Fayraskan ka digtoonow

 Fayras khatar ah oo madax furasho kaa raba wax layaableh codsanaya si u xayiraada oga qaado faylashaada


Waxaa dunida racaladeeda kufaafay markay taariikhdu ahayd 2017-kii fayras lamagac baxay WannaCry kaasoo katirsanaa caailada fayrasyada madaxfurashada . Wuxuuna fayraska la yidhaa inaan ooyaan rabaa uu gaystay weerarkii ugu waynaa kaasoon horay noociisa ookale dunida loogu maqal waxyeel laxaad leh na ugaystay waaxda electric iyo nidaamka macluumaadka ee casriga ah, wuxuuna jabsaday malaayiin kumbuyuutar oo ay leeyihiin dawladu shikado hayadaha amaanka iyo hayadaha samafalka kuwa dawliga ah, xquuqul insaanka, shaqsiyaad muhiim ah iwm. 


Waxay qufuleen dhamaan macluumaadkii ku jiray kumbuyuutar da iyagoo codsanaya in la siiyo lacag madax furasho ah si ay ugu fasaxaan kumbuyuutarada shaqadooda cunaqabatayntana oga qaadaaan si dib loogu adeegsado.


Mudadaa kadib waxaa isasoo tarayay weerarda noocanoo kale ah inkastoo aanay gaadhin guusha uu gaadhay fayraska wannacry hadana waa kuwo dhibaato laxaad leh u gaystay bulsho badan. Budhcadan ayaa ogaaday inay tahay arintan foosha xun ee ay ku kacaayaaan tahay jinaas ay ku heli karaan malaayin lacag ah , sidaa daraadeed ayaan maalinba maalinka danbaysa waxaan maqlaynaa fayras cusub oo dunida tiknoolajiyada kusoo biiray ionaacanoo kale ah.


Waxaa maalmahan soo baxay fayras cusub oo ah nooca madax furashada ah balse arinta layaabka leh ayaa waxay tahay , fayraskani marka uu kusoo weeraro macodsanayo lacag si uu xayiraada kumbuyuutar kaaga oga qaado balse wuxuu codsanayaaa inaad ciyaarto hame-ka(PUBG) si uu lloga oga furo faylashaada kuugu jira kumbuyuutarka mudo halsaac ah.


Fayraskan aya waxaa ogaaday malware hunter team oo lawadaagay dhibanayaasha shaashada kasoo muuqanaysa shaashadaha kumbuyuutarada ee fayrasku ku xidhay.


Waxaa lagamamaarmaan ah in ay taxadar dheeraad ah sameeyaan dadka adeegsada aaladaha kumbuyuutarka si ay oga gaashaantaN dhibaatooyinkan oo kale inay kasoo gaadhaan tuugta.

Waxaan halka kuu soo bandhigaynaa liis dheer oo kuu sharaxaya sida aad oga hortagi lahayd fayrayadan oo kale adoo qaadaya talaabooyin nabadqaba .
  • Had iyo jeer ku hay galka galka biraawsarka

  • Waligaa ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyeed ama xog xasaasi ah khadka tooska ah haddii aadan hubin goobta 

  • Waligaa ha gujin xiriiriyeyaasha laga shakiyo ama daaqadaha soo baxa 

  • Diyaarso nuqul gurmad ah, haddii xogtaada lumiso

  • Kaydi xogtaada, goobaha kaydinta daruuraha, si aad u ilaaliso oo aad uga soo kabsato si ka fudud.

  • Ku sii wad cusbooneysiinta nidaamka hawlgalka iyo codsiyada kale ee muhiimka ah kumbuyuutarkaaga.