Calaamada lagu garto xaasku inay jeceshahay ninkeeda

 Calaamada lagu garto xaasku inay jeceshahay ninkeeda

Calaamada lagu garto xaasku inay jeceshahay ninkeeda

Calaamada lagu garto xaasku inay jeceshahay ninkeeda





Waxaa jira dhaqamo iyo qaabsod laga akhrisan karo dareenka caadifadeed ee ruux u qabo mid kale.



In jacaylka afka laga sheegtaa ma adka, laakiin in ficil ahaan lagu soo bandhigu ayaa adag , maxaa yeelay ficilku waxa uu ka turjumayaa dareenka dhabta ah ee qalbigaaga hadhsanaya.



Waxaa jirar calàamada badan oo lagaga aqrosan karo dareenka jacayl ee ay la daaladhacayso xaaskaagu , kaaso marwalboy qari is tidhaaba miil mudh kasoo leh.



Calaamadahan hadaad xaaskaaga ku aragto waxay muujinayaan inay jacay aan lasoo koobi karin kuu hayso marwadaadu kaasoo ficiladeeda ku xardhan .



Waxaa kamida u abayeel laaanta qaladaadkiisa ,iyadoo aan wax dhoodhoof ah haba yaraatee u ueelanayn talaaba walba oo u ku kaco 

Sida isagoo ah malag lamcanaantaan ah 

Oon gafayn mararka qaar haday isha kudhufato isaga oo ku kacaya waxyaabo aanu raali ka ahayna , ilbidhiqsiyo gudahood ku hilmaaamaysa ileen caashaq ayaa indha tiraye.




Inay marwalba lagarab taagnaato hiil iyo hooba kana gacan siiso waxwalba oo la soo darsa isla markaana kataageerto himiladiisa , kuna dhiiri galiso siduu u xaqiijin lahaa waa astaan lagu yaqaan marwo caashaq siito galiyay oo saygeedu dhiigeeda raacay dhuuxeedana kumilanyahay kalgacalkiisu.



Waxaa lagu yaqaanaa kalsoonida labida dhinac isdhaafsadaan inuu dhaadma adag leeyahay oo dhexda ugu jira , llogu dhawaaqo jacayl. 

Wuxuu dhisaa dayr adag oo kalsooni loogu gamo,.

Isku kalsoonidu waxay kamid tahay midabada jacaylku kudhigo qofka,

Waxaana hubaal ah hadaad aragto xaaskaaga oo kalsooni ku qabta hadaladaada, fikradaada, xaaladaada nololeed, iyo balanqaadyadaada,  inay ku jeceshay loona baahan yahay inaadan beerdaray shucuurtaa macaan , ubaxaa qurxoona aad waraabiso .




Hadyadu waxay kamid tahay waxyaabaha farxada leh intabadan lamaanuhu ku cabiraan jacaylka ay isu qabaan , gabbadha ninkeeda xiisaha u haysaa hadba waxay isku dayda inay samayso wax indhihiisa soo jiita.

Sida inay hadyado ukeento lama filaan ah.



Saaxiibtinimaada iyo usoo dhawanshaha



Inay xaaskaagu danayso inay kula sheekaysato, kaa waraysato hawlahaaga shaqada, iyo arimaaahaga khaaska ah iyo inay waqti siiso lajoogistaada waa astaamha ugu cadca ee laga akhrisan karo heerkulka jacaylkeeda.




Isqurxinta iyo daryeelka nafteeda si ay usoo jiidato indhajaaga



Isdhalaalinta iyo daryeelka saaidka ah ee ay ku bixinayso jidhkeeda , qaablabiskeeda iyo isticmaalka uduga waa ciyaaro ay caan ku yihiin dumarku kana turjumaysa xaaladooda nafsiyadeed iyo tan caadifiyadeed e ay ku jiraan, waxay abuuraysaa jawi qurxoon oo ay idhahaagu kusii nagaan karaan daawashadiisa,  si uu xiisuhu icimriyo.




Waxaa jira qaabab inta dheer oo ay gabadho ku cabirto kalgacalkeeda



Sida inay aad ola socoto nin habka uu labisto una xusho labiska ugu qurxoon


Inay cunto nafaqaleh kula dadaasho 


Inay caafimaadkiisaa aad udanayso


Marka uu guriga ka maqanyahay inay wacitaanka ku badiso

Marwalbana lasocoto meesha uu kusuganyahay arimaahaaso dhami waxay cadaynayaa xajmiga u gaadhsiisanyahay jacayl gabadhu uqabto saygeeza.



Fiiro gaara!


Caalmadaha aan kor kusoo xusnay shardi maha in laga wada helo gabadha balse hadii qayb kamida laga helo way soo galaysaa , maadaama o aragtida lagu kala duwan yahay qofba si ugooni ah oo waafaqsan shaqsiyadiisa ayuu kucabiraa.