanaan qoraalo ah lagu qoray hargo faro hore oo ay carabtu isticmaali jirtay xiligaas . Waxayna kujjirtay halkaa ilaa iu ka arkay hugaamiyihii ismaaciil al akwac kaasoo xiligaas ahaa madaxii hayada aathaartA dalka yaman dabadeedna wuxuu ka codsaday xukuumadii jarmalka xiligaas inay kacaawiyaan dayactirka kutubtan
Waxayna ka ogaolaadeen sanadii 1979 inay mashruucan fuliyaan , waxayna teamkii hawshan dibuhabaynta ka shaqaynayay ayaa waxay kadhaxheleen islamarkaana dayactireen 1500 oo bog oo lasheegay inay kamid ahaayeen nuskhooyin ugu horeeyay ee usxafka .
Kuwaasoo qayb ka ahaa qoraalo kaadhaya ilaa 40meeya kun .
Waxaana dib loogusoo celiyay dalka yaman iyadoo ladhigay daarta makhduudaadka halkaasoo dadku kubooqdaan
Waxay khubaradii hawshan ka shaqaynaysyy tilmaameen in baadhis kadib la igaaday in ahaayeeen qoraaaladu kuwo lasameeyayy xili yo kala duwan halka ay qaarkood kasoo jeedeen qanigii 1-2 ee taariikhda islaamka.