daaweynta dhirta

  


Isku daawaynta dhirta iyo faaidooyinka ay leedahay

 

Dhirtu  waa geedaha noocyadooda kaladuwan taaso leh qaybo la beerto islamarkaana ujoodooyin kala gadisan loo beerto sida in lagu beerto guryaha hortooda iyada oo looga danleeyahay in lagu qurxisto  barxada guryaha, sidoo kale wxaa loo beertaa in la intifaacsado,
Iyo mid kabaxdaa kaymaha iyo buuraha oo aanay beerin gacanta bini aadamku taaso .



Hadaba waxay leedadahay dhirtu isticmaal kala duwaan kuwaaso aan lasoo koobi Karin islamarkaana biniaadamka faaidooyin kala duwan uleh, balse wxaynu maqaalka kusoo bandhigi doonaa faaidooyinka caafimaad ee ay leedahay dhirtu iyo sida la isugu daweeyo dabeecada , arintaas oo kadaahan dada tira badan , iyadoo la ogyahay inay inay dhirtu dabooli karto baahida loo qabo daawooyinka kimikal ah ee keena dhibatooyinka ama saamaynta xun kaga taga bini aadamka, iyada oo dhirta laga helo kara=o daawooyin kala gadisan oo loo siticmaali karo xanuunada qaybohooda kala duwan , waxaa sidoo kali loo isticmaali karaa daawayinka la isku qurxiyo kuwaas ooon lahayn wax dhibaata ah islamarkaana dabiici ah.

 

Dalkeenu waxa uu hodan ku yahay dhirta qaybeeheeda kala duwan wxayna awawyeheen ahaayeen kuwa u adeegsada caafimaad ahaan iyaga oo isku daawayn jiray marka ay xanuunsadaan lakiin nasiib daro waxba kamaynaan baran waya aragnimadoodii , waxay kudaaweyn jireen bukaan halka sidoo kale ay ku daawayn jireen xoolaha ay dhaqdaan iyaga oo ulaahaa khibrad badan dhirta daawada ah.

 

Dunidan aan manta joogno oo khaatiyaan kataagan daawooyinka kimikda ah ayaa ku baraarugtay faidada caafimaad ee ay dhirtu leedahay islamarkaana u jeedsatay sidii ay oga faa idaysan lahaayeen daawada dabiiciga ah ogana fogaan lahaayeen daawooyin kimikada ah ee saamaynta danbe leh , wxaana siwayn ufaaftay dhirta iyada oo ay jiraan xarumo caalami ah oo lagu daaweeyo dadka , waxaana u taga xurumaha cafimaad ee daawo dhireeda malaayiin bukaano ah kuwaas oo lagula tacaalo xaaladooda caafimaadaan , bukaanadan ayaa intooda badan bogaadinaya faaidada lama filaanka ah ee ay kala kulmeen goobaha daawo dhireedka iyaga oo sheegaya in xaaladooda wax looga qabanwaayay cisbitaalada waawayn balse markay isticmaalen daawada dhirta laga sameeyay ee dabiiciga ah ay fiicnaatay xaaladooda caafiimaad islamarkaana ay dareemeen isbadal wayn , taaso cadaynaysa farqiga way nee udhexeeya daawada dabiiciga ah iyo tan kale.

 

 

Dhirta ayaa qarniyo badan ahay warshada kaliya ee soo saarta daawada caalmka dadkuna ay baqan jireen marka ay lasoo daristo xaalad caafimaad daro , wxaa jira boqolaal qoraalo ah oo laga sameeyay isku daawaynta dhirta ku was oo ay qaar badani soo gaadheen casrigeenan marjic muhiim ahna unoqon kara dawwada dhirta, waxaa jira boqolaal culimo ah oo ku taqasusay daawo dhireeda kuwaas oo ka alifay kutub waawaynta dhirta.

 

Culumada wax ka qortay baabkan kuwooda ugu caansan waxaa ka mida caalimkii muslimka ahaa ee loogu abtiriyo soo saarista qaliinka waa:ibnu sinaa wuxuu caalimkaasi ka qoray dhirta iyo guud ahaanba caafimaadka kutub fara badan wxaana kutubtiisa ugu caansan kitaabka loo yaqaano al qaanuunu fidibi,  kaaso ilaa manta marjic u ah baabkan daawo dhaqameedka.

 

In kasta oo ay yartahay aqoonteena laxidhiidha daawooyinka dhirta hadana way jiraan dod soomaaliyeed wax kayaqaana daawo dhaqameedka lakiin nasiib daro waxayna ka haysanin wax dhiiri galin ah dhanka bulshada iyaga oo aad moodo in laga haysto sawir qaldan, kaaso khalkhal galinaya marar badan kalsoonida ay ku qabaan xirfadooda iyo tan ay bulshadu iyaga ku qabto, isla markaana hoos udhac ku keenaya horumarka xirfadooda.