Windowdow 8.1 oo waqtigeedii soo dhamaanayo

 



Microsoft oo digniin u dirtay adeeegsadayaasha windows 8.1

 Waxaa usoo baxaya adeegsadayaasha windows 8.1 fariin shaasha kombuyuutarkooda taaso tilmaamaysa inaanuu nidaamka windows8,1 aanu yeelan doonin cusboonaysiimaha dhanka amniga ee xoo jinaya lagabilaabo taariikhdu markay tahay  10 January 2023.  Hadaa kamid tahay dadka wali sii adeegsada  nidaamka windows 8.1  markaad isku daydo inaad dib u cosboonayso  waxxd arkaysaa fariintaas sheegaysa inuu dhamaaday cimrigii nidaamka windows 8.1. hadaan si kale u dhigno waxaa si kamadanbays ah loo joojinayaa taageerada uu ka helo shirkada Microsoft  mana siin doonto taageero dheeri ah nidamaakan oo ahaa mid ay shirkadu daah furtay October 2013-dii . inta badan raageerada ay windows hesho ayaa u qaybsama laba noooc oo kala ah taageerada aasaasiga ah, iyo taageerada balaadhinta ah,  taageerada aasaasiga ah ayaa ah  mid lagu ilaalinayo amaanka nidaamka islammarkaana lagu sii xoojinayo adeegyada cusub iyo xidhmooyinka horumarsan ee cusub, habkan waxaa lajoojiyay January 2018.  Taageerada balaadhinta waxaa  si gaar ah loogu tala galay cusboonaysiinta nidamka amnigga ee kumbuyuutarada ku shaqeeya nidaamka windowska  taas oo kadhiga inaad adeegsan karto nidaamka windows 8.1 inta kadanbaysa 9 January 2023 oo uu istaagayo taageradiisa dhanka amniga , in kasta oo uu la,aanteed shaqayn karo hadana waxaad halis utahay weerarada dhanka hakarada.